Sunday, December 22, 2019

Shacabka Croat oo dooranaya madaxwene cusub, hadba maxaan ka baran karnaa dalkaa?



Shacabka kurawaadka ayaa si weyn uga qeyb qaadanaya doorashada madaxweynaha oo dalkaa ka dhaceysa manta oo Axad ah
In kabad 3.8 million oo ruux ayaa codkooda dhiibanaya si ay u soodoortaan madaxweynaha shanata sanno ee soosocota maamuli doona dalkaa--11 musharax ayaa tartameysa.
Gudiga doorashooyinku waxay sheegeen 24,000 oo kormeere inay ka shaqeynayaan goobaha codbixinta.

Madaxweynaha guuleysta waxaa looga baahan yahay in uu helo 50-tiro dheer. Hadii ay sidaa dhici weyno waxaa la’aadi doonaa wareeg labaan oo dhici doona 5-ta bisha soo aadan, labada musharax ee ugu codka badan ayaana wareegaa ugudbi doonta sida uu dastuurka dalkaa dhigayo
Codbixinta waxay xirmi doontaa 7-fiidnimo ee dalkaa oo u dhiganta ‘1800 GMT’ natiijada ugu horeysa waxaa lafilayaa saacada ku xigta
Kolinda Grabar kitarovic, Haweneyda shantii sanno ee lasoo dhaafay dalkaa hogaamineysay ayaa lafilayaa inay markale booskeeda ceshato sida ay muujinayso saadaasha hordhaca ah
Doorashadan waxay noqoneysaa doorashadii todobaad ee Croatishiya ka dhacda tan iyo markii dalkaa koofurta-barri ee European- dhaca oo madaxbanaanida ka qaaday dalkii bur-buray ee Yugoslavia 1991-kii

Tuesday, December 10, 2019

Maktabaduhu kaalin ceynkee ah ayay ka qaataan Kobaca iyo Aqoonta Qofka?


MUQDISHO (HN) — Aqris waxaa lagu qeexaa howl maskaxda qofka ay qabato oo ay u fasirto erayada ama calaamadaha oo aqriyuhu indhihiisa ku arkayo, isaga oo isku xiraya khibradiisa iyo waxa uu arkayo kadibna u abuurta macno. Aqoontu waa midda muujisa qofka iyo heerkiisa nolosha waana cabirka iyo qiyaasta qofka, dadka qaar ayaa ku miisaama qofka hadalkiisa – iyaga oo kalmadaha qofka la hadlaya ka garta qofkaa inta ay aqoontiisa la’eg tahay: aqoonta iyo cilmiga aan raadineyso waxay inooga xeran tahay in aan helno halka ay aqrinteennu la’eg tahay, waxaa jira aragti tiraahda qofka inta uu ka aqrin badan yahay qofka kale ayuu waayo iyo aqoon dheeryahay; aqrintu waa mida hal waqti dunida ku wada nooleyn karta dad aan isku ehel aheyn.
Waa maxay wax aqrintu?
Aqrisku waa kobcinta ballaarinta heerka maskaxda ay wax ku qiimeyso sida jirku ugu baahan yahay cunto iyo cabid, maskaxduna waxay ugu baahan tahay aqris. Dadka wax aqriya waa dad la nool keelan jeelal kala duwan, waxaana u fudud inay si sahlan u xaliyaan culeys kasta oo ay la kulmaan, maadaama ay heystaan khibrad hore oo ay ka dhaxleen wax aqrinta.
Wax akhrisku wuxuu qofka u saamaxaa in uu ka fikiro qorshihiisa, hamigiisa dhaw iyo ka fog, sidoo kale wuxuu qofka u horseedaa in uu siyaabo kala duwan uga baaraandego mushkiladaha soo food saara. Sababta ayaa ah maskaxdii oo balaaratay, kadibna dhinacyo badan ayay wax ka fiirineysaa. Wuxuu sidoo kale dhisaa wax akhrisku luuqadda iyo erayada qofku ku hadlayo. Si aan akhrinta uga mira dhalino waxaa muhiim ah in aan saaxib la noqono goobaha aan ka heli karno buugaagta cilmiga, goobahaa waxaa ugu weyn maktabadaha. Maktabaduhu waa muhiim marka aan ka hadleyno waxbarasho.
Maxaa la yiraah maktabad?
Maktabadaha waxaa loo kala qaadaa labo dhinac ‘mid electaroonig ah iyo tu Asal ah’.
Maktabadaha Asalka ah – waa ilo la yaqaan oo loogu talo galay in qofka u suura galiso in uu ka sameeyo baaritaan uuna ka helo wixii uu u baahnaa oo dhan.
Maktabadaha electarooniga – waa goob lagu soo uruuriyey buugaagta, si ay uga faa’iideystaan dadyow meelo kala duwan jooga, waxaana loo maraa Internet.
Ujeedooyinta maktabahada loo aasaaso
Ma ahan wax qoraal lagu soo koobi karo ujeedooyinka loo aas’aaso maktabadaha balse haddii aan soo qaadanno ujeedooyinka ugu weyn, waa;
  1. In dadka baaritaannada sameynaya ay buugaagta ka helaan.
  2.  in la baahiyo cilmiga si dadka loogu fududeeyo baaritaannada cilmiyeed oo ay sameynayaan.
  3. In qofku ka heli karo macluumaad nidaamsan oo leh xigasho.  
  4.  Xirfadaha ay u baahan yihiin dadka baaritaannada sameynaya sida tababbarka, goobaha ay ka heli karaan buugaagta ay raadinayaan.  
  5. Manhajka oo qofka baaritaanka sameynaya u baahan yahay iyo halka uu ka heli karo.  
Halkee ay maktabaduhu muhiim u yihiin?
In kasta oo ay maktabaduhu muhiim u yihiin dadka iyo dalkaba, haddana waxaa jira goobo lama huraan ay tahay in maktabadda laga helo sida dugsiyada aas’aasiga ah iyo dugsiyada sare si  dhallaanka loo tuso sawirada iyo macluumaadka kale ee cilmiga aas’aasiga u ah iyo goobaha tacliinta sare sida jaamacadaha oo aan maktabada la’aan shaqeyn Karin.  Masuuroobi karto in Jaamacad tacliin ka shaqeyneysa ay maktabad la’aan ahaato maadaama maktabaddu ay isku xireyso baraha, ardayga  iyo buugga.  Goobaha aan marnaba kaga waayin karin maktabadda waa Jaamacadaha.  
Maktabaduhu door nuucee ah ayay ka qaataan kobaha iyo aqoonta qofka?
Sida aan ognahay qof waliba qofka uu ka aqris badan yahay ayuu ka cilmi iyo garaadba dheer yahay, sidaa awgeed maadaama ay yihiin maktabaduhu goobihii laga helay cilmiga, waxay door muuqda ka qaataan qofka in uu caqli ahaan u kobco; qalbigiisu dago, kalsooni nafeed uu helo; horumar uu ka gaaro cilmiga iyo in qofka luqadda uu wax ku baranayey uu horumar ka sameeyo maadaama uu maalin waliba aqrinayo buugaag kala duwan oo ku qoran luuqadda uu wax ku baranayo.
Gunaanad 
Talada ugu dambeysa waxay noqoneysaa in aan ku dadaalno cilmiga iyo kobcintiisa maadaama Aayaddii ugu horeysey ee Nabiga NNKH lagu soo dajiyo ay ka hadleysey Aqriska.  Si aan aqrinta iyo cilmiga kor ugu qaadnana, waxaan u baahannahay in aan dhisno kana shaqeyno sidii aan u heli laheyn goobo aan ku keydsanno buugaagta aan wax ka baraneyno.
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: calikaafi9@gmail.com.
twitter @Alihilowle8