Waxaynu Ku Nool Nahay Duni Ay Tiknoolajiyaduu Badashay Habkay Dadku U wada Xidhiidhaan.
Shabakadaha
Bulshaduu ay Fariimaha iskugu Gudbiyaan sida Facebook, iyo Twitter, ayaa ah Kuwo isku xidhay Malaayiin Qof Oo
Dunida Dacaladeeda kala Jooga.
Kuwaas
oo sahlay in si Fudud Loo wadaago, Loona Ogaado waxyaabaha Dunida ka socda, Ama
Ka Dhaca.
Sida
inaad Fariin ka dirto Mobile-Kaaga, ama aad War-Bixin ku Qorto, Wajahada Hore
ee kuu Gaarka ah, kuwaad ugu Jeceshahay Baraha Bulshada, si aad asxaabtaada ugu
sheegto Xaaladaada, uguna Gudbiso, Aragtidaada, ulana wadaagto waxyaabaha aad
qabanayso Noloshaada.
Baraha
Bulshaduu waxay u sahleen dadka, inay taleefan u diraan Ehelkooda ka fog, Taas
oo lacag qiimeheedu aad u hoosayso kaga baxdo, dadkuna ay kaga raysteen
shirkadihii isgaadh-siinta oo iyaguu qaadan jiray lacag qadarkeedu aad u
sarayso Marka la bar bar dhigo.
Waxa
Intaa Dheer, Baraha bulshaduu waxay Fududeeyeen inaad Barato Asxaab badan oo
dunida dacaladeeda kala joogta.
Maalinba
Maalinta Ka Dambaysa waxaa badanaysa Tirada Dadka isticmaala Baraha bulshada,
Aad baanay u sii kordhaysa, waxaa taa ka maqnayn in ay jirto Casriyeyn lagu
sameynayo Baraha Bulshada, si ay dadku ugu isticmaalaan si fudud, ugalana
kulmaan waxyaabo cusub
Malaayiin
Qof ayaa Hada isticmaala, Waxaanay leeyihiin Qolol u gaara, oo ay Asxaabtooda
kula wadaagaan, Muuqaalo, Sawiro, Qoraalo, Aragtiyo, iyo Waxyaabahay qabanayaan
Noloshooda.
Waxa
Jira Dad badan oo dunida Magac ku yeeshay, Baraha Bulshada owgood, sida dad
iyaguu aan Caan ahayn markii Hore, Balse Horumar ay ku sameeyeen habka ay wax u
soo gudbiyaan Baraha bulshada ay raali galisay dad badan, una sahashay inay ku
xidhnaadaan barohooda, Kumanaan-Kun Qof oo dad ah, oo Xiiseeyaana.
Waxa
iyaguna Jira boqolaal kun, oo Qof oo ku Xiran Bogoga Baraha Bulshada ,ku waas
oo la socda, warbixinada ay boga-gaasi soo gudbiyaan, sidoo kale waxa jira
iyaguna Boqolaal kale oo ku xidhan, Dad caan ka ah dunida, oo la socda
waxyaabaha ay dadkaas caanka ahi qabanayaan.
Dhanka
Soomaaliya isticmaalka baraha bulshada waxa uu soo xoogeystay 10-kii sanno ee
ugu dambeye dadku waxay ku wadaagaan aragtiyada iyo macluumaadka laxariiro deegaanadooda.
Barah
bulshadu waxay dowr weyn ku leeyihiin jaanjownta iyo habsami socodka siyaasada
Soomaaliya. Waxaa jira dhalin badan oo xukumka markaa dalka ka jirada ku
difaaca baraha bulasha iyo koox kale oo mucaaradnimadooda u adeegsado social
media.
Waxaa
si cad loogu baahiyaa qoraalo lagu difaacayo qoryashaan dowlada iyo kuwo lagu
dhaliilayo oo ay isweedaarsanayaan dhinacyada siyaadada ku kala aragti duwan.
Soomaaliya
isticmaalka Baraha bulshada waxaa dhanka kale loo adeegsadaa sumcad dilka
siyaasiinta iyo dadka bulshada magaca ku dhax leh. waxaa dhacda in lagu gudbiyo
macluumaad aan sax aheyn ama kala dhiman iyo hadalo la jar jaray oo qaab kale
loo rogay.
Inkastoo
ay jiraan dhaliilo loojeedinayo qaabka ay isku saameeyaan baraha bulshada iyo
siyaasada Soomaaliya hadane waxaa jira waaya joog badan oo aan arintaa dhib u
arkin iyagoo barbar dhigaya xilli dadka aragtida siyaasada ku kala duwan ay
isku adeegsan jireen hub si ay u kala guuleystaan.
Qoray: Ali Abdulle Hilowle
Twitter/@Alihilowle8
calikaafi9@gmail.com