![]() |
Cali Hilowle |
Muqdisho – Markii Ilaahay abuuray Aadam,
Xaawana feertiisa ka beeray waxaa loo dejiyay nidaam iyo sharci, waxaana loo
sheegay silsilad loogu tala-galay inay ku dul-wareegtaan oo la’amray inaysan
dhinac uga ciirin. Waxaa la dejiyay halkii ugu wanaagsanayd ee noole ku
sugnaado – Jannada, laakin nasiib-darro markii ay dhinac uga ciireen tubtii loo
jideeyey, waxay kaliftay inay kala irdhoobaan; lumiyaan meeshii ugu nolol
fiicnayd. Taasina waa albaabka qof walba uu mutaysan karo markuu ku xad-gudbo
xeerkii la isku ogaa.
Arrintaa waxa ay sababtay in loo dejiyo
dunidan maanta ku nool nahay. Waxa ay wareegto oo qarniba qarni jaro; sanadba
sanadka ka danbeeyo oo loolan dheer loo kala galay mudnaanta sare ee nolosha,
waxay timid xilli dowlado ay taliyaan dadkana la kala suntaday oo qof walba
waddan uu ku abtirsado yeeshay.
Dal kasta wuxuu dhistay dowlad isaga u gaar
ah iyo jaranjar qof walba uu meel ka degan yahay.
Si dadkaas wada saaran sallaanka, laakin mid
kasta uu meel ka joogo ay isku fahmaan waxna isugu sheegaan, waxa ay dowladaha
qaar dejiyeen xeerar iyo nidaam ay dadku ku kala soofaan ‘arooraan’.
Xeerarkaas waxaa kamid ah xeerka
xurriyatul-qowlka.
Xurriyatul-qowl macnihiisa guud waxa ay
tahay; ‘Hadal ay cabsi ka maran tahay ama qofku in uu hadlo isaga oo aan jawaab
celin cabsi ah dareemayn.’
Midaasi oo micnaheeda ay si qaldan dad badan
u fahmeen, mararka qaar ayaad arkaysaa qof ku xad-gudbaya qof kale isaga oo si
gaar ah wax uga sheegaya. Kolka aad weydiiso ‘Maxay tahay sababta aad u cayday
ama ugu xad-gudubtay waxaa uu durbadiiba lasoo boodayaa ‘Ha i caburin – ee
xurriyatul-qowlka ilaali.’
Xuriyatul qowlka ma xeer xaaranta fasaxaa?
Ma sidii tusbax furmaa?
Maku xad-gudub naf kalaa?
Haddii wax walba oo aadamigu uusan jeclayn in
lagu yiraahdo aad dadka ku leedahay, marka lagu war-celinaya aad oranayso: ‘Ha
i caburin’, soo ma ahan xurriyatul-qowl aad xad-gudub ku raadisay?!
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: farriin-danabeed;
calikaafi9@gmail.com.