Sunday, September 30, 2018

Darawal Taxi oo gaari 5-kursi leh 18-qof ku raray




Inkasta oo digniino adag ay bixiyaan police-ka iyo taraafikada si loo joojiyo culeeska noocan oo kale ah, hadana qaar ka mid ah darawalada wadanka Dominican Republic ayaa wili sameynayo wax yaabo ka baxsan sharciga
Darawal Taxi oo u dhashay wadanka Dominican Republic ayay police-ku qabteen isagoo gaari shankursi leh ku qaaday 18-qof
Vidio laga doobay markii dadka laga soo saaraye gaariga ayaa muujinaya dad tiro badan oo kuraasta dambe ee Taxi-ga ka soo baxaya
11-ruux ayaa saarnaa kursiga dambe ee loogu talo galay 4-ta qof-
Arintan ayaa u muuqan garta mid mado daalo ah, balse xaqiiqdo way ka muwan tahay sida aad sawiraneysid ayuu yiri mid kamid ah Police-ka Dommican Republic- isagoo intaa ku daray inay baaritaan ku sameyn doonaan waxa kalifay inay naftooda halis galiyaan
Inkasta oo aan fahamsanahay in cadaadis weyn uu ka jiro nidaamka gaadiidka dadweynaha, iyo dadka oo shaqo kale aan heynin, hadana ma jiraan wax cudurdaar ah oo ku saabsan hab-dhaqanka noocan ah. Waxaan muhiim ah inaan ka fekero cawaaqibka haddii gaarigaas uu ku dhacay shil waxaan oo kale waa sharci la'aanta sidaa waxaa yiri Af-hayeenka u hadlay Polce-ka
Arintan oo kale waxay ka dhacday dalka koofur Africa sanadkii 2009-ka kadib markii xaafad ka tirsan magaalda Cape Town oo darawal Taxi gaari qaato 26-qof oo ku raray 112-qof




Tur-jume Ali Hilowle

Saturday, September 8, 2018

Wax ka barro 10-ka Dal ee qaarada Africa ugu dhulka weyn



Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa 10-ka dal ee Africa ugu dhulka weyn anigoo ka bilaabi doona midka tobanaad

10: Muritania, Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Muritaaniya waxa ay dhacdaa waqoyi-galbeed Africa, Magaalo madaxdeeda waxaa layiraahdaa Nouakchott (Nuwaag-shoot), badkeedo waxa uu gaarayaa (1,3700 km2) shacabka Muritaaniya waxay gaarayaan 4.182 million oo qof
9:South Africa, Jamhuuriyadda Koofur Africa waxuu dhacaa sida ka muuqata magaciisa koofurta qaarada Africa, 1,221,000 KM2, waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 55.91 million oo qof, caasimada wadanka waxaa layiraahdaa Pretoria,
8: Mali, Jamhuuriyada Mali waa wadan ku yaallo galbeedka Africa, waa dal xiran (malahan wax bad ah) badkiisu waxuu gaarayaa 1,240,000 km2 caasimada wadanka Mali waxaa lagu magacaabaa Bamako, dadka u dhashay Mali waxay gaarayaan  15M oo ruux
7: Angola, waxay dhacdaa koofur galbeed Africa, badkeedo waxuu gaarayaa 1,246,000 km2, caasimada wadanka Angola waxaa layiraahdaa  Luanda, dadka ku nool Angola waxay gaarayaan 29M oo qof  
6: Niger Jamhuuriyada Niger, waxay dhacdaa galbeedka Africa waa dowlad xiran (malahan wax bad ah) badka Nigar waxa uu gaarayaa 1,267,000 Km2 Niamey (Niyaami)
5:Chad, Jamhuuriyada Chad, waxay dhacdaa bartamaha Africa, badka dowlada Chad waxuu gaarayaa 1,284,000 km2 caasimada Jamhuuriyada Chad waxa layiraahdaa N'Djamena (Nijamiina), waxaa dalkan ku nool 14M oo qof
4:Libiya waxay dhacdaa waqooyiga Africa, waa dal ka mid ah dalalka ugu dhulka weyn caalamka, waxuu badkiiso gaarayaan 1,759,000 KM2, caasimada wadanka Libiya waxaa layiraadkaa Tripoli, dadka ku nool waxay gaarayaan 6.293M oo qof
3: Sudan, Jamhuuriyada Sudan, dalkan waxuu ahaa wadanka ugu dulka weyn Africa ka hor inta aysan ka ogin sudanka koofureed, badka Sudan waxuu gaarayaa 1,861,000 km2, Caasimada wadanka Sudan waa magaalada Khartoum dadka sudan ku nool waxay gaarayaan 41,680,022 oo qof
2: Jamhuuriyada Demoqoradiga cong (Dr) waxuu dhacaa bartmada Africa, waa dalka labaad ee Africa ugu dhulka weyn, badkiiso waxuu gaarayaa 2,344,000km2, dadka ku nool DR  waxay gaarayaan 82M oo qof, caasimada wadanka waxaa layiraahdaa Kinshasa
1: Algeria, dalka Algeria waa dalka ugu dhulka weyn qaarada Africa waxa uu dhacaa waqoyiga Africa, badka Algeria waxa uu gaarayaa  2,381,000 km2, Algeria waxay ka gooban tahay  48 gobol waxaana ugu weyn gobolka Tamanrasset, gobolkan waxuu ka dhul weyn yahay wadamada Jarmalka iyo Syria, caasimada wadanka Algeria waxaa layiraahdaa Algiers dadka ku nool Algeria waxay gaarayaan 40.61 million oo qof