Thursday, April 12, 2018

---- ku dhiiro caawinta walaalkaa hiilada kaaga baahan--------



Waxay ahayd xaflada Balse ka duwan xafladihii aan ka qeyb gali jiray, waa madal arday iskuul oo is xil qaamay ay gaari ay ku gudoon siineyeen saaxiibkood oo laxaad la’.
Ma ahan wax ugub ah in aan aragno dad soomaaliyeed oo iscaawinaya balse tani waxay ahayd arrin igu cusub in aan arko Arday iskuul isla dhigta oo dadaal intaas la eg sameeya iyagoo lacag ay iska aruuriyeen ugu gar-gaaraya Mid kamid ah ardada oo ay ku adkaatay in uu soo gaaro iskuulka,.
Aragtiday waxay mareen da’yartan kuna dhiiradeen  waddo wanaagsan oo ay  diinteeno nafartay Maadaama Nabigeena Muxamed (NNH) wuxuu  sheegay in alle uu ugu jecel yahay dadka kuwa ugu wax tarka badan, Acmaasha uu eebbe  uu  Jecel-yahayna ay tahay ka farxinta  qof muslim ah, qof Muslim ahna waxaad uga Farxin kartaa wax wanaagsan in aad u sameyno ama aad ka dul qaado Kurbo haysa.
Ardada go’aankan kaalmeynta qaatay waa Ardada iskuulka Hanti-wadaag oo sida ka muuqata Magacooda la wadaagay hantidoodii Mid kamid ah Ardada Iskuulka, oo gurguurasho ku imaan jiray kuna laaban jiray.
Xaflada waxaa ka soo qeyb galay dad ka badan 2,000 ruux oo isugu jiray Ardayda Iskuulka Macalimiinta, waalidka dhalay Ardayga lagu doonsiinaye Gaariga iyo waalidka Dariska la ah Schoolka.
Dadaalka mira dhalay ee ardayda wxuu farxadda iyo garabta siiyey dhammaanta ardayga iskuulka oo deemay damacoodii gacan siinta uu dhaboobay.
Maxamed Axmed Cabdulle waa Ardayga lasiiyey gaariga nooca dadka laxaadka la’, waxuu ii sheegay waxa ugu weyn ee uu ka fikiri jiray inay aheyd sidii uu ku gaari lahaa iskuula Marka uu goojo guriga halka Marka uu imaado iskuula uu hadana ka firiki jiray sidii uu ugu laaban lahaa guriga
Waxuu gur-guurasho ku soo jaraa sadax Xaafad is uu u soo gaaro iskuulkiisa oo ku yaalo dagmada Warta nabadda, iasoon ka waaban kuleylka qoraxda, busta, dabeylaha xooggan, roobka waxaa u sii dheer jidad oo aan sineyn, balse intaa oo culeys ah inkastoo uu dareensan yahay haddana kama oodin inuu maalinle u xaadiro iskuulka.


Qore; Cali Hilowle
Twitter @Calikaafi8
Calikaafi9@gmail.com

Xukuumada Afganistan oo dhisaysa Magaaladii ugu horeysay oo ugaar ah dumarka Police-ka



Si loo dhiira galiyo dumarka ku soo biirayo  ciidanka Police-ka Madaxda Afganistan waxay bilaabeen dhismaha guryo ugaar ah Saraakiisha Haweenka ah ee Police-ka
Qorshaha Magaalada u gaarka ah haweenka Police-ka ah ayaa lagu soo bandhigay Isniintii Magaalda Kabul, waxaana maal galinayo deeq-bixiyaal Caalami ah
Dowlda Canada ayaa bixisay $26-Million oo doller oo kamid ah lacagta lagu dhisayo Magaaladan ugaarka ha haweynka Police-ka Af-ganistan
Waxaa ku jira qorshada dhismaha 10-dabaq, oo mid waliba ka kooban yahay 30-qeybood iyo 300 oo guri oo ay dagi doonaa haweenka police-ka ah iyo Qosas-kooda waxaan laga dhisayaa gurya magaalda caasimada ah ee Kabul sidaasi waxaa xaqiijiye Madaxda sare ee Afganistan 
Af-hayeenka Wasiirka arimada gudaha ee Af-gasintan Najib Danesh- oo lahadlaye Wargeyska Arab News ayaa yiri ‘arintani waa markii ugu horeys taariiqda oo laga hirgaliyo wadanka’
Dhimaha waxaa lasheegay in uu soo gaba gaboobi doono sanadka 2020-ka 

Tur-jume Cali Hilowle 
Twitter @Calikaafi8
Calikaafi9@gmi




Aabaha hurmarka Malaysia oo Markale madaxtinimada wadanka u tartamaya



Dorashada guud ee Malaysia ayaa lasheegay inay qabsoomi doonto 9-bisha soo aadan ee May iyadoo dorashadaasi ay xiiso weyn yeelatay kadib markii Aabihii Hormarka ahna Rasul wasaarihii hore Mahathir Mohamad oo sheegay in uu u tartami doono doorashada Madaxtinimada
Doorashada waxaa shaaciye Rasul wasaaraha aatan talada Haye ee Najib Razak, oo isna markii sii sadaxaad raadinaya Xilka ugu sareya Mareysiya inkasta oo Fadeexo Musuq ay hareysay Najib Razak
Razak ayaa cadaasi kala kulmaya xisbigiisa National Front Coalition kadib markii ay taageerayaal badan lumiyeen labadii doorasho ee ugu dambeeye

Falaaqeyaasha Malasia ayaa sheegaya in uu tiro badan ka hili doono cod-bixinta Mahathir Maxamed oo hogaaminaya xisbi Mucaarad ah,
Mahathir Maxamed waa hogaamiye ladoortay midkii ugu waqtiga dheeraa qaarada aasia waxoona xilka haye mudo 22-Sanno ah isagoo xilka ka dagay sanadkii 2003-kii

Mahathir, oo haatan hogaaminaya xisbiyo Mucaarad ah oo isbahaystay, ayaa ka codsaday dowalda in doorashada la qabto waqtiyada dadku ay fasax ka yihiin Shaqooyinka, isagoo sheegay inay ku adkaan doonto Dadka magaaloyinka ku nool iyo Million-ta Malaysian-ka ee ka shaqeya wadanka Singapore inay codka dhiibtaan hadii la qabto waqtiga shaqada
  
Turjome-Ali Hilowle
Twitter @Calikaafi8 
Calikaafi9@gmil.com