Hadii aad maamule tahay waxaa qasab ah in aad iska illaalisid shantan qodob, si aanay kuu dhibsan
kuuna nicin shaqaalahaadu.
·
Maamulaha
oo sheegta howsha ay qabtaan shaqaaluhu:
qofkii shaqalaha
ahaa ayaa qabanaya howl wanaagsan, ama waxa uu qorayaa report qurxoon, markii howshii
la soo bandhigayo halkii uu amaani lahaa qofka shaqada qabtay, isaga ayaa isku
amaanayo, sheeganayana howshii. Taasi waxay keeneysaa in shaqaalihii ay nacaan
maamulaha, maadaama howl ay igu qabteen uu sheeganayo.
·
Maamulaha oo kalsooni ku qabi waaya
shaqaalah: qofkii shaqaalaha u ahaa waxuu dareemayaa qofka maamulaha u ah
in uusan ku qanacsaneyn howsha uu
hayo. Waxa uu dareemayaa in kalsooni
lagu qabin, kartina aanu u laheyn howsha
loo dhiibay, waxa uu isku arkayaa qof la liidayo, taasina waxay keeneysaa in shaqaaluhu uu ku
qanacsanaan waayo maamulihiisa.
·
Maamulaha
oo arki waaya howsha ay shaqaaluhu
qabtaan: iyadoo
shaqaalihii ay howl adag ku jiraan ayaa hadane maamulihii waxa uu leeyahay,
waxba meesha kuma heysaa mashaqeysaan, maalaayacni ayaad ku jirtaan, hadaladaa
waxay shaqaalaha ku qasbi kartaa inay maamulaha nacaan.
·
Marka
uu maamuluhu la xalin waayo mashaakilaadka shaqaalahiisa: waxaa dhalaneysa shaqaaluhu inay u arkaan maamulahaa,
mid ku daneysanayo oo marka ay xooga leeyihiin kaliya u baahan
·
Marka
uu maamuluhu shaqaalaha fiiriyo qaladaad kooda oo kaliya: wax yar oo qalad ah marka uu ka dhaco qof in maamuluhuu
uu shaqaalaha dhan ku ceebeeyo arintiina oo ka dhigo wax weyn.