Friday, July 6, 2018

Maxaa tabban ama toggan oo ku jira kororka ku yimid qorida buugaag-ta?



---Buugaagta cusub ee la qorayo---
Qoraalku waa fariinta muujisa jiridda umadd  dhaxal leh, waxa uu naga reebaa raad, geesta kale waxa uu nagu soo simaa keydii wixii dhacay Qarniyo badan ka hor dagaal, abaaro, iyo barwaaqaba, sababtoo ah qoraa kasta waxa uu wax ka tilmaamaa waxa jira xilligiisa.
Dhacdooyin iyo Sheekooyin badan oo horey u soo maray bulshadeena waxay in badan oo ka mid ah nagu soo gaareen qoraal ay sameeyeen qalin maalkeenii horey u gartay muhiimadda in qoraal wax lagu keydsado.
Qareyaasha ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid yihiin haldoorada bulshada madaama jiilka dambe ay u dhigaal dhaxal qoran, kaa oo noqda hanti qaran ama mid si gaar ah u anfaca bulsho.
Qoraaga wanaagsan waa midka dadka aqrista u sawira xaqiiq barax la’ dhnna aan u jan jeerin, akhristahana ka  dhiga qof filin ahaan u daawacaya dhacda ’ qoraalkiisu yahay mid isku xir xiran oo sadarba sadarka kale kuu dhiibayo adigoo xiiseynaya.
Qiimaha qoraalku qoomiyad ugu fadhiyo soomaalidu waxa ay ku soo koobtay murtida tiraahda ‘Wixii Qoran baa qarooma haree maxuu hadal qeemo leyahay’
Waxaa jira caqabado hortaagan dhalinyarada Soomaaliyeed  ee dalaalka weyn ugu jira si ay u soo saaraan buugaag dhaxal u noqda jiilka dambe.
Talo
Si ay dhalinyarada qalin maalka ah u ogaadaan wax yaabaha laga yaabo inay san u saxneyn waxaa muhiim ah inay la xariiraan kuwii iyaga kaga horeysay qorida buugta Ama af-yaqaanada.
Haddii ay sidaa sameeyaan dhalintu waxaan heli doonaa qoreyaal magac iyo maamuus bulshada ku dhex leh, waxay qoraana waxa ay noqonayaan raandhiis dhigaal gali kara.


Gunaanad
Ma ahan in aan durayo dhalinta soomaaliyeed ee ka soo weecday wax yaabihii xummaa ee markii hore looga faa’iideysan jiray sida: dagaaladii wajiyada badnaa ee nala soo gu tirsaday iyo dib u dhacyadii kale.
Waa wax lagu faano ama lagu farxo in aan aragto dhalin badan oo ku tar-tameysa qorida buugaag-ta iyo dhaxal reebka dad kooda.
Da’yartu waxay mudan yihiin in lagu dhiira-geliyo lagunna taageero hamigooda iyo tiig-sigooda, laguna kaabo taalooyina ku haboon hawsha ay ku dhaqaaqeen.
Qoraalkan kooban waa farriin iga timid oo aan ku bogaadinayo in buugg qoridda noo curatay aan laga dhigin bilow baryo ku eg (Xiiso dhamaada) balse loo arko tallaabo aan ku tiigsan karno tageeda horey nooga tallaabo qaaday.
  
Qore:Cali Hilowle 

Tuesday, July 3, 2018

Da’yar-ka aduunka ugu cayilan oo qaliin culeyskiisa lagu dhimayo lagu sameynayo



Markii ay dhaqaatiirto arkeen 14-jir lagu magacaabo Mihir Jain oo culeyskiiso yahay 237kg, waxa ay sheegeen inaysan hubin hadii ay ku guuleysanayaan qaliin ka lagu dhimayo culeyskiisa.
Dadka ku nool xaafada uttar Nagar ee galbeedka Delhi, ayaa layaabay Mihir culeyskiisa oo ka dhigayo da’yarka ugu culeyska weyn caalamka
Waalidiintiis waxa ay sheegeen in uu culeyskiisu isku dhimi karo oo kaliya hadii qaliin lagu sameyo, halka dhaqaatiirta isbitaalka Max ee magaalada Delhi ay sheegeen hadii ay qaliin ku sameyaan xataa inaysan hubi in uu isdhimayo culeyskiisa
Dr Pradeep Chowbey waxa uu sheegay in uusan isla ekeen culeyska iyo da’da wiilkan oo 14-jin un ah
Isagoo lahadlaye Times of India Dr Chowbey waxa uu sheegay inay qaliil tahay natiijada uu isku dhimi karo culeyska wiilkan
Turjume
 @Calikaafi8
Calikaafi9@gmail.com