Saturday, December 18, 2021

Macluumaad / Labo dal oo African ah oo weligood aan la gumeysan



Waxaa jira labo dal oo Africa ah oo loo diiwaan galiyay in aan weligood la gumeysan, Ethiopia iyo Liberia. Inkastoo waqti kooban dalal ajnabi ah isku dayeen inay saameyn ku yeeshaan, haddana dalal waxay noqdeen labada keliya ee Africa ku yaal ee ka badbaaday gumeystaha.

Intii u dhaxeyse 1890 illaa 1914 waxaa jirtay qaacido caan ah oo loo yaqaanay boobkii Africa taas oo sababtay in si dhaqso ah dalalka Africa dowladaha Europe ay u qabsadaan. 1914-kii 90% Africa waxay ku jirtay gacanta gumeystaha Europe. Inkastoo dalalka Ethiopia iyo Liberia ay ka badbaadeen gumeystahaa.

Intii uu socday dagaalkii labaad ee duniga Talyaaniga ayaa isku dayay in uu Ethiopia qabsado balse arrintaa waxaa si weyn uga hortagay boqor Haile Selassie oo guul muhiim ah ka gaaray ciidankii talyaaniga taas waxay suuragalisay in Ethiopia ay kabadbaado gumeystaha.

Dhanka kale Liberia waxaa lagu sheegaa in Mareykanka uu aasaasay lana keeni jiray dadka madow ee mareykanka laga soo musaafuriyo si ay halkaa ugu noolaadaan, sanadkii 1847-kii ayaa loo aqoonsaday dowlad rasmi ah. Sidaas ayay Ethiopia iyo Liberia ku noqdeen labo dal ee aan Africa la gumeysan.

Ethiopia waa dal dhaca geeska Africa, dadkiisu waxa uu gaarayaa 111 milyan oo qof  tirakoob lasameeyey ‘ 2021’. Caasimada dalka waa Addis Ababa, waxaana ku nool 5 milyan oo qof, magacii hore ee Ethiopia loogaranayey waxa uu ahaa Abyssinia.

Ethiopia waa dal xiran oo dhinacyada ay ka xiraan lix dal Eritrea, Djibouti, Somalia, Kenya, koofurta Sudan iyo Sudan. Liberia waa dal dhaca galbeedka Africa, waxay xad laleedahay Sierra Leone, Guinea, Cote d’Ivoire iyo badweynta Atlantic. Caasimada Liberia waa Monrovia, guud ahaa dadka ku nool waxay gaarayaan 5.058 milyan.

W.Q: Cali Hilowle

Macluumaad / Xaqiiqooyin ku saabsan dhismaha ugu dheer caalamka



Burj khalifa waa dhismaha ugu dheer caalamka, waxa uu ku yaal magaalada Dubai, dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu ka kooban yahay degaanno, xafiisyo iyo goobo nasiino.

Burj khalifa waxaa leh shirkada hormarinta guryaha ee Emaar. Dhismaha oo ku yaal waddada sheikh Mohamed bin Rashid waxaa naqshadeynta iyo dhismahaba ka qeyb qaatay injineero Mareykan ah oo uu ka midyahay ‘Adrian smith’.

Dhismaha Burj khalifa waxaa ka qeyb qaatay dhismihiisii 12,000 oo shaqaale joogto ahaa iyo 22 milyan oo ah xoogsato saacado lagula heshiiyey, waxaana ku baxay $1.5 bilyan oo dollar.

Ingineeradii hawsha wadaya dhammeynta dhismaha Burji Khalifa wuxuu ku qaatay 5 sano, 8 bilood iyo 25 maalin. Dhismaha Burj khalifa waxa uu bilowday lixdii bishii January  sanadki 2004 waxa uuna soo gabagaboobey bishii October 2009.

Burj khalifa waxaa si rasmi ah loo furay bishii afartii bishii January sanadkii 2010, xafladdii furitaanka waxaa ka qeyb qaatay 10,000 oo qof.

Dhismaha Burj khalifa waxa uu dhulka ka fog yahay 2,722 cag. Taas oo ka dhigeysta dhismaha ugu dheer dunida. Fiidda ugu sarreysa dhismaha Burj khalifa waxaa laga arki karaa fogaan dhan 59 miles.

Dhismaha Burj khalifa waxa uu leeyahay 163 biyaano iyo 57 wiish. Wiishashka Burj khalifa waxay il-biriqsi kasta awoodaan inay  ku gudbiyaan 32 cagood. Dhismaha Burji Khalifa waxa uu leeyahay 24,348 daaqadood.

W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle