Ololaha Musharaxiinta doorashada madaxtinimada iyo Paarlamaanka
Turkiga ayaa soo gabagabowlday iyadoo wax kayar 24-saac ay ka dhimantay xiliga
ay furmayaan goobaha cod-bixinta oo ku beegay Axada birita ah
Doorashadan ayaa noqoneysa mida ugu
saameynta badan taariiqda Turkiga, iyadoo madaxweynihii ladoorto uu dhaxli
doono awood aan horay loo arag ee wadanka
Madaxweynaha haatan talada haya
Recep Dhayip ordugan ayaa larajeynayaa in dib loodoorto inkasta oo loolan adag
kala kulmayo tiro kamid ah Mucaaradaka, waxaana loo baahnaan doonaa wareeg
labaad oo qof iyo qof ah si loo kala baxo
Mr Erdogan ayaa ku baaqay doorasho
waqtigeeda laga soo hormarinayo sided bil ka hor xiliga doorashada loo
balansanaa, kadib markii uu guulweyn ka gaaray dhanka Amniga iyo mucaaradka ka
soo horjeedo inkasta oo ay colesyo ka heystaan dhanka dhaqaalaha
Erdogan Caqabada ugu weyn waxa uu
kala kulmayaa macalin hore oo maadada Physicis-ka Caan ku ah #Muharrem_Ince.
Ince ayaa balan qaaday in uu maalgalin
weyn ku sameyn doono wax-barashada iyo in uu xariir wanaagsan lasameynayo wadamada Reer
galbeedka, oo bilihii dambe Erdogan uu xariir kooda gaabiye
Turkigu waxuu wajahaayaa caqabado gudaha iyo dibada ah:
1-lacagta Turkiga ee Liiraha oo 5 boqolkiiba hoos u dhacday marka
labar-bar dhigo doller-ka
2-Ciidanka Turkiga oo holw-gal militari ka wada gudaha wadamada
Syria iyo Iraq iyo
3-caqabada ugu weyn oo ah mida ka imaaneysa shacabka Kurdiga oo u
arka in si gaar ah loo beegsanayo
4-Caqabada kale ayaa ah Erdogan oo aan jecleen in xisbi mucaarad
ah uu baarlamaanka kula midoobo
Xisbiga AKP ee uu hogaamiyo Erdogan ayaa lafilaa inay kuraasta ugu
badan ka helaan Parlamaan-ka inkasto ay jirto caqabada uga imaaneysa dadka
Kurdiga ah
Turgume Cali Hilowle
@Calikaafi8
--Calikaafi9@gmail