Sunday, October 14, 2018

Musiibadii 14-ka Oktobar – Wixii dhacay waa laga soo kabanayaa!


Waxaa laga joogaa sannad markii tiro ka badan 500 oo Soomaali ah ay ku dhinteen qarax lagu tilmaamay inuu ahaa midkii ugu weynaa ee qarniga 21aad ka dhaca dunida saddexaad.
Balse gu’ kaddib goobtani ma ahan sideedii hore muuqaal ahaan. Waxaa ka muuqdaa is-beddel xaga bilicda iyo degaan quruxsanaanta la saaxiibaya. Indhuhuna in badan kama naxayaan inay deymada ku xasiliyaan daawashada dhismayaasha quruxda badan. Jeedaalinta afarta jiho ee is-goyska Zoobe, waxaa kaaga baxaya labo sawir oo ugu yaraan isku soo dhawaanaya.
Mid u taagan hour-socod iyo dhiirranaan nololeed oo shacbiga caasimadda Muqdisho ku nool ay uga fal-celinayaan musiibooyinka ku dhaca iyo sawir maskaxeed aan tirmin oo u taagan xusuusta nolosha dadkii qiimaha lahaa oo maanta oo kale ifka nagu dhaafay – kaas oo mar kasta oo aad isasoo taagto halkan ku gelinaya gocasho qaraar.
Barta is-goyska Zoobe oo ah halka ay musiibadani ka dhacday waxaa laga taagay taallo loogu magac-daray 14 Oktoobar si loo muujiyo baaxadda wixii goobta ka dhacay sannad kahor. Hayeeshe, dhismaha Taalladani waxay hal dhinac ka istaagaysaa xusuusta xanuunkii ay laheyd tiiraanyada mashaqadii maalintaas dhacday oo kaliya, sida dad badan ay la tahay.
Gu’ kaddib farxadda, rajada iyo riyooyinka ay ku nool yihiin qaraabada dadkii ku baxay musiibada wali waxay ku jirtaa soo kabsasho. 12 bilood oo waagu ugu soo baxay arooryo aysan la waabariisan dadkii ka baxay, maanta waxay ku wada qanceen qaddarta.  Waxayna ku jiraan halgan hor leh iyo qorsheynta mustaqbal bilaa walaal, waalid iyo widaay ah.  Kuwa iilka ku hubsaday meydadkii loo helay iyo kuwa aan helin raqda dadkii qaraxa uga dhintay, waxay ugu danbeyn maanta oo kale isku mid u dareemayaan xanuunka.
Wixii dhacay sannad kahor ma aheyn dhacdo oo kaliya. Waa musiibo qaran oo bedeshay nolosha qoysas badan oo innaga mida. Tirada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay waxaa ka danbeysa sheekooyin mahadho ku reebay ehelladii laga baxay. Gebigoodna waxay nolosha uga jireen kaalmo muhiim ah. Qaar waxay ahaayeen shumaca qura oo ifiya nolosha reerahooda; qaarna waxay ahaayeen ileys soo baxaya oo himilooyin qurux badan la nool.
Balse dhammaantood daqiiqad maanta oo kale kamid ah ayuu ku ekaaday safarka noloshooda. Waxa ayna taasi ay liifadda u gaabisay kuwii ay ka dhasheen.
Hayeeshe, qoysaskii laga dhintay waxay kusii socdaan inay u noolaadaan sidii shalay. Mana ahan soo kabsashadu midda laga dareemayo is-goyska Zoobe oo kaliya. Haddii dhismayaasha cusub ee lagu beddelay kuwii burburay ay qaban karaan muuqaallada caalamka, gudaha qoysaskeenna la nool tiiraanyada, waxay iyaguna tusaale u noqon karaan heerka u-adkeysiga musiibooyinka oo umadda Soomaaliyeed lagu yaqaan. Waana cashar cusub oo ay muhiim tahay in dunidu naga barato.
In kasta oo aan la saadaalin Karin haddii mid lamida ama ka daran musiibadii 14-ka Oktoobar ay dhici doonto iyo in kale, waxaa iska cad in bulshadeennu ay nolosha ku qaabili karaan weji walba oo ay ula timaado. Waxayna taasi ugu bareerayaan dhiirranaan iyo dulqaad si ay u xaqiijiyaan.
Waase dowladda dhexe midda mustaqbal hubaal leh u abuuri karta nolosha carruurta iyo ehellada dadkii dhintay. RW Kheyre wuxuu munaasabadda maanta ka balan-qaaday in wax-barasho lacag la’aan ah la siinayo agoonta waalidiintoodu ku dhinteen qaraxa, waxaase taasi barbar socota halka lagu ogaanayo waalidiintii waayay ilmahoodii u ahaa xoog qura oo ay ku dheefsadaan.
Si la iskugu dheelli-tiro nolosha dhibanayaasha maanta oo kale la weyneeyo dadkii uga dhintay qaraxa, waxaa lama huraan in qoys walba qofkii ka baxay beddelkiisa loogu shaqaaleysiiyo qofka kale oo la dhashay ama maal-gelin maaliyadeed loo fidiyo si ay usoo kabsadaan nolol ahaan.
Haddiise wax-barasho oo kaliya la siiyo agoomada – iyada oo aan aabayaashii waayay ilmahooda loo sameynin nolol isku filnaansho leh – dowladeennu waxay diiradda saaraysa dhisidda mustaqbal ku dhisan jiilka soo socda; iyada oo aan daryeelkii loo baahnaa u fidin jiilka maanta nool.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-dababeed; hiraal86@gmail.com

Ocboter- Bar kulmisay dhacdooyin badan oo Soomaaliya Xasuus ku leh



       



Markii aad dhageysaneyso heesta Qarni waliba Sebenkii,  qorraxiba dharaarteed, waxaa daremeysaa in maalmuhu isku si aysan gabbalku ugu dhicin, waaguna ugu baryin. Seben walbana uu xanbaarsan yahay dhaxalkii gaarka ah.
Hayeeshe, maalin walba waxay lasoo baxdaa wajigeeda qaas ah, waxayna la hoyataa taariikh u goonni ah. Haddana dhammaan maalmuhu ma wada ahan kuwa si la tilmaami karo xusuusteenna ugu wada jira.
Waxaa jira maalmo qofka ku weyn sida goortuu dhashay, Ilmo u dhasheen, maalin uu lumiyay qof ku weynaa qalbigiisa iyo geesta kale maalmo farxad ugu idlaatay sida inuu guursaday. Isla sheekada ku saabsan nolosha hal qof ama qoys, mararka qaar waxay noqon kartaa mid kulmisa masiir qaran iyo mujtamac dhan noloshooda.
Balse marka laga yimaado dunta hoose ee bulshada – qof iyo qoys labadaba – sheekooyinka taariikhda gala waxay aalaaba ku dhismaan heerka ay maqaam ahaan ka joogaan qaranka. Halka aan la isku diidayn in qof ka baxa qoyskiisa aysan wada tiiraanyeyn karin qaranka oo idil, haddana waa tirada geerida waxa gilgili kara quluubta shacabka markay maqlaan iyo dhinaca marka arrin weyn oo umadda oo dhan wada raadeysa ay dalka ka dhacdo.
Sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya marka aan dib-u-milicsanno waxaan arkeynaa maalmo murugu iyo mahadho reeba iyo maalmo baraare iyo wanaag nagu fura, balse arrinta la yaabka leh ee aan doonayo in aan ka hadlo waxay tahay inta badan dhacdooyinka ina soo maray inay kusoo beegmaan bisha October,  Tusaale markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago waxay ku beegneyd bisha Oktober, Qaraxii ugu weynaa ee goob qura ku dhibaateeya in ku dhaw kun qof wuxuu dhacay bisha October.
Haddaba waxaa kuu soo gudbinayaa dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October kuwii ugu waaweynaa:
a)      5 October 1949-kii waxaa muqdisho ka dhcay dagaal caan baxay  oo looga soo horjeeday gumeysiga, dagaalkaa oo ku caanbaxay magaca  ‘Dagax tuur’
b)      12 October 1954 - Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago kaddib markii uu  naqshadeeye (hindisay) halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan.
c)      15 October 1969 - Toogasho ka dhacday magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharma’arke.  
d)     21 October 1969 - Ciidamadii Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa qabsaday xukunkii dalka lix maalmood kaddib dilkii madaxweyne ina Sharma’arke.
e)      21 October 1972 - Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaa ka horreeyey aan dhigaal rasmi ah helin.  
f)       3 October 1993 - Sideed iyo toban katirsan ciidanka Mareykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib markii dagaal adag ay kala horyimaadeen maleeshiyaad uu hoggaaminayo Jaranaal Maxamed Faarax Ceydiid.
g)      15 October 2002 - Shirkii 14aad ee Nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
h)      10 October 2004 - Baarlamaanka FKMG waxay Madaxweyne u doorteen AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo taageero weyn ay u ahayd dowladda Ethiopia.
i)        29 October 2007 - Waxaa xilkii iska casilay RW dowladdii ku-meel-gaarka, Cali Maxamed Geeddi kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo ina Yusuf.
j)        8 October 2000 - Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa RW u doortay Cali Khaliif Galeyr.  
k)      28 October 2001 - Kaddib markii uu xilka hayey muddo hal sanno ah, waxaa xilkii laga qaaday ra’iisulwasaare Cali khaliif Galeyr.
l)        28 October 2002 – Wuxuu MD Cabdiqaasim ku-sime RW u doortay Cusmaan Jaamac Cali.
m)    29 October 2007 - Saalim Caliyow Ibrow ayaa loo dortay ku-sime ra’iislwasaare.  
n)      14 October 2010 - Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo biiray dowladdii uu hoggaaminayey Sharif Sheikh Axmed kaddib markii ra’iisulwasaare loo doortay.  
o)      04 October 2011 - Waxaa qarax lagu hoobtay uu ka dhacay Xarunta Harkaha iyo Saamaha oo ay ku geeriyoodeen dad u badan arday Soomaaliyeed oo wax-barasho lacag la’aan ah ka helay dalka Turkiga.  
p)      08 October 2011- Barlamaankii 8aad ayaa kahor yimid heshiis badda ku saabsan oo dhex maray dowladaha Somaliya iyo Kenya.   
q)      17 October 2011- Ciidanka Kenya oo markaa aan ka mid aheyn kuwa Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa xoog kusoo galay dhulka Soomaaliya.  
r)       6 October 2012 - MD Xassan Sheikh Maxamud waxuu RW u doortay Cabdi Faarax shirdoon ‘Saacid’ oo markii danbe khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Xasan xilka looga qaaday.  
s)       05 October 2014 - Dowladda Soomaaliya waxay la wareegtay magaalada taariikhiga ah ee Baraawe oo muddo sannado ah ay ka talinayeen maleeshiyaadka al-Shabaab.  
t)       25 October 2014 - Isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirrada Soomaaliya ayuu khilaaf weyn ka dhashay markii Wasiirka Cadaaladda, Faarax Sheikh Cabdiqaadir iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha, Saalim Caliyow Ibrow xilalka loo kala wareejiyey taas oo ugu danbeyntii qadka ka saartay dowladdii RW Yuulka.  
u)      26 October 2015 - Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Muungaab ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu beddelay Yuusuf Jimcaale.  
v)      17 October 2016 - Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madax-weynaha Dowlad-goboleedka Hir-shabelle.
w)    14 October 2017 - Maalin aan la hilmaami karin, waxaa mar qura lawaayey dad ku dhow 500 oo ruux oo Soomaali ah markii qarax gaari lagu soo raray uu ka dhacay Isgoyska Zoobe, musiibadan ayaa Soomaaliya ka dhigtay meesha kaliya ee Qaarada Afrikaa oo daqiiqad lagu dilay dad intaa tiradoodu la’eg tahay.  

Ku dar wixii aan ka tagay oo ka dhiman dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October.
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: farriin-danabeedka; Calikaafi9@gmail.com ama Twitter/@Alihilowle8


We should talk to al-Shabaab now – we owe it to the Mogadishu bomb victims



Hussein Sheikh-Ali

Today is the one-year anniversary of one of the darkest days in Somalia’s history. On 14 October 2017, al-Shabaab suicide bombersdrove a truck full of explosives into a crowded junction in the nation’s capital, Mogadishu. They killed approximately 600 people. Around 100 of those were children. The bomb scene was so large it resembled a canyon. For days, it was a crater of horror and tragedy.

There is little doubt in my mind that the perpetrators of that scene are akin to monsters. Despite this, I call for dialogue. I believe we have to compel and convince al-Shabaab to come to the political negotiating table.
I have been talking to them for years. Since 2009, members of al-Shabaab have been defecting and rejecting violence and the group’s ideology. During my time as counterterrorism advisor to the government of Somalia, I created and coordinated the country’s first and only defector programme. I managed several high-level defections from al-Shabaab, including their head of intelligence as well as dozens of soldiers. I would sit opposite them and listen to them for hours. What those defectors said in our meetings made me believe dialogue with al-Shabaab is possible.
To outsiders, al-Shabaab might sound like an unreasonable party to negotiate with, but from warlords to Islamists, successive Somali governments have always found room to accommodate opposition groups, violent and nonviolent alike.
I’ve learned three crucial things. First, we have to understand al-Shabaab. This organisation can be viewed metaphorically as a house, with a roof, pillars and a floor. The roof is the element that can be seen from miles away – al-Shabaab’s operations and its publicity campaign. But the campaign to pacify al-Shabaab cannot merely focus on that; it must also target the pillars that hold up the roof, the group’s military and finances; and also the floors of the house, primarily its rural support base and ability to influence at home and abroad. Ahead of negotiations, it will be key to assess the personalities of al-Shabaab’s current leaders, and identify what motivates them, as well establish who is open to reconciliation and who is not.
Second, we must understand what al-Shabaab wants. It does not recognise the current constitution of Somalia, describing it as not sharia-compliant. President Mohamed “Farmaajo” Mohamed has promised to deliver a new constitutional order before the next elections – and this could potentially accommodate some of al-Shabaab’s demands.
The organisation has also always insisted on the withdrawal of foreign troops from Somalia. Now that an exit strategy is being formulated for the African Union mission to Somalia, the government should show confidence in its ability to secure Somalia on its own, and then consider how to integrate al-Shabaab’s complex military machine into state structures. I believe one approach would be to halt drone strikes during the build-up to negotiations and during the peace talks themselves, as well as promising not to prosecute the al-Shabaab leadership in court.
Third, we must set the stage for talks. It is imperative that the Somali government has a good communications strategy as news of the negotiations becomes public. Somalis on both sides have experienced atrocities and trauma, and the absence of justice and accountability has sowed further grievances. The peace dividend that can be gained, however, has no price. The government must deliver and articulate this to the public.
While the road to talks with al-Shabaab will be far from easy, and would certainly be fraught with personal grievances and the need for revenge on both sides, I believe that deep down, we all want the same thing: personal safety, economic revival for all and a future for our families.
We owe those killed last year a solution to this protracted and demoralising conflict. Something most of them likely never experienced: a chance for peace.
• Hussein Sheikh-Ali was former national security adviser and counter-terrorism adviser to the government of Somalia. He spearheaded the creation of Somalia’s high level al-Shabaab defectors’ programme and is the chairman of the Hiraal Institute, a Mogadishu-based thinktank