Tuesday, November 30, 2021

Macluumaad / Macluumaad ku saabsan dalka Africa ugu dhulka weyn Algeria

 


Dalka Algeria oo dhaca waqooyiga Africa waa dalka ugu  dhulka weyn Africa waxa ku dherersan badda Mediterranean-ka iyo Saxaraha Africa.

Algeria waxa uu leeyahay xaduud 2 million km2 ah oo ku dherersan dalalka Mali, Niger, Libya, Tunisia, Morocco iyo Mauritania, Algeria waxa uu shanjeer ka dhulwayn yahay dalka Spain.

Dalka Algeria waxa uu leeyahay saharaha ugu kulul caalam-ka, 80% dalka Algeria waa saxaro dherer ahaan gaaraya 1,905,392 km2.

Xayawaanada uu caanka ku yahay dalkan waxaa ka mid ah Dawacada cad, dawacada nuucan ah waxaa laga helaa saxaraha Algeria iyo gacan-ka Sinai ee Masar. Culeyskeedu wuxuu u dhaxeeyaa 1.5 Ilaa 2 kg.

Algeria waxaa ku yaal masjidka Djamaa El Djazair, Masjidka oo ku yaal gobolka Mascara waa masjidka sadaxaad ee dunida ugu weyn iyo mid kamid ah masaajida ugu minaarada dheer caalamka. 

Dadka Algerian-ka waxay caan ku yihiin soo dhaweynta iyo marti soorka, waxyaabaha ugu horreeya ee qofka martida ah lagu soo dhaweeyo dalka Algeria waa shaaha oo cabbidiisu ay caan katahay.

Saxaraha Algeria xayawaanada uu caanka ku yahay waxaa kamid ah shabeelka. Sanadkii 2015 cilmibaaris la sameeyay ayaa muujineysa 250 kamid ah shabeelka saxaraha ku nool in uu ku suganyahay saharah Algeria.

W.Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

Sunday, November 28, 2021

Taariiqda Haweeneydii ugu horreysay ee dal african ah madaxweyne loogu doortay

 


Ellen Johnson sirleaf waa madaxweynihii 24aad ee dalka Liberia iyo haweeneydii ugu horreysay ee dal African ah madaxweyne loogu doorto, bishii May ee sanadkii 2012-ka.

Sirleaf lix sanno ay ku bixisay sidii dalkeeda uu uga bixi lahaa dagaalkii sakeeye una heli lahaa maal-galin dibada ah arintaa oo ay siweyn ugu soo caanbaxday.

Taariiq nololiidka Ellen Johnson sirleaf,

Waxay dhalatay 29 bishii October sanadkii1938, waxay ku dhalatay magaalada Monrovia ee dalka Leberia. Waxay soo noqotay madaxweynaha Liberia intii u dhaxeyse ‘2006 illaa 2018’. Waa haweeneydii ugu horreysey ee dal African ah doorasho ku qabsata.

Sirleaf sanadkii 2011 waxay ku guuleysatay billadda nabadda adduunka oo ay ku heshay dadaalkii ay ku bixisay dalka Liberia

Waxbarashadeedii

Johnson sirleaf goobtii ugu horreysay ee ay wax ka barato waxay aheyd machadka west Africa ee ku yaal magaaladii ay ku dhalatay ee Monrovia, sanadkii1961 waxay waxbarasho u aaday dalka Mareykanka oo ay ku soo baratay maamulka dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Kadib markii ay soo qaadatay darajada labaad ee waxbarashada sanadkii 1971 waxay ku biirtay xafiisyada dowlada Liberia

Qaabkii ay doorashada ugu guuleysatay

12 sanno oo dalka Liberia ay dagaalo ka socdeen Johnson waxay ku nooleyd dalka Kenya halkaa ooay  hey’ado caalami ah ugu shaqeysay sida Bankiga Adduunka.

Ugu dambeytii waxay madaxweyne ka noqotay dalka Liberia intii u dhaxeysey 16 bishii  sanadki 2006 illaa 22 bishii January sanadkii 2018.

 

W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

 

Monday, November 15, 2021

Bisha Oktoober – Bar-kulanka Dhacdooyinka Soomaaliya.



Markii aad dhageysaneyso heesta Qarni waliba Sebenkii,  qorraxiba dharaarteed, waxaa daremeysaa in maalmuhu isku si aysan gabbalku ugu dhicin, waaguna ugu baryin. Seben walbana uu xanbaarsan yahay dhaxalkii gaarka ah.

Hayeeshe, maalin walba waxay lasoo baxdaa wajigeeda qaas ah, waxayna la hoyataa taariikh u goonni ah. Haddana dhammaan maalmuhu ma wada ahan kuwa si la tilmaami karo xusuusteenna ugu wada jira.
Waxaa jira maalmo qofka ku weyn sida goortuu dhashay, Ilmo u dhasheen, maalin uu lumiyay qof ku weynaa qalbigiisa iyo geesta kale maalmo farxad ugu idlaatay sida inuu guursaday. Isla sheekada ku saabsan nolosha hal qof ama qoys, mararka qaar waxay noqon kartaa mid kulmisa masiir qaran iyo mujtamac dhan noloshooda.
Balse marka laga yimaado dunta hoose ee bulshada – qof iyo qoys labadaba – sheekooyinka taariikhda gala waxay aalaaba ku dhismaan heerka ay maqaam ahaan ka joogaan qaranka. Halka aan la isku diidayn in qof ka baxa qoyskiisa aysan wada tiiraanyeyn karin qaranka oo idil, haddana waa tirada geerida waxa gilgili kara quluubta shacabka markay maqlaan iyo dhinaca marka arrin weyn oo umadda oo dhan wada raadeysa ay dalka ka dhacdo.
Sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya marka aan dib-u-milicsanno waxaan arkeynaa maalmo murugu iyo mahadho reeba iyo maalmo baraare iyo wanaag nagu fura, balse arrinta la yaabka leh ee aan doonayo in aan ka hadlo waxay tahay inta badan dhacdooyinka ina soo maray inay kusoo beegmaan bisha October,  Tusaale markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago waxay ku beegneyd bisha Oktober, Qaraxii ugu weynaa ee goob qura ku dhibaateeya in ku dhaw kun qof wuxuu dhacay bisha October.
Haddaba waxaa kuu soo gudbinayaa dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October kuwii ugu waaweynaa:
  1. 5 October 1949-kii waxaa muqdisho ka dhcay dagaal caan baxay oo looga soo horjeeday gumeysiga, dagaalkaa oo ku caanbaxay magaca  ‘Dagax tuur’
  2. 12 October 1954 – Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago kaddib markii uu  naqshadeeye (hindisay) halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan.
  3. 15 October 1969 – Toogasho ka dhacday magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharma’arke.
  4. 21 October 1969– Ciidamadii Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa qabsaday xukunkii dalka lix maalmood kaddib dilkii madaxweyne ina Sharma’arke.
  5. 21 October 1972 – Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaa ka horreeyey aan dhigaal rasmi ah helin.
  6. 3 October 1993– Sideed iyo toban katirsan ciidanka Mareykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib markii dagaal adag ay kala horyimaadeen maleeshiyaad uu hoggaaminayo Jaranaal Maxamed Faarax Ceydiid.
  7. 15 October 2002 – Shirkii 14aad ee Nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
  8. 10 October 2004– Baarlamaanka FKMG waxay Madaxweyne u doorteen AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo taageero weyn ay u ahayd dowladda Ethiopia.
  9. 29 October 2007– Waxaa xilkii iska casilay RW dowladdii ku-meel-gaarka, Cali Maxamed Geeddi kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo ina Yusuf.
  10. 8 October 2000 – Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa RW u doortay Cali Khaliif Galeyr.
  11. 28 October 2001– Kaddib markii uu xilka hayey muddo hal sanno ah, waxaa xilkii laga qaaday ra’iisulwasaare Cali khaliif Galeyr.
  12. 28 October 2002 – Wuxuu MD Cabdiqaasim ku-sime RW u doortay Cusmaan Jaamac Cali.
  13. 29 October 2007 – Saalim Caliyow Ibrow ayaa loo dortay ku-sime ra’iislwasaare.
  14. 14 October 2010– Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo biiray dowladdii uu hoggaaminayey Sharif Sheikh Axmed kaddib markii ra’iisulwasaare loo doortay.
  15. 04 October 2011– Waxaa qarax lagu hoobtay uu ka dhacay Xarunta Harkaha iyo Saamaha oo ay ku geeriyoodeen dad u badan arday Soomaaliyeed oo wax-barasho lacag la’aan ah ka helay dalka Turkiga.
  16. 08 October 2011– Barlamaankii 8aad ayaa kahor yimid heshiis badda ku saabsan oo dhex maray dowladaha Somaliya iyo Kenya.
  17. 17 October 2011– Ciidanka Kenya oo markaa aan ka mid aheyn kuwa Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa xoog kusoo galay dhulka Soomaaliya.
  18. 6 October 2012– MD Xassan Sheikh Maxamud waxuu RW u doortay Cabdi Faarax shirdoon ‘Saacid’ oo markii danbe khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Xasan xilka looga qaaday.
  19. 05 October 2014– Dowladda Soomaaliya waxay la wareegtay magaalada taariikhiga ah ee Baraawe oo muddo sannado ah ay ka talinayeen maleeshiyaadka al-Shabaab.
  20. 25 October 2014 – Isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirrada Soomaaliya ayuu khilaaf weyn ka dhashay markii Wasiirka Cadaaladda, Faarax Sheikh Cabdiqaadir iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha, Saalim Caliyow Ibrow xilalka loo kala wareejiyey taas oo ugu danbeyntii qadka ka saartay dowladdii RW Yuulka.
  21. 26 October 2015– Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Muungaab ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu beddelay Yuusuf Jimcaale.
  22. 17 October 2016– Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madax-weynaha Dowlad-goboleedka Hir-shabelle.
  23. 14 October 2017– Maalin aan la hilmaami karin, waxaa mar qura lawaayey dad ku dhow 500 oo ruux oo Soomaali ah markii qarax gaari lagu soo raray uu ka dhacay Isgoyska Zoobe, musiibadan ayaa Soomaaliya ka dhigtay meesha kaliya ee Qaarada Afrikaa oo daqiiqad lagu dilay dad intaa tiradoodu la’eg tahay.
Ku dar wixii aan ka tagay oo ka dhiman dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October.
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: farriin-danabeedka; Calikaafi9@gmail.com ama Twitter/@Alihilowle8.

Macluumaad / Madaxweynayaasha Africa ugu da’da weyn

  


Da’da madaxda qaarada Africa qaarkood waxay ka weyn tahay da’da howlgab-ka ‘Retirement’ ee shaqooyinka looga fariisto.

Da’da howgabka inta badan dalalka Africa waa 60 sanno, si kastaba qaar kamid ah madaxda Africa waxay hoggaamiyaan dalalkooda iyagoo ka weyn 60 sanno.

Halkan waxaan kuugu soo gudbinaynaa 6 madaxweyne ee Africa ugu da’da weyn Afrikada madow

  1. Paul Biya – madaxweynaha Cameroon, wuxuu dhashay  13 bishii February, sanadkii 1933. Wuxuu xukunka yahay taniyo November 1982. Paul Biya waxa uu ku jiraa 10-ka madaxweyne ee caalam-ka ugu da’da weyn. Wuxuu imika jiraa  88 sano.
  2. Alpha Condé –  madaxweynaha Guinea, wuxuu ifka yimid afartii March 1938. Wuxuu hadda jiraa 83 sano. Alpha Condé Madaxweynaha Guinea waxaa loo doortay 2010, Kadib labo iskuday oo guurdaro ah intii u dhaxeysay 1993 iyo 1998. imaatinkiisii xafiiska waxay aheyd guulweyn oo u soo hoyatay shacabka Guinea maadaama uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee si xor ah loo doortay, haatan af-gambi ayaa dalkiisa ka dhacay balse dowladdiisa ayuu caalam-ku aqoonsanyahay.
  3. Alassane Ouattara – madaxweynaha Ivory Coast,  wuxuu dhashay kowdii bishii January sanadkii 1942. Wuxuu jiraa 79 sano. Alassane Dramane Ouattara waxa uu madaxweyne yahay taniyo 2011-kii, ka hor xilligaa waxa uu ahaa Ra’iisul-wasaare. Ouattara wuxuu heystaa fursad kale oo uu ku tartami karo in uu sii ahaado hoggaamiyaha Ivory Coast.
  4. Muhammadu Buhari – madaxweynaha Nigeria, wuxuu dhashay 17 bishii December sannadkii 1942. Iminka wuxuu jiraa 78 ssano. Madaxweyne Buhari wuxuu hoggaanka Nigeria soo qabtay 1983 kadib af-gambi ay sameeyeen ciidan uu hogaaminayey. Mar kale waxaa la doortay 2015-kii kadib saddax iskuday oo uu ku guuldareystay
  5. Nana Akufo-Addo – Madaxweynaha Ghana, wuxuu ifka ku soo biiray 29 bishii  March sanadkii 1944.Hadda waa  77 jir. Madaxweyne Nana waxa ku guuldareystay labo doorasho oo Ghana ka dhacday 2008 iyo 2012, balse doorashadii 2016 ayuu soo fuulay masraxa kadib markii uu guuleystay. Horay waxa uu u soo noqday wasiirkii arrimaha dibada 2003 illaa 2007.
  6. Yoweri Museveni – madaxweynaha Uganda, wuxuu dhashay 15 bishii August sanadkii 1944. Waa 77 jir weli shaqada ku sii taamaya sii joogideeda. Yoweri Museveni waxa uu qeyb ka ahaa maleeshiyadii awooda ka tuurtay madaxweyne Idi Amin ‘1979, iyo Madaxweyne Milton Obote (1980–85). Taas waxay u suuragalisay in uu awooda dalka gacanta ku dhigo isagoo illaa iyo hadda hoggaanka u haya Uganda.

W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle