Qaadku waa aafo
ay la nool yihiin dad badan oo soomali ah, waxa uu saameyn xoogan ku leeyahay
qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaa ku kala tagay qoys iyo qaraabo, waxaa ku
kala irdhobay labo isla dhalatay iyo labo isdhashay, waxuu ka saameeyay Soomaalida
dhan waliba ha ahaato dhan bulsho, dhan caafimaad.
Qaadka
meeshii ugu horeysay ee laga beero waxaa la sheegaa in ay ahayd bariga Africa
gaar ahaan wadanka Ethiopia inkastoo ay jiraan dad aaminsan inay Yaman ku horeysay
Beerista geedka Qaadka
Cilmi baaris
ay sameysay Rugta Cilmi barista Amaanka Carabta waxaa lagu ogaaday geedka qaadka
in uu ka baxo 4,000 ilaa 9,000 cag cabirka badaha
Waxaa la qiyaasaa
in uu gaaro dhirarka geedka qaadka 1M ilaa 2M marka uu ka baxayo buuraha guntooda
Sare, halka marka uu ka baxayo buuraha guntooda hoose uu gaaro ilaa iyo 6m, marka
uu heysto biyo baaxad leh dhirarkiisu intaas wuu kasii koraa,
Waxaa la wariyaa
in markii ugu horreysay ee Soomaaliya uu soo galayay inay bilaabeen cunistiisa
dad sheegaya inay doonayaan in ay cibaadeestaan Habeenkii si ay u soo jeedaan
waxay cuni jireen qaadka. Markaas kadib wuxuu isticmaalkiisu u gudbay darawalada
wada gawaarida, sid ay u dhafraan habeenkii, sidaasi ayuu ku soo galay
Soomaaliya qaadka sida uu aaminsan yahay Pro Maxamed Cabdi oo qoray Buuga
‘Hadimoyinka Qaadka’
Soomaaliya
dhowr mar ayaa laga mamnuucay Qaadka.
-Ingiriisku
waxuu qaadka Ka mamnuucay Labo jeer horaantii Afartamaadkii iyo Kontomaadkii
-Talyaanigu Waxuu ka mamnuucay Koofurta
Sanadkii 1952-kii
-Dowladdii
Dhexe ee soomaali ayaa sidoo kale dadka Ka mamnuucday cunista Qaadka sanadkii
1983-kii
Baaritaan ay
sameysay hey’ada caafimaadka u qaabil-san Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa
sanadkii 1975-kii waxaa la’ogaaday Qaadka inay ku jiraan in ka badan 40 Maado
oo darooga ah waxaana ugu sareysa maadada (Katanoon) oo ah mida qofka gaarsiisa
heer waali ah, Maadada katanoonka waxay gaarsiisan tahay daroogadeeda mida laga
baaro ciyaartoyda ciyaara orodada oo ay ku muteystaan haddii lagu arko Jirkooda
maadadaasi ganaax ciyaaraha looga mamnuuci karo
Qofka qaadka
cuna waxaa lagu sifeeyaa in uu lamid yahay qof dagaal ku jira oo kale
‘Jirkiisuna waxuu soo daayaa dheecaanada lasoo daayo marka uu jirko dagaal ku
jiro sidaasi owgeed qofka qaadka cuna mar-waliba waxaa laga filan karaa dagaal
si uu ula fal galo dheecaanada qaldan uu ay soo deynayaan jirkiisa
Qaadku waxuu
dhibaato xoogan ku keenaa dhaqaalaha qaranka iyo midka qoska isagoo bur-buriya
dhaqanka iyo jiritaanka bulshada
Hadaba maxaa
naga soo gala dhowladaha beera qaadka oo soomaaliya u soo dira oo malaayiin
dooler Qoraxdii soo baxdaba Naga gur’ta? Masa isweyndiisay Mustaq balka Jiilka
kuwaabariista waalidiintoo oo qaar ku hor cunaya? Su’aalahaasi Aqristow adiga
ayay ku horyaalaan--
Qore Cali Hilowle
Twitter @Calikaafi8
Calikaafi9@gmail.com