Dadka ku nool Magaalada Chibok ee dhacda waqooyi-barri dalka Nageira wili
waxay ka war-dhow rayaan soo noqoshada in kabadan 100- gabdhod oo ay
af-duubteen kooxda Boko Haran shansanno ka hor maanta oo kale.
Si isku mid ah nolosha uma qaataan dadkii caruurtooda la af-duubtay 14-kii
bishii April sanadkii 2014- maadaama qaar kamid ah caruurtaa lasoo daaye oo
ehelkooda ay dib ula midoobeen.
Magaaladan waxay soo jiidatay indhaha caalamka kadib markii dagaal yahanada
Boko Haram ay soo weerareen dugsi ay dowlada Nigeria ay maamusho kadibna ay ka
xeesteen 276-gabdhood oo school-kaa dhiganaye .
Daqiiqadihii ugu horeye ee dhibaatadaa dhacday 57-kamid ah gabdhaha ayaa ka
baxsaday kooxda. Halka ay latageen 219-kii kale.
Baraha bulshada waxaa qabsaday olole loogu magac daray ‘#BringBackourgirls’
noosoo celiya gabdhaheena.
Shansano kadib af-duubkaa wili waxaa gacmaha Boko Haram ku maqan
112-gabdhood halka 107-kale wadahadal dhax maray ciidanka Nigeria iyo kooxdaa
lagu soo daaye
‘isma dhiibeyno haba kasoo wareegto 100-sanno’ sidaa waxaa leh Enock Mark
oo labo gabdhood ay ka maqanyihiin
Mark iyo waalidiinta kale ee Caruurto ka maqanyiihiin waxay si todobaad le
ah ugalaan safar Adag oo ay ku jarayaan 900Km si ay u tagaan magaalada
Caasimaha ah ee Abuja, si ay war-iyo wacaal uga helaan gabdhahooda
Magaalada Chibok waxay sidoo kale wajaheysaa weraro ugu imaanaya kooxda
hubeysan oo dilaya dadka ay u arkaan inay lashaqeeyaan Ciidanka Nigeira
@Alihilowle8
Calikaafi9@gmail.com