Maxaa tabban ama toggan oo ku jira kororka ku yimid qorida buugaag-ta?
---Buugaagta cusub ee la qorayo---
Qoraalku waa fariinta muujisa jiridda umadd dhaxal leh, waxa uu naga reebaa raad, geesta
kale waxa uu nagu soo simaa keydii wixii dhacay Qarniyo badan ka hor dagaal,
abaaro, iyo barwaaqaba, sababtoo ah qoraa kasta waxa uu wax ka tilmaamaa waxa
jira xilligiisa.
Dhacdooyin iyo Sheekooyin badan oo horey u soo maray bulshadeena
waxay in badan oo ka mid ah nagu soo gaareen qoraal ay sameeyeen qalin maalkeenii
horey u gartay muhiimadda in qoraal wax lagu keydsado.
Qareyaasha ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid yihiin haldoorada bulshada
madaama jiilka dambe ay u dhigaal dhaxal qoran, kaa oo noqda hanti qaran ama
mid si gaar ah u anfaca bulsho.
Qoraaga wanaagsan waa midka dadka aqrista u sawira xaqiiq barax la’
dhnna aan u jan jeerin, akhristahana ka
dhiga qof filin ahaan u daawacaya dhacda ’ qoraalkiisu yahay mid isku
xir xiran oo sadarba sadarka kale kuu dhiibayo adigoo xiiseynaya.
Qiimaha qoraalku qoomiyad ugu fadhiyo soomaalidu waxa ay ku soo
koobtay murtida tiraahda ‘Wixii Qoran baa qarooma haree maxuu hadal qeemo
leyahay’
Waxaa jira caqabado hortaagan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalaalka weyn ugu jira si ay u soo saaraan
buugaag dhaxal u noqda jiilka dambe.
Talo
Si ay dhalinyarada qalin maalka ah u ogaadaan wax yaabaha laga
yaabo inay san u saxneyn waxaa muhiim ah inay la xariiraan kuwii iyaga kaga
horeysay qorida buugta Ama af-yaqaanada.
Haddii ay sidaa sameeyaan dhalintu waxaan heli doonaa qoreyaal magac
iyo maamuus bulshada ku dhex leh, waxay qoraana waxa ay noqonayaan raandhiis
dhigaal gali kara.
Gunaanad
Ma
ahan in aan durayo dhalinta soomaaliyeed ee ka soo weecday wax yaabihii xummaa
ee markii hore looga faa’iideysan jiray sida: dagaaladii wajiyada badnaa ee
nala soo gu tirsaday iyo dib u dhacyadii kale.
Waa wax
lagu faano ama lagu farxo in aan aragto dhalin badan oo ku tar-tameysa qorida
buugaag-ta iyo dhaxal reebka dad kooda.
Da’yartu
waxay mudan yihiin in lagu dhiira-geliyo lagunna taageero hamigooda iyo tiig-sigooda,
laguna kaabo taalooyina ku haboon hawsha ay ku dhaqaaqeen.
Qoraalkan
kooban waa farriin iga timid oo aan ku bogaadinayo in buugg qoridda noo curatay
aan laga dhigin bilow baryo ku eg (Xiiso dhamaada) balse loo arko tallaabo aan
ku tiigsan karno tageeda horey nooga tallaabo qaaday.
Qore:Cali Hilowle
No comments