Davdi
Goodall oo ah Seynis yahan-ka ugu da’da weyn Australia oo da’diisu ay tahay
104-sanno ayaa u duulay wadanka Switzerland si uu u soo gaba-gabeyo Noloshiisa
bisha soo socota, isagoo aan qabin wax xanuun ah
David oo ku
jiray safarkiisa Switzerland ayaa sheegay in tayadiisa nolosha ay sii
xumaanayso isla markaana uu ku guulaysay balan-qaadkiisii heys’ada dhimashada dadka ka caawiso ee Basel
‘aad baan uga qoomameynayaa in aan
gaaro da’daasi’ ‘Ecologis tahan ayaa u sheegay Muuqaal baahiyaha ABC- horaantii bishan xili uu u dabaal dagaye
da’da 104-sanno
‘Ma farax-sane. Waxaan doonayaa in
aan dhinto, mana ahan wax-murugo ah. Murugto waa hadii ay kugu dhacdo wax aad
ka hortagi karto, balse arinta I haysato ma ahan mid laga hortagi karo’ Davdi
Goodall ayaa sidaasi yiri
Mr Goodall ayaa shaashadaha
Caalamka Qabsaday sanadkii 2016-ka kadib markii uu qilaaf soo kala dhax-galay
isaga iyo caamadasiisa isagoo markaasi da’diiso ay aheed 102-sanno
Is-dilka ayaa ka ah sharci daro
wadamo badan ee Caalamka ah iyadoo wadanka Australia laga mamnuucay sanadkii
hore kadib markii gobol kamid ah wadanka uu sharci ka dhigay is dilka
Wadamada uu sharci ka yahay is-dilka waxaa ka
mid ah Switzerland, Germany, South Korea,
Japan, iyo qaar ka mid ah gobolada Mareykan-ka oo ay ka mid yihiin gobolka
Washington, Colorado, Hawaii, Vermont, Montana, Washington DC, and California.
Wadamada Qaar dadka Xanusan ama da’da ah ee
go’aan sada inay is-dilaan ayaa laga qaadaa kumanaan doller si loogu fududeyo
Dhimashada
Tor-jume Cali Hilowle
Calikaafi9@gmail.com
Twitter @Calikaafi8