Monday, November 15, 2021

Bisha Oktoober – Bar-kulanka Dhacdooyinka Soomaaliya.



Markii aad dhageysaneyso heesta Qarni waliba Sebenkii,  qorraxiba dharaarteed, waxaa daremeysaa in maalmuhu isku si aysan gabbalku ugu dhicin, waaguna ugu baryin. Seben walbana uu xanbaarsan yahay dhaxalkii gaarka ah.

Hayeeshe, maalin walba waxay lasoo baxdaa wajigeeda qaas ah, waxayna la hoyataa taariikh u goonni ah. Haddana dhammaan maalmuhu ma wada ahan kuwa si la tilmaami karo xusuusteenna ugu wada jira.
Waxaa jira maalmo qofka ku weyn sida goortuu dhashay, Ilmo u dhasheen, maalin uu lumiyay qof ku weynaa qalbigiisa iyo geesta kale maalmo farxad ugu idlaatay sida inuu guursaday. Isla sheekada ku saabsan nolosha hal qof ama qoys, mararka qaar waxay noqon kartaa mid kulmisa masiir qaran iyo mujtamac dhan noloshooda.
Balse marka laga yimaado dunta hoose ee bulshada – qof iyo qoys labadaba – sheekooyinka taariikhda gala waxay aalaaba ku dhismaan heerka ay maqaam ahaan ka joogaan qaranka. Halka aan la isku diidayn in qof ka baxa qoyskiisa aysan wada tiiraanyeyn karin qaranka oo idil, haddana waa tirada geerida waxa gilgili kara quluubta shacabka markay maqlaan iyo dhinaca marka arrin weyn oo umadda oo dhan wada raadeysa ay dalka ka dhacdo.
Sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya marka aan dib-u-milicsanno waxaan arkeynaa maalmo murugu iyo mahadho reeba iyo maalmo baraare iyo wanaag nagu fura, balse arrinta la yaabka leh ee aan doonayo in aan ka hadlo waxay tahay inta badan dhacdooyinka ina soo maray inay kusoo beegmaan bisha October,  Tusaale markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago waxay ku beegneyd bisha Oktober, Qaraxii ugu weynaa ee goob qura ku dhibaateeya in ku dhaw kun qof wuxuu dhacay bisha October.
Haddaba waxaa kuu soo gudbinayaa dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October kuwii ugu waaweynaa:
  1. 5 October 1949-kii waxaa muqdisho ka dhcay dagaal caan baxay oo looga soo horjeeday gumeysiga, dagaalkaa oo ku caanbaxay magaca  ‘Dagax tuur’
  2. 12 October 1954 – Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago kaddib markii uu  naqshadeeye (hindisay) halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan.
  3. 15 October 1969 – Toogasho ka dhacday magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharma’arke.
  4. 21 October 1969– Ciidamadii Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa qabsaday xukunkii dalka lix maalmood kaddib dilkii madaxweyne ina Sharma’arke.
  5. 21 October 1972 – Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaa ka horreeyey aan dhigaal rasmi ah helin.
  6. 3 October 1993– Sideed iyo toban katirsan ciidanka Mareykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib markii dagaal adag ay kala horyimaadeen maleeshiyaad uu hoggaaminayo Jaranaal Maxamed Faarax Ceydiid.
  7. 15 October 2002 – Shirkii 14aad ee Nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
  8. 10 October 2004– Baarlamaanka FKMG waxay Madaxweyne u doorteen AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo taageero weyn ay u ahayd dowladda Ethiopia.
  9. 29 October 2007– Waxaa xilkii iska casilay RW dowladdii ku-meel-gaarka, Cali Maxamed Geeddi kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo ina Yusuf.
  10. 8 October 2000 – Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa RW u doortay Cali Khaliif Galeyr.
  11. 28 October 2001– Kaddib markii uu xilka hayey muddo hal sanno ah, waxaa xilkii laga qaaday ra’iisulwasaare Cali khaliif Galeyr.
  12. 28 October 2002 – Wuxuu MD Cabdiqaasim ku-sime RW u doortay Cusmaan Jaamac Cali.
  13. 29 October 2007 – Saalim Caliyow Ibrow ayaa loo dortay ku-sime ra’iislwasaare.
  14. 14 October 2010– Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo biiray dowladdii uu hoggaaminayey Sharif Sheikh Axmed kaddib markii ra’iisulwasaare loo doortay.
  15. 04 October 2011– Waxaa qarax lagu hoobtay uu ka dhacay Xarunta Harkaha iyo Saamaha oo ay ku geeriyoodeen dad u badan arday Soomaaliyeed oo wax-barasho lacag la’aan ah ka helay dalka Turkiga.
  16. 08 October 2011– Barlamaankii 8aad ayaa kahor yimid heshiis badda ku saabsan oo dhex maray dowladaha Somaliya iyo Kenya.
  17. 17 October 2011– Ciidanka Kenya oo markaa aan ka mid aheyn kuwa Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa xoog kusoo galay dhulka Soomaaliya.
  18. 6 October 2012– MD Xassan Sheikh Maxamud waxuu RW u doortay Cabdi Faarax shirdoon ‘Saacid’ oo markii danbe khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Xasan xilka looga qaaday.
  19. 05 October 2014– Dowladda Soomaaliya waxay la wareegtay magaalada taariikhiga ah ee Baraawe oo muddo sannado ah ay ka talinayeen maleeshiyaadka al-Shabaab.
  20. 25 October 2014 – Isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirrada Soomaaliya ayuu khilaaf weyn ka dhashay markii Wasiirka Cadaaladda, Faarax Sheikh Cabdiqaadir iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha, Saalim Caliyow Ibrow xilalka loo kala wareejiyey taas oo ugu danbeyntii qadka ka saartay dowladdii RW Yuulka.
  21. 26 October 2015– Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Muungaab ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu beddelay Yuusuf Jimcaale.
  22. 17 October 2016– Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madax-weynaha Dowlad-goboleedka Hir-shabelle.
  23. 14 October 2017– Maalin aan la hilmaami karin, waxaa mar qura lawaayey dad ku dhow 500 oo ruux oo Soomaali ah markii qarax gaari lagu soo raray uu ka dhacay Isgoyska Zoobe, musiibadan ayaa Soomaaliya ka dhigtay meesha kaliya ee Qaarada Afrikaa oo daqiiqad lagu dilay dad intaa tiradoodu la’eg tahay.
Ku dar wixii aan ka tagay oo ka dhiman dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October.
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: farriin-danabeedka; Calikaafi9@gmail.com ama Twitter/@Alihilowle8.

Macluumaad / Madaxweynayaasha Africa ugu da’da weyn

  


Da’da madaxda qaarada Africa qaarkood waxay ka weyn tahay da’da howlgab-ka ‘Retirement’ ee shaqooyinka looga fariisto.

Da’da howgabka inta badan dalalka Africa waa 60 sanno, si kastaba qaar kamid ah madaxda Africa waxay hoggaamiyaan dalalkooda iyagoo ka weyn 60 sanno.

Halkan waxaan kuugu soo gudbinaynaa 6 madaxweyne ee Africa ugu da’da weyn Afrikada madow

  1. Paul Biya – madaxweynaha Cameroon, wuxuu dhashay  13 bishii February, sanadkii 1933. Wuxuu xukunka yahay taniyo November 1982. Paul Biya waxa uu ku jiraa 10-ka madaxweyne ee caalam-ka ugu da’da weyn. Wuxuu imika jiraa  88 sano.
  2. Alpha Condé –  madaxweynaha Guinea, wuxuu ifka yimid afartii March 1938. Wuxuu hadda jiraa 83 sano. Alpha Condé Madaxweynaha Guinea waxaa loo doortay 2010, Kadib labo iskuday oo guurdaro ah intii u dhaxeysay 1993 iyo 1998. imaatinkiisii xafiiska waxay aheyd guulweyn oo u soo hoyatay shacabka Guinea maadaama uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee si xor ah loo doortay, haatan af-gambi ayaa dalkiisa ka dhacay balse dowladdiisa ayuu caalam-ku aqoonsanyahay.
  3. Alassane Ouattara – madaxweynaha Ivory Coast,  wuxuu dhashay kowdii bishii January sanadkii 1942. Wuxuu jiraa 79 sano. Alassane Dramane Ouattara waxa uu madaxweyne yahay taniyo 2011-kii, ka hor xilligaa waxa uu ahaa Ra’iisul-wasaare. Ouattara wuxuu heystaa fursad kale oo uu ku tartami karo in uu sii ahaado hoggaamiyaha Ivory Coast.
  4. Muhammadu Buhari – madaxweynaha Nigeria, wuxuu dhashay 17 bishii December sannadkii 1942. Iminka wuxuu jiraa 78 ssano. Madaxweyne Buhari wuxuu hoggaanka Nigeria soo qabtay 1983 kadib af-gambi ay sameeyeen ciidan uu hogaaminayey. Mar kale waxaa la doortay 2015-kii kadib saddax iskuday oo uu ku guuldareystay
  5. Nana Akufo-Addo – Madaxweynaha Ghana, wuxuu ifka ku soo biiray 29 bishii  March sanadkii 1944.Hadda waa  77 jir. Madaxweyne Nana waxa ku guuldareystay labo doorasho oo Ghana ka dhacday 2008 iyo 2012, balse doorashadii 2016 ayuu soo fuulay masraxa kadib markii uu guuleystay. Horay waxa uu u soo noqday wasiirkii arrimaha dibada 2003 illaa 2007.
  6. Yoweri Museveni – madaxweynaha Uganda, wuxuu dhashay 15 bishii August sanadkii 1944. Waa 77 jir weli shaqada ku sii taamaya sii joogideeda. Yoweri Museveni waxa uu qeyb ka ahaa maleeshiyadii awooda ka tuurtay madaxweyne Idi Amin ‘1979, iyo Madaxweyne Milton Obote (1980–85). Taas waxay u suuragalisay in uu awooda dalka gacanta ku dhigo isagoo illaa iyo hadda hoggaanka u haya Uganda.

W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle