Ninkan waxaa la
yiraahdaa camo ismaaciil waxa uu ku noolyahay dalka sacuudiga, gaar ahaa
magaalada barakeysan ee Madina, Camo ismaaciil waxa uu leeyahay sifo ka duwan
sifooyin-ka dadka kale, asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Syria, da’diiso
waa 93- sanno, meel u dhow masjidka nabiga ee Madina ayuu afartan sanno shaah
lacag la’aan ah ku qeybiyaa iyo timir uu siiyo dadka safarka dhaadheer u soo
galo shaahiisa, shaah sangabiil leh ama qaxwo mida uu rabo ayuu dalbanayaa
isagoo aan lacag bixineyn.
Xaajigan xilli oo
hadlaye ayuu yiri ‘waligey kama caajisin shaqadan, dankasta oo soo wajahdo waxa
uu ka dooranaye shaahaa uu bilaash-ka ku qeybinayo.
Shaaha uu qeybinayo
inkabadan sadax boqol oo qof ayaa cabta, galabkasto salaada casar kadib ayuu
howsha bilaabaa, waxa uu yiri ‘inkabadan 50 tarmuus- ama falaasadood in uu
shaaha ku diyaariyo’ shaaha isaga ayaa karinaya, diyaarinaya, kadibna
qeybinaya.
Mar ayuu xanuusaday
sheikh Camo Ismaaciil, oo isha uu dhaawac ka soo gaaray, waxa uu diiday in uu
aado dhaqtar, sababta uu u diiday waxa ay aheyd inaysan ka dayacmin howsha
qeyrka ah.
Waxa uu sheegay in uu
howshaan ka helo, raaxo iyo qalbi qabowsi, si wanaagsan ayaan u hordaa marka
aan howsha soo dhameeyo.
Dadka qaar ayaa ku
qasba in uu lacag ka qaato balse isla markaa ayuu ku wareejiyaa lacagta qof
miskiin ah oo u baahan.
Calikaafi9@gmail.com
Twitter/ @Alihilowle8