Sunday, December 22, 2019

Shacabka Croat oo dooranaya madaxwene cusub, hadba maxaan ka baran karnaa dalkaa?



Shacabka kurawaadka ayaa si weyn uga qeyb qaadanaya doorashada madaxweynaha oo dalkaa ka dhaceysa manta oo Axad ah
In kabad 3.8 million oo ruux ayaa codkooda dhiibanaya si ay u soodoortaan madaxweynaha shanata sanno ee soosocota maamuli doona dalkaa--11 musharax ayaa tartameysa.
Gudiga doorashooyinku waxay sheegeen 24,000 oo kormeere inay ka shaqeynayaan goobaha codbixinta.

Madaxweynaha guuleysta waxaa looga baahan yahay in uu helo 50-tiro dheer. Hadii ay sidaa dhici weyno waxaa la’aadi doonaa wareeg labaan oo dhici doona 5-ta bisha soo aadan, labada musharax ee ugu codka badan ayaana wareegaa ugudbi doonta sida uu dastuurka dalkaa dhigayo
Codbixinta waxay xirmi doontaa 7-fiidnimo ee dalkaa oo u dhiganta ‘1800 GMT’ natiijada ugu horeysa waxaa lafilayaa saacada ku xigta
Kolinda Grabar kitarovic, Haweneyda shantii sanno ee lasoo dhaafay dalkaa hogaamineysay ayaa lafilayaa inay markale booskeeda ceshato sida ay muujinayso saadaasha hordhaca ah
Doorashadan waxay noqoneysaa doorashadii todobaad ee Croatishiya ka dhacda tan iyo markii dalkaa koofurta-barri ee European- dhaca oo madaxbanaanida ka qaaday dalkii bur-buray ee Yugoslavia 1991-kii

Tuesday, December 10, 2019

Maktabaduhu kaalin ceynkee ah ayay ka qaataan Kobaca iyo Aqoonta Qofka?


MUQDISHO (HN) — Aqris waxaa lagu qeexaa howl maskaxda qofka ay qabato oo ay u fasirto erayada ama calaamadaha oo aqriyuhu indhihiisa ku arkayo, isaga oo isku xiraya khibradiisa iyo waxa uu arkayo kadibna u abuurta macno. Aqoontu waa midda muujisa qofka iyo heerkiisa nolosha waana cabirka iyo qiyaasta qofka, dadka qaar ayaa ku miisaama qofka hadalkiisa – iyaga oo kalmadaha qofka la hadlaya ka garta qofkaa inta ay aqoontiisa la’eg tahay: aqoonta iyo cilmiga aan raadineyso waxay inooga xeran tahay in aan helno halka ay aqrinteennu la’eg tahay, waxaa jira aragti tiraahda qofka inta uu ka aqrin badan yahay qofka kale ayuu waayo iyo aqoon dheeryahay; aqrintu waa mida hal waqti dunida ku wada nooleyn karta dad aan isku ehel aheyn.
Waa maxay wax aqrintu?
Aqrisku waa kobcinta ballaarinta heerka maskaxda ay wax ku qiimeyso sida jirku ugu baahan yahay cunto iyo cabid, maskaxduna waxay ugu baahan tahay aqris. Dadka wax aqriya waa dad la nool keelan jeelal kala duwan, waxaana u fudud inay si sahlan u xaliyaan culeys kasta oo ay la kulmaan, maadaama ay heystaan khibrad hore oo ay ka dhaxleen wax aqrinta.
Wax akhrisku wuxuu qofka u saamaxaa in uu ka fikiro qorshihiisa, hamigiisa dhaw iyo ka fog, sidoo kale wuxuu qofka u horseedaa in uu siyaabo kala duwan uga baaraandego mushkiladaha soo food saara. Sababta ayaa ah maskaxdii oo balaaratay, kadibna dhinacyo badan ayay wax ka fiirineysaa. Wuxuu sidoo kale dhisaa wax akhrisku luuqadda iyo erayada qofku ku hadlayo. Si aan akhrinta uga mira dhalino waxaa muhiim ah in aan saaxib la noqono goobaha aan ka heli karno buugaagta cilmiga, goobahaa waxaa ugu weyn maktabadaha. Maktabaduhu waa muhiim marka aan ka hadleyno waxbarasho.
Maxaa la yiraah maktabad?
Maktabadaha waxaa loo kala qaadaa labo dhinac ‘mid electaroonig ah iyo tu Asal ah’.
Maktabadaha Asalka ah – waa ilo la yaqaan oo loogu talo galay in qofka u suura galiso in uu ka sameeyo baaritaan uuna ka helo wixii uu u baahnaa oo dhan.
Maktabadaha electarooniga – waa goob lagu soo uruuriyey buugaagta, si ay uga faa’iideystaan dadyow meelo kala duwan jooga, waxaana loo maraa Internet.
Ujeedooyinta maktabahada loo aasaaso
Ma ahan wax qoraal lagu soo koobi karo ujeedooyinka loo aas’aaso maktabadaha balse haddii aan soo qaadanno ujeedooyinka ugu weyn, waa;
  1. In dadka baaritaannada sameynaya ay buugaagta ka helaan.
  2.  in la baahiyo cilmiga si dadka loogu fududeeyo baaritaannada cilmiyeed oo ay sameynayaan.
  3. In qofku ka heli karo macluumaad nidaamsan oo leh xigasho.  
  4.  Xirfadaha ay u baahan yihiin dadka baaritaannada sameynaya sida tababbarka, goobaha ay ka heli karaan buugaagta ay raadinayaan.  
  5. Manhajka oo qofka baaritaanka sameynaya u baahan yahay iyo halka uu ka heli karo.  
Halkee ay maktabaduhu muhiim u yihiin?
In kasta oo ay maktabaduhu muhiim u yihiin dadka iyo dalkaba, haddana waxaa jira goobo lama huraan ay tahay in maktabadda laga helo sida dugsiyada aas’aasiga ah iyo dugsiyada sare si  dhallaanka loo tuso sawirada iyo macluumaadka kale ee cilmiga aas’aasiga u ah iyo goobaha tacliinta sare sida jaamacadaha oo aan maktabada la’aan shaqeyn Karin.  Masuuroobi karto in Jaamacad tacliin ka shaqeyneysa ay maktabad la’aan ahaato maadaama maktabaddu ay isku xireyso baraha, ardayga  iyo buugga.  Goobaha aan marnaba kaga waayin karin maktabadda waa Jaamacadaha.  
Maktabaduhu door nuucee ah ayay ka qaataan kobaha iyo aqoonta qofka?
Sida aan ognahay qof waliba qofka uu ka aqris badan yahay ayuu ka cilmi iyo garaadba dheer yahay, sidaa awgeed maadaama ay yihiin maktabaduhu goobihii laga helay cilmiga, waxay door muuqda ka qaataan qofka in uu caqli ahaan u kobco; qalbigiisu dago, kalsooni nafeed uu helo; horumar uu ka gaaro cilmiga iyo in qofka luqadda uu wax ku baranayey uu horumar ka sameeyo maadaama uu maalin waliba aqrinayo buugaag kala duwan oo ku qoran luuqadda uu wax ku baranayo.
Gunaanad 
Talada ugu dambeysa waxay noqoneysaa in aan ku dadaalno cilmiga iyo kobcintiisa maadaama Aayaddii ugu horeysey ee Nabiga NNKH lagu soo dajiyo ay ka hadleysey Aqriska.  Si aan aqrinta iyo cilmiga kor ugu qaadnana, waxaan u baahannahay in aan dhisno kana shaqeyno sidii aan u heli laheyn goobo aan ku keydsanno buugaagta aan wax ka baraneyno.
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: calikaafi9@gmail.com.
twitter @Alihilowle8

Sunday, August 18, 2019

Maxkamada sarre ee Spain oo amartay in lasoo xiro Rasul wasaaraha Israel



Rasul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo todobo xubnool oo qaarkood ay horay xil u soo qateen qaarkalana ay hada xilka hayaan ayaa qatar ugu jira in lasoo xiro hadii ay cagaha soo dhigan dalka Spain, kadib makii maxkamadda sarre ee dalkaa ay soo saartay warqad xalaaleyneysa xeritaan kooda.  
Sida uu qoray wargeysa Latin america ee layiraah  Latin American Herald Tribune, gudoomiyaha maxkamada sarre spine Jose La Mata ayaa amray police-ka inay sooxiraan hadii Netanyahu iyo lixda xubnood ee kale ay soo galaan dalkaa, waxaa lagu eedeynayaa ficiladii foosha xumaa oo ay ka geesteen magaalada Gaza sanadkii 2010. Eedeymaha kale ee looheysto waxaa kamida werarkii logu dajiye markab  Turkigu leeyahay oo gar’gaar u waday Gaza.

Xubnaha kale ee la amray in lasoo xiro waxaa kamid ah wasiirkii hore ee difaaca Israel Ehud Barak, wasiirkii hore ee arimaha dibada Avigdor Leiberman, wasiirkii hore ee stratigiyada Moshe Yaalon iyo wasiiro kale oo xilka haye xiligii ay dhageyse dhibaatadaa.


Tuesday, July 30, 2019

‘Sidaan u dhoobanahay uma dhegeysanno’


Ma taqaanaan labada cillad oo ay yeelihiin xafladaha Soomaalidu?
Himilo – Xafladuhu waa isku imaatin bulsho oo loogu debaal-dego dhacdo markaa taagan ama mid horey u dhacday oo dib loo xusayo, sidoo kale waa goobo laga yaabo inay ku kulmaan dad waqti badan ismoogaa markaana ay fursan u helaan inay isku xog wareystaan madasha.
xafladaha aan ka qeyb galmo waxaa ka mid ah Aroosyada, qalin-jebinta, soo dhaweynta, xafladaha xisbiyada, kuwa abaalmarinta, dalacsiinta, meherka, Caleemo saarka ‘Madaxweyne ama Ugaas’ xafladaha debaal-dagyada sanad guurada sida marka uu qofku dhashay ama kuwa xurnimadda iyo qaarkale. balse ma ogtahay akhristoow inay jiraan labo Caqabad oo ay ka siman yihiin dhamaan xafladaheenna.  Bal qiyaas ka hor inta aanan qalinka ku qeexin!
Caqabadda koobaad waa isdhegeysi la’aanta
Dadka Soomaaliyeed waxay lacago badan uga baxaan marka ay dhiganayaan xafladaha isku imaatinka ee aan qabano balse ma isweydiiney dadka nagala soo qeyb gala ma dhuuxaan waxyaabaha laga dhaho ama ka dhaca dhacda?
Jawaabta halkan ayay kaaga soo dhex-baxaysaa, xafladda waxaan u kireynaa hool qaali ah, waxaan ku bixinaa dadaal, Doolar iyo waqti, waxaa lagu casuumaa dad tiradoodu aysan yareyn oo loo arko markaas inay mudan yihiin ka hadalka goobtaa ama dhegeysiga waxa meesha laga sheegayo, balse dadka intooda badan markii ay goobta tagaan waxay iskula jeestaan sheeko iyagoo ka mashquula ujeedadii halkaa loogu ballamiyey. Tusaale waxaa dhici karta labo qof oo walaalo ah oo sanado badan guri iskula noolaa in lagu casuumo xaflad, markaa ay si wanaagsan u soo lebistaan iyagoo lacag badan kusoo raaca gaadiidka ay meesha ku imaanayaan, markii ay soo gaaraan goobtii ay xafladu ka dhacaysay ayay sheeko kala guraan ama ay ku mashquulaan sawir iyo waxyaabo kale, waxaana halkaa ku dhaafa ujeedadii goobta loogu casuumay ama hadafkii ay u yimideen, waxaa dhici karto mararka qaar inay sheekadu la tagto kadibna ay ku soo baraarugaan sacab ama qosol hal mar si qabsaday markaa ay weydiiyaan dadka garabkooda fadhiya waxa lagu qoslay ama loo sacbiyey. waxaa ku arkeysaa kaamirooyinka lagu duubay xafladaha shaqsiyaad howlo kale ka dhex wada goobta ama dhinac sheeko ugu leexday iyagoo aan weli gaarin ujeedadii ay goobta u yimideen’ aan su’aal ku weydiiyee arqistoow soo arrintan kuma arkin xafladaha aad ka qeyb gasho?
 Midda labaad Waqtiga ballanta oo dib u dhaca
kulan kasto oo ay dad Soomaaliyeed iskugu yimaadaan hadalka ugu horeyo ee lagu furo waa raali galin ah ‘waqtigii aan ugu tala galnay in aan bilowno waan ka dib dhacnay hanalaga raali ahaado ama aan si kale u dhehee ‘dadka waqtiga dheer inoo fadhiyey waxaan ka raalli galineynaa dib u dhaca naqabsaday’. waxaa astaan ama hal-qabsi noo noqotay waqtiga lagu ballamiyo saacad ayaa dib looga dhacaa, oo la macno ah saacaddii lagu ballamiyey midda ka dambeyso tag. waa dardaaranka inta badan ay dadku kuu sheegayaan marka aad wargeliso in aad ballan leedahay. waa dhaqan rogan oo ku faafay dhaxdeenna.
Tusaale ahaan xafladdii ugu dambeyse ee aan ka qeyb galay waxay aheyd xaflad aflixid arday, waxaa la i soo gaarsiiyay warqaddii casuumaadda ‘Invitation’ oo ay ku qoran tahay 8:00am inay bilaabaneyso howlsha meesha loo tagayo balse waxaa labilaabay 10:19am iyadoo weli dadkii la filayey inay meesha ka hadlaan qaarkood ay maqanyihiin.
Waxaan si cad ugu xad-gudubnay diinteenna oo meel weyn ka istaagtay illaalinta ballamaha. dabeecad ayaana ka dhiganey dhaqankan.
Taladeyda ugu dambeysa  
Aan labo dhinac u kala qaado taladeyda: gar-wadeenada xafladaha, maadaama aan dhaqaale badan ku bixino xafladaha waxaa muhiim ah in aan ogaano dadka noo imaanaya dhaqankooda iyo sida ay ugu wanaagsan yihiin dhegeysiga iyo dhugashada waxa goobta ka socda sidoo kale waxaa muhiim ah in la bilaabo waqtiga aad qorsheysatey inay howshaada kuu hirgasho adigoon  sugin cid maqan haddii markaa uusan jirin cudur daar la qaadan karo iyo midda ugu muhiimsan oo aan anigu sameyn lahaa oo ah in qof kamid ah dadka meesha fadhiya la weydiiyo dhacda goobta ka dhacday si dadka kale ay dareen kooda ugu soo jeediyaan howsha meesha ka socota iyagoo iska illaalinaya su’aalaha.
Dhinaca kale, dadka martida ah ee kasoo qeyb gala; waqtigu waa qaali wax lagu badasho majiraan sidaa darteed maadaama aad goobta timid waa muhiim in ugu yaraan aad hal eray faa’iido, waxaa goobta ka hadla dad laga yaabo inay kaa waayo-aragsan yihiin, kaa cilmi badan yihiin, ama kaa dal aqoon badanyihiin sidaa awgeed kalmad kasto oo la sheego adiga cilmi iyo caqli ayay kuu tahay hal eray oo cilmi ah ayaa kaaga wanaagsan hadalada maalaa yacniga ah. 
Qore: Ali Abdulle Hilowle
Kala xiriir: farriin-danabeed; calikaafi9@gmail.com ama twitter: @Alihilowle8

Wednesday, May 8, 2019

Macluumaad kooban oo ku saabsan dalka Uganda--Taariiqda Uganda



Dalka Uganda, waa wadan dhaca bariga Africa, caasimadiiso waa Kambala, madaxweynah dalkaa waxaa layiraa Yoweri Museveni. Dadka dalkaa waxay ka kooban yihiin 42.86 million ‘qiyaas lasameeye 2017-kii’
Luqadaha rasmiga ah ee looga hadlo waa Swahili iyo Engish, xudoodihiisa, dhanka bari waxaa ka xiga Kenya dhanka waqooyi koofurta Sudan dhanka galbeed Jamhuuriyada Dimuqoraadiga Congo, dhanka koofur-galbeed waxaa ka xiga Rwanda halka dhanka koofureed uu ka xigo dalka Tanzania.
Dalkaa waxaa ku yaal Harada uguweyn Africa ‘Lake Victoria’
Magaca Uganda waxuu ka yimid Boqortooyadii ‘Buganda’ oo dalkaa xukumi jirtay
Madaxweynaha dalkan Yoweri Kaguta Museveni, waxuu xilka qabtay bishii January sanadkii 1986-kii kadib 6-sanno oo dagaal Jabhad ah oo ku jiray


Calikaafi9@gmail.com

Twitter@Alihilowle8

Monday, April 29, 2019

Masaajidkii ugu weynaa Africa oo ladhameystiray dhismahiisa.



Kadib todobo sanno dhismo socday oo ay ku baxday 1-billion oo doller, waxaa si buuxda loo dhameystiray dhismaha mid kamid ah masaajida ugu waaweyn caalamka
Masjidkan oo loobixiye Dajamaac El Dajazair waxuu ku fadhiyaa dhulkiiso 400,000 oo square meter, waxuu leeyahay minaarad dherarkeedo gaarayo 265 meter
Masjidku waxuu qaadaa halkii marba 120,000 oo ruux. Waxuuna leeyahay Parking qaadi kara 7,000 oo gaari
Dhismaha masjidka waxuu ka kooban-yahay ‘Goob-qur’aanka lagu baranayo, Mag-tabad, Maqaaxi iyo goob-cilmi baaris oo lagu geydinayo taariiqda Islamka
Masjidkan waxuu noqonayaa masjidka sadaxaad ee ugu weyn Caalamka iyo midka koobaad ee ugu weyn qaarada Africa. Kaliya waxaa ka qeyb masjidka Kab-cada ee Macca iyo Masjidka Nabiga ee Medina, masaajidaa oo millions muslimiin ah ay tagaan xilliga Xaj-ka
Weyniga aan ka hadleyno waa badka Dhulka ay ku fadhiyaan.
Masjidka oo laga dhisay dalka Algiera waxuu noqday masjidka ugu minaarada dheer Africa waxuuna dhararkeedo gaarayaan 670-Feet waxuu booska kala baxay masjidka Hassan al-Thani oo kuyaal magaalada Casablance ee dalka Morocco .
Masjidka waxaa dhisay Engineerada shirkada ‘CSCEC’ oo laga leeyahay dalka Shiinaha. Sanadkii 2011-ka ay shirkadan ku guuleysatay tartan ay u gashay dhisida masjidka 

Tur-jume:
@Alihilowle8
Calikaafi9@gmail.com

Sunday, April 14, 2019

Magaalada Chibok ee dalka Nigeria 5-sanno ayaa laga joogaa markii la af-doobtay 270-arday school-ah




Dadka ku nool Magaalada Chibok ee dhacda waqooyi-barri dalka Nageira wili waxay ka war-dhow rayaan soo noqoshada in kabadan 100- gabdhod oo ay af-duubteen kooxda Boko Haran shansanno ka hor maanta oo kale.
Si isku mid ah nolosha uma qaataan dadkii caruurtooda la af-duubtay 14-kii bishii April sanadkii 2014- maadaama qaar kamid ah caruurtaa lasoo daaye oo ehelkooda ay dib ula midoobeen.
Magaaladan waxay soo jiidatay indhaha caalamka kadib markii dagaal yahanada Boko Haram ay soo weerareen dugsi ay dowlada Nigeria ay maamusho kadibna ay ka xeesteen 276-gabdhood oo school-kaa dhiganaye .
Daqiiqadihii ugu horeye ee dhibaatadaa dhacday 57-kamid ah gabdhaha ayaa ka baxsaday kooxda. Halka ay latageen 219-kii kale.
Baraha bulshada waxaa qabsaday olole loogu magac daray ‘#BringBackourgirls’ noosoo celiya gabdhaheena.
Shansano kadib af-duubkaa wili waxaa gacmaha Boko Haram ku maqan 112-gabdhood halka 107-kale wadahadal dhax maray ciidanka Nigeria iyo kooxdaa lagu soo daaye
‘isma dhiibeyno haba kasoo wareegto 100-sanno’ sidaa waxaa leh Enock Mark oo labo gabdhood ay ka maqanyihiin
Mark iyo waalidiinta kale ee Caruurto ka maqanyiihiin waxay si todobaad le ah ugalaan safar Adag oo ay ku jarayaan 900Km si ay u tagaan magaalada Caasimaha ah ee Abuja, si ay war-iyo wacaal uga helaan gabdhahooda 
Magaalada Chibok waxay sidoo kale wajaheysaa weraro ugu imaanaya kooxda hubeysan oo dilaya dadka ay u arkaan inay lashaqeeyaan Ciidanka Nigeira

Turgumay Cali Hilowle 
@Alihilowle8
Calikaafi9@gmail.com