Wednesday, May 18, 2022

Arrimaha Bulshada / Dhibaatada laga dhaxlay ciyaal weerada



Muqdisho – Dhowrkii sanno ee ugu dambeeyey, waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay dhallinyaro da’ dhexaad ah oo wata mindiyo, baangado iyo dhallooyin la jibiyey. Dhalinyaradaaa, waxay u abaabulan yihiin koox koox, aad ayay u diyaarsan yihiin marka loo eego sida ay isaga amar qaadanayaan iyo qaabka ay u dhisan yihiin oo qeybo badan oo Muqdisho ah ku sii xoogeysanaya.

Degmooyinka ay ku xoogan yihiin waxaa kamid ah; Wadajir, Kaaraan iyo Dharkeynley. Degmada wadajir oo keliya waxaa ka sameysan in kabadan siddeed koox oo wata magacyo marka aad maqashidba ku argagax galinaya waxaa kamid ah magacyadaas, Ciyaal Dhiijeey, Ciyaal olol, God-godka, Xaawo taako, Citizen, Shataafo, Young boys, Jiiro faras iyo kuwo kale oo badan. Sababta ugu weyn ee magacyadaas ula baxeen waa inay cabsi galiyaan dadka ku nool aagaas.

Inkastoo kooxahan ay wadaagaan dabeecado isku mid ah, hadana koox kasta waxay u howlgashaa si gaar ah, xaafadahana waa ay ku kala xooganyihiin. Mararka qaarkood dhalinyaradaas weerarro xoogan ayay isku qaadaan, iyagoo adeegsanayo dhagxaan, mindiyo iyo biro kale oo ay isku gaarsiiyaan dhaawacyo halis ah.

Arrinta ugu halista badan waa marka la qabto mid kamid ah dhinacyada dagaalama oo kooxdii ka soo horjeeday ay gacanta ku dhigaan, waxay geystaan dhibaatooyin sida inay tinta ka xiiraan, muuqaal ayay ka duubaan waxay ku faafiyaan baraha bushada.

Waxa ugu badan ee dhalinta ku kaliftay inay dhibkan galaan waxaa loo aaneeyaa daroogada ay isticmaalaan. Ganacsada oo ah isha ugu weyn ee dalka wax soo galiya ayaa si weyn uga macaashta dhibaatada ay dhalinyaradan ku kacaan madaama ay isticmaalayaan cirbado, kaniiniyaal iyo waxyaabo kale oo uu jirkoodu la qabsaday.

Ciyaar weerara oo hadda u muuqda inay isku sii beddelayaan tuugo iyo gaan-gis waxay saameyn xooggan ku yeesheen noloshii caadi aheyd ee xaafadaha qaar sida in masaajida lagu dukan kari waayo, suuq-yada qaar inay xirmeen iyo in waalidkii carruurta ay bannaanka wax uga dirsan waayaan.

Tallado

  1. Si looga gudbo dhibaatada ka dhalatay ciyaal weerada, loona ilaaliyo mustaqbalka carruurta ee haadaanta ka sii hoobanaya, waxaa qasab ah in uu dhaco xariir wanaagsan oo dhexmar waalidka iyo carruurta si aan fursad loogu siin ficil qallooca.
  2. In ganacsatada Soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga daroogada iyo waxyaabaha maanka-dooriya.
  3. In Booliska iyo dadka degaanka uu dhexmaro xariir wanaagsan oo lagula soconayo dhaqdhaqaaqa iyo amniga xaafadaha.

Qore: Cali Hilowle

Arrimaha Bulshada / Dhibaatooyinka Muqdisho u gaarka ah


 


MuqdishoShacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadka ku nool Muqdisho waxa ay wajahayaan dhibaatooyin ballaaran oo isugu jira kuwo dabiici ah iyo kuwo aan gacmaheenna ku kasbanay.

Shacabka Muqdisho ku nool lagu qiyaaso saddex milyan oo qof waxay wajahayaan dhibaatooyin badan oo mararka qaarkood ka hor istaaga inay raadsadaan nolol maal-meedkooda.

Saddexda milyan ee Muqdisho ku nool dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira ka sokow waxay wajahaan mushkilado ka dhasha ciidanka hubeysan ee waddooyinka xoogga ku mara.

Dhacdooyinka murugada leh ee laga diiwaan galiyay rasaasta ay xisaab la’aanta u furaan askarta wadooyinka Muqdisho awooda ku mara waxaa kamid ah labo walaalo ah oo lagu dilay isgowska Dabka halka dhacdada kale ee aadka looga murugooday ay aheyd dhakhtar isbitaalka Digfeer ka howgaleysay oo u geeriyootay rasaas haleeshay xilli ay ka rawaxaysy shaqadii ay bulshada u heysay ee caafimaadka.

Dhibaatada kale ee dadka Muqdisho ku nool wajahaan waxaa kamid ah is-rasaaseynta mararka qaar dhax martay ciidanka hubeysan ee isaga hor yimaada isgosyada, ciidanka dalka gaar ahaan booliiska iyo militariga waa kuwa  ugu badan ee israsaaseynta ku dhaxmarto magaalada taas oo keenta inay waxyeelo soo gaarto shacabka ka wadooyinka isticmaalaya.

Dhibaatada kale oo sida gaar ah u saameeya shacabka Muqdisho waa wadooyinka xirma xilliyada madaxdu xafiiska ka soo baxayaan ama ay dhacayaan doorashooyinka, dhamaan isgowsyada Muqdisho ayaa la xiraa marwaliba oo madaxweynaha ama masuul kale oo dowlada xil ka haya uu bannaanka u soo baxayo, xilliyada ay wadooyinka xiranyihiin waxaa dhib ballaaran lagu qabaa gaarida goobaha caafimaadka, goobaha waxbarashada, dadka ballanta lahaa gaar ahaan dadka safarka ah waxaana xilliyada la dareemo dhibaatada ugu badan ee madaxdu sababaan.

Si dhibaatooyinka looga gudbo waxaa qasab ah in hoggaanka dalka la wareegaya uu xisaabta ku darsado magaalada inaysan kaliya ku nooleen isaga iyo inta maamulka la heysa.

Qore: Cali Hilowle