Lacag waxaa lagu qeexaa dhax-dhaxaadiyaha wax kala badalashadda,
sidoo kale waxaa lagu qeexi karaa cabirka wax lagu qiimeeyo. Ahmed khawanky oo
maadada Financiga ku taqasusay ayaa aaminsan Lacagtu inay tahay mid kamid ah waxyaabihii
ugu muhiim sanaa ee daah-qaaday ilbaxnimada bini’aadam-ka.
Waayadii hore inta aan la aqoon lacagta, ayaa dadku waxay wax kula
badalan jireen badeecada iyadoo qolo walbaa ay badeecad ay isla ogyihiin lagu
jaangoynaye taasoo loo yaqaan (barter),
Sida ka muuqata magaceeda ‘Lacag’ waa waxa kaliya ee laqiimo ah wax
waliba oo dunida yaal ‘lacag oo macneheedo yahay la’eg’
Sida uu qorayo buugga The History of Currency markii ugu
horeysay ee lacagta la isticmaalo waxay aheyd 10,000 oo sano ka hore balse
arintaa kama dhigna in lacagta warqada ah la isticmaalaye
Kahor inta aysan soo bixin lacagta warqada ah iyo midka kale ee
shilinka ah dadku waxay isticmaalijireen hanaan ay isku af-garteen oo ah in
alaabta lasyku badasho tusaale dadka beeraleydo waxay suuqa la’imaan jireen
waxyaabaha beerahooda ka soo go’a si ay ugu badashaan sokorta, dharka ama
waxyaabaha kale ay u baahan yihiin, xoolaleyduna sidaa oo kale ayaa waxa ay heystaan
suuqa u keeni jireen si ay ugu badashaan waxa ay u baahanyihiin Isticmaalka lacagta
in uu xilli dhowr soo gaari Africa gaar ahaa Somalia waxaa muujinayo abwaankii
weynaa ee Ismaacil mire oo darwiish ahaa xilli oo burco xoollo u soo safriye ayay
qoladii dalaaleyda aheyd dhaceyn markaasoo tiriye gabay tuducadiiso ka mid
aheyd ‘
- Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan
sheegto
- iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede
- Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka
isirraa waaye
- Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf
duullaane
- mar uun baan amaamuday waxaan aabahay
faline
halkaa waxaa ka muuqda in uu Abwaan ismaaciil mire oo
dhashay 1882-kii oo san aqoon isticmaalka lacagta xiligaana ay ku cusbeyd
Haatan waxaa inta
badan caalamka laga isticmaalaa lacagta looyaqaano Mobia money taa oo
fududeysay isdhaxgalka bulshuuyinka iyo ka adeegashada suuqyada. Lagacta mobia
money-ka waxaa larumeysan yahay inay soo bilaabatay sanadkii 2000-
@Twitter Alihilowle8
ReplyDeleteWaan kusalaamay wll waxaan kacodsanaayaa in aad qorto macluumaat kusaabsan dalka natherland mahad sanid