Saturday, January 18, 2020

Taariiq nololeedka haweeneyda madaxda ka ah Taiwan Tsai ing-wen



Tsai ing-wen waxa ay dhalatay 31 August 1956-kii waxaa siyaasiyad iyo Profossor hogaamisa jaziirada Taiwan tan iyo 20 may 2016-ka waxa ay noqoneysaa haweeyendii ugu horeysay ee qabata xilka ugu sareysa Taiwan.
Tsi waxay noqoneysaa madaxweynihii todobaad ee Jaziirada Taiwan iyo hogaamiyihii labaad ee xisbiga DPP, waxay noqotay hogaamiyaha xisbiga 2008-illaa 2012-ka markaa oo ay ku guuleysatay xilka madaxweynah 2012- iyo 2016-kii  haatan ayay ku guuelystay markeedii labaad xilka madxweynah 11 January 2020-ka
Tsai waxay baratay sharciga iyo gacansiga caalamiga ha, waxayna noqotay professor sharciga ka dhiga jaamacada Soochow
Markii uu xilka madaxweynah qabtay Chen shui-bian sanadkii 2000 Tsai waxay noqotay wasiirka arimaga dibada
Tsai waxay u tartantay godoomiyaha magaalada Taipei bishii November 2010 balse xilkaa waxaa uga guulestay Eric chu 
2016-ka tsi waxay noqotay haweeneydii ugu horeysya oo u tartanta xilka madaxweyna jaziirada  iyadoo markale dib u heshay xilkaa

Macluumaad kooban oo ku saabsan Taiwan


Taiwan ma ahan dowlada caalaku uu si buuxda u aqoonsan yahay inkasta oo ay jiraan dowalado sidii dowlada buuxda oo kale ula falgala, waxayna hoos tagtaa China, bariga Asia ayuu ku yaal Taiwan dhanka waqooyi galbeed waxaa ka jira China, Japan ayaa ka xiga dhanka Waqooyi bari halka Philippe ay ka jirto dhanka Koofureed,
Jasiirada Taiwan cabirka ay ku fadhiso waa 35,808km2. Caasimada Taiwan waa Taipei  halka dadka ku nool Taiwan ay gaarayaan 23.7M
Jaziirada Taiwan kama tirsano dowlada xubinta ka ah QM. 193-dowladood ee QM xubnaha ka ah 14-kamid ah ayaa Taiwan u aqoonsan dowlada rasmi ah. Jaziiradan waxay xubin ka tahay ururo ganacsi oo ay ka midyihiin ‘World Trade organization, Asia Pacific Economic iyo Asian Development Bank. Xisbiga xariirka la leh chine ee ka dhisan Taiwan halkaa aad loogama celyo waana taa mid keentay inay doorashada kuraas yar ku yeeshaan. Jaziiradan waxaa gumeysan jiray Japan ilaa 1945-kii

Dhanka doorashooyinka  

Sida caadiga ah Taiwan waxaa ka qabsooma 11-doorasho oo kala duwan tan iyo 2012-kii. Waxaan looqeybiyaa doorashada guud iyo mid deegaanada, doorashooyinkaa waxay dhacaan afartii sanaba mar.
Doorashada guud waa mid lagu soo doorto madaxweynah, ku xigeenkiisa iyo golaha baarlamaan-ka oo gaaraya 113-xubnood halka doorashada godaha lagu soo xusho madaxda gobolada gudoomiyaasha magaalooyinka iyo Madaxda deegaabka
Doorashada sida sharciga Twania oo qorayo waxaa madax ka ah gudiga doorashooyinka oo magacooda loosoo gaabiyo ‘CEC’ da’da ugu yar ee qofku uu ku codeen karo waa 20-sanno. Codeeyaha ayaa looga baahan yahay in uu buuxiyo shuruudaha daganaashiyahay ka hor afar bilood doorashada si uu u helo warqada cod bixinta  
Doorashadii ugu horeyse ee lagu qabtay Taiwan waxaa qabtay gumeysigii Japan 22 November 1935-kii
Xiligaa shuruudo adag ayaa ku xirnaa doorashada, 25-sanno qof ka yar looma ongoleen in uu codeeyo iyo in uu bixiyo canshuurta shansanno, xiligaa codeynta waxaa ka qeyb qaatay 28,000 oo ruux halka dirada guud ee shacabta teywaan ay ahaayeen 4-Milliom-oo ruux
Doorashadii labaad waxay dhacaday 1939- balse 1943- ayaa la cancelled sabab laxariirto dagaalkii labaad ee duniga oo xiligaa looga guuleystay Japan oo Twain xiligaa gumeysanaye
si aad uga codeyso Taiwan waxaa qasab kugu ah in aad heysato dhalashada dalka China, da’daadana ay ka weyntahay 20-sanno
doorashada madaxweynah qofka ka qeyb qaadanayo waxaa waajib ku ah in uu Taiwan ku noolaa lix bil oo xariir ah ama in kabadan.
Doorashda deegaanka qofka ka qeyb qaadanayo isna waxaa qasab ku ah in uu deegaanka uu ka codeynayo uu ku noolaa 4-bilood oo xariir ah ama in kabadan

Thursday, January 9, 2020

Taariiq noloneedka madaxweynaha cusub ee Croatia



Zoran milanovic waxa uu dhay 30 october 1966-kii waa madaxweynaha ladoortay, xilka ayuu lawareegayaa 19-February 2020-ka, waxa uu sooqabtay xilka rasulwasaaraha intii u dhaxeysay bishii December 2011-ka ilaa January 2016-ka. Waa hogaamiyaha xisbiga ‘Social democratic party ‘oo ah xisbi bidix dhexe.
Zoran milanovic waxa uu noqonayaa madaxweynihii shanaad ee Croatia isagoo ka guuleystay Kolinda Grabar-kitarovic oo ah madaxweynaha xilka ka sii dageysa.
Markii uu ka qalin jabiye jaamacada Zagreb qeybta Law-ga Milanovic waxa uu noqday wasiirka arimada dibada, lataliyaha Croatia ee midowga Europea iyo NATO 1996-99-kii
Xisbiga uu haatan hogaamiyo ee bidix dhexe waxa uu ku biiray 1998.  2007-ayaa loodoortay hogaamiyaha xisbiga SDP kadib geeri ku timid hogaamiyihii waqtiga dheer horboodaye xisbigaa ahaane rasulwasaare Ivica Racan.
Doorashadii 2011-ka ayuu xisbigiisu ku guuleystay kuraasta ugu badan ee parlamaan-ka taa oo keentay Milanovic in uu noqdo Rasul-wasaaraha Croatia
17-June 2019-kii Milanoiv waxa uu shaaciye in uu u tartami doono xilka madaxweynaha Croatia isagoo matalaya xisbiga Social Democratic party. Ugu dambeyntiina doorashadii ayuu ku guuleystay isagoo helay wareega koobaad 29.55% wareegii koobaad ee doorashada halka wareegii labaad oo helay 52.67%.
Zoran milanovic ayaa taariiq ka dhigay dalkaa kadib markii uu noqday musharixii 2-baad ee ka guuleystay madaxweyne u tartamaya wareegii labaad ee doorashada
Aabihiis Stipe Milanovic waxa uu ahaa dhaqaali yahay halka hooyadii ay tahay macalimad dhigtay luqadaha ‘English-ka iyo Germal-ka Milanovic asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa Bosnia Herzegovina
Milanovic ayaa goorsaday Snaja Music 1994-kii waxayna leeyihiin labo wiil Ante Jokov iyo Marko