dadka Jamhuuriyada Dimuqoraadiga Congo waxay isku diyaarinayaan Doorasho si
loo soo af-garo hubaal la’aanta halkaa ka jirta
Jamhuuriyada
Democratica Congo waxaa lafilyaa inay doorashada Madaxtinimada ka qabsoomo todobaadka
soo socda taa oo loo arko inay soo gabagabeyn karto dagaalka iyo hubaal
la’aanta ka jirta halkaa 17-sanno iyo xukunka madaxweyn Joseph Kabila
21-musharax
ayaa u tartamaya inay badalaan Kabila, waxaana ugu cad-cad musharaxa uu isagu
wato ee Emmanuel Ramazani Shadary
Dalkan qaniga ku ah Macdanta wiligii kama dhicin si nabad galyo ah in
xukumka leesugu wareejiyo tani iyo markii uu madaxbanaanida ka qaatay dalka
Belgium-ka sanadkii 1960-kii
Inkabadan 40 million oo cudbixiyaal ah ayaa u diyaarsan inay doortaan
qofkii badali lahaa 47-jirka dalkaa hogaamiya oo sanakii 2001-da markaa oo
Aabihii oo shirqool lagu dilay oo xukunka ka badalay
Cabsi laga qabo inay halkaa rabshado ka dhacaan dhamaan safaarada ka
howl gala dalka waxay shaqoolahooda ku amreen inaysan ka bixin dhismooyinka
Safaaradaha oo ku yaal caasimada Kinshasa
Ololaha doorashooyinka inta badan nabad galyo ayay ku soo idlaadeen,
marka laga reebo 6-ruux oo ku geeriyootay isku dhac dhaxmaray saageerayaasha
laba Xisbi
Goormaa lafilayaa Qalqalka ugu weyn in uu yimaado?
Cabsiga ugu badan waxaa lafilanayaa marka lagu dhawaaqo natiijada
doorashada
Doorashooyinkii dhacay 2006-dii iyo 2011-kii oo labaduba ku guuleystay
Kabila Natiijada markii lashaaciye rabshado ay dad ku geeriyoodeen ayaa dhacay
Sidoo kale waxay cabsido ka taagan tahay Tirinta cudadka
8,000 ilaa 10,000 oo ah mishiinadii lagu codeyn la’aah ayuu sheegay
gudiga doorashooyinka inay ku gubteen dab ka kacay magaalada Kinshasa
Arintaa oo wacaal hor leh ku abuurtay xisbiyada Mucaaradka
Labada nin ee
hogaamisa xisbiyada ugu waaweyn mucaaradka Felix Tshisekedi iyo Martin Fayulu
waxay ku eedeeye dabkaa inay ka dambeysay Xukuuumada
Ninka ay mucaaradku shakiga weyn ka qabaan
Emmanuel Ramazani Shadary oo taageero ka helaya madaxwye Kabila ayaa ugu
cad-cad musharaxiinta waxuuna ahaa wasiirkii arimaha gudaha dowlada uu
hogaamiyo madaxweyne Yosuf kabila
Waxuu ka midyahay saraakiil Dr Congo ah oo midow-ga Europe inay
cunaqabateyn saareen sanakii 2017-ka markaa oo lagu eedeeye rabshado ka dhacay
dalka in uu mas’uul ka ahaa
Doorashadu waxay dhaceysaa iyadoo ay diirada saran tahay xaaladaha
caafimaad oo ay wajahayaan shacabka Congo
Kobolka Beni
oo dhaca waqooyiga-Bari ee dalka waxaa ka jira Viruska Ebola oo dad boqolaal
gaaraya ay u geeriyoodeen tan iyo markii uu halkaa ka dilaacay bishii
August
Godiga doorashooyinku waqtigii ay qabteen labo jeer ay
dib uga dhacday doorashado waxaan la qorsheynayaa inay qabsoonto 23- bishan aan
ku jirno ee December
Qoray Cali Cabdulle Hilowle
Twitter/ @Alihilowle8
Calikaafi9@gmail.com