Sunday, August 16, 2020

Fadeexaddii Sirdoonka CIA-DA Mareykan-ka ka qabsatay dalka Singapore


Waxaa jira fadeexad caan baxday oo CIA-da Mareykan-ka ka qabsatay dalka yar ee Singapore markii mid kamid ah sirdoonkeedda oo howlo basaasnimo ah ka waday gudaha dalkaas lagu qabtay si kadis ah kadibna lagu xukumay 12-sanno oo xabsi ah.
Washington ayaa markaa iska diiday inay sinnaba ugu lug laheyd Falkaas. Si loogu caddeeyo fadeexada, ayaa Ra'iisul wasaarihii xilligaa ee Singapore Lee Kuan Yew waxaa uu xafiiskiisa isugu yeeray saxaafadda madaxa banaan isaga oo haya dukumentiyo sir ah oo laga helay basaaska CIA-da ee lagu qabtay Singapore, waxa uuna ku goodiyay inuu feylasha saxaafadda horteedda kusoo bandhigi doono hadii Mareykan-ku uusan ka laaban hadalka dafiraadda ah.
Kolkii ay xaaladdu adkaatay, CIA-da ayaa weydiisatay Mr. Lee inuu kusoo wareejiyo maxbuuskooda u xiran- taas badalkeedanna uu qaato lacag dhan 3.3 milyan oo doolar oo si qarsoodi ah loo siin doono. Mr Lee ayaa iska diiday lacagtaas, waxuuna ku tilmaamay ‘Aflagaado iyo bahdil’.
Washington ayaa ku qasbanaatay inay qirato basaaska inuu ka tirsan yahay sirdoonkooda iyo weliba dukumintiyada la hayo, waxaana arintaa qirtay xoghayihii arimaha dibada Mareykanka ee xilligaas Dean Rusk oo warqad raali-galin ah usoo diray Mr Lee isagoo yiri ‘Way adagtahay in lagato damiirka bulsho dhan oo isku xiran’.
Ra'iisul wasaare Lee waxa uu maalintaa jeediyey khudbad weyn oo illaa maanta dhagaha CIA-da ka sii qeylineysa waxa uuna yiri 'Mareykanku waa inuu fahmaa nuuca dadka uu la macaamilayo ee jooga Singapre, dalkan madaxdiisu ma ahan sida 'Ngo Dinh Diem-Fiitnaam ama 'Syngman Rhee'-koonfur kuuriya. Dalkanina ma ahan iib'. intaa wixii ka dambeeyey dunidu waxay Lee u aqoonsatay Aabaha Singapore.
Singapore waxay tirsiga dalalka ugu dhulalka waaweyn dunida kaga jirtaa booska 177-aad. Sannadkii 1960-kii Singapore waxay aheyd magaalada qaska iyo fowdada, bulshada ku noolna waxay badigood ku sugnaayeen jahli, faqri iyo musuq. balse sannadkii 1965-kii ayaa wax walba waxay isku baddeleen geesta kale. sannadkaa ayaana loo aqoonsaday bilowga taariikhda casriga ee Singapore.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii Cali Hilowle 

@Alihilowle8

Thursday, July 23, 2020

History of Jalalaqsi ‘my town’







Jalalaqsi is the southernmost district of Hiiraan Region. It is located Downstream of Buulo-Barde. The inhabitants of this district are mainly Agro-pastoralists who commonly grow cereals and sesame through Pumped irrigation. In this area, sand dunes are common and encroach
On the flood plain to the east. Sand dunes limit expansion of the flood plain and the mobile sections of the Dunes pose risks to the flood plain cultivated areas of Shug and mool-xunboy.
Farming activities on both sides of the river are limited and seem to be pushed down by the sand dunes. Jalalaqsi town started as a tiny village occupied by agro pastoralists.
In the late 1970s many Somalia refugees ‘Ogaden clan’ were resettled in the town. In 1985, a bridge was constructed on the main road linking the East and west parts of the town. After the Somalia from Ethiopian refugees returned home, the population and economic activities of the town increase significantly.  This area rarely floods because the surrounding area has higher elevation than the river valley. The crops in this section are vast and comprise mainly of expansive cereal Fields. The flood plain of the Shabelle River around Jalalaqsi town is narrow. The area extending beyond the flood plain rises above the river valley. Irrigated agriculture in the area is only possible through use of pumps. Small hills exist in the area, as can be seen marked by the dense contours upstream of section B-B’ but the slopes are gentle in many parts of Jalalaqsi. 
This bridge connects the two parts of Jalalaqsi and to the north-eastern part of the country.

The earth road leading to the town may be a challenge to motorists during wet seasons Jalalaqsi experiences eight dry months with mean monthly rainfall of 10 mm or less. The only wet months are April and May with mean monthly rainfall amounting to 71 mm and 75 mm respectively, then October and November where the average monthly rainfall measures 88 mm and 51 mm respectively. Mean daily temperatures are high, above 210C throughout the year.
Shallow wells dominate the strategic point water sources found in Jalalaqsi. Most of the shallow wells are located some distance away from the river, implying that majority of the population living along the river rely on water directly from the river. Boreholes are not very common in this area.


-Ali Abdulle Hilowle
-Twitter/Alihilowle8

Wednesday, July 22, 2020

Warbixin: Xariirka ka dhaxeeya Siyaasada Soomaaliya iyo Social Media-ah'



Waxaynu Ku Nool Nahay Duni Ay Tiknoolajiyaduu Badashay Habkay Dadku U wada Xidhiidhaan.
Shabakadaha Bulshaduu ay Fariimaha iskugu Gudbiyaan sida Facebook, iyo Twitter,  ayaa ah Kuwo isku xidhay Malaayiin Qof Oo Dunida Dacaladeeda kala Jooga.
Kuwaas oo sahlay in si Fudud Loo wadaago, Loona Ogaado waxyaabaha Dunida ka socda, Ama Ka Dhaca.
Sida inaad Fariin ka dirto Mobile-Kaaga, ama aad War-Bixin ku Qorto, Wajahada Hore ee kuu Gaarka ah, kuwaad ugu Jeceshahay Baraha Bulshada, si aad asxaabtaada ugu sheegto Xaaladaada, uguna Gudbiso, Aragtidaada, ulana wadaagto waxyaabaha aad qabanayso Noloshaada.
Baraha Bulshaduu waxay u sahleen dadka, inay taleefan u diraan Ehelkooda ka fog, Taas oo lacag qiimeheedu aad u hoosayso kaga baxdo, dadkuna ay kaga raysteen shirkadihii isgaadh-siinta oo iyaguu qaadan jiray lacag qadarkeedu aad u sarayso Marka la bar bar dhigo.
Waxa Intaa Dheer, Baraha bulshaduu waxay Fududeeyeen inaad Barato Asxaab badan oo dunida dacaladeeda kala joogta.
Maalinba Maalinta Ka Dambaysa waxaa badanaysa Tirada Dadka isticmaala Baraha bulshada, Aad baanay u sii kordhaysa, waxaa taa ka maqnayn in ay jirto Casriyeyn lagu sameynayo Baraha Bulshada, si ay dadku ugu isticmaalaan si fudud, ugalana kulmaan waxyaabo cusub
Malaayiin Qof ayaa Hada isticmaala, Waxaanay leeyihiin Qolol u gaara, oo ay Asxaabtooda kula wadaagaan, Muuqaalo, Sawiro, Qoraalo, Aragtiyo, iyo Waxyaabahay qabanayaan Noloshooda.
Waxa Jira Dad badan oo dunida Magac ku yeeshay, Baraha Bulshada owgood, sida dad iyaguu aan Caan ahayn markii Hore, Balse Horumar ay ku sameeyeen habka ay wax u soo gudbiyaan Baraha bulshada ay raali galisay dad badan, una sahashay inay ku xidhnaadaan barohooda, Kumanaan-Kun Qof oo dad ah,  oo Xiiseeyaana.
Waxa iyaguna Jira boqolaal kun, oo Qof oo ku Xiran Bogoga Baraha Bulshada ,ku waas oo la socda, warbixinada ay boga-gaasi soo gudbiyaan, sidoo kale waxa jira iyaguna Boqolaal kale oo ku xidhan, Dad caan ka ah dunida, oo la socda waxyaabaha ay dadkaas caanka ahi qabanayaan.
Dhanka Soomaaliya isticmaalka baraha bulshada waxa uu soo xoogeystay 10-kii sanno ee ugu dambeye dadku waxay ku wadaagaan aragtiyada iyo macluumaadka laxariiro deegaanadooda.
Barah bulshadu waxay dowr weyn ku leeyihiin jaanjownta iyo habsami socodka siyaasada Soomaaliya. Waxaa jira dhalin badan oo xukumka markaa dalka ka jirada ku difaaca baraha bulasha iyo koox kale oo mucaaradnimadooda u adeegsado social media.
Waxaa si cad loogu baahiyaa qoraalo lagu difaacayo qoryashaan dowlada iyo kuwo lagu dhaliilayo oo ay isweedaarsanayaan dhinacyada siyaadada ku kala aragti duwan.
Soomaaliya isticmaalka Baraha bulshada waxaa dhanka kale loo adeegsadaa sumcad dilka siyaasiinta iyo dadka bulshada magaca ku dhax leh. waxaa dhacda in lagu gudbiyo macluumaad aan sax aheyn ama kala dhiman iyo hadalo la jar jaray oo qaab kale loo rogay.
Inkastoo ay jiraan dhaliilo loojeedinayo qaabka ay isku saameeyaan baraha bulshada iyo siyaasada Soomaaliya hadane waxaa jira waaya joog badan oo aan arintaa dhib u arkin iyagoo barbar dhigaya xilli dadka aragtida siyaasada ku kala duwan ay isku adeegsan jireen hub si ay u kala guuleystaan.

Qoray: Ali Abdulle Hilowle
Twitter/@Alihilowle8
calikaafi9@gmail.com

Thursday, June 25, 2020

‘Ilaalinta ballanta iyo muhiimadda ay bini-aadamka u leedahay’




Ilaalinta ballantu waa lagama maarmaan. Waa arrin la isku raacsanyahay oo la wada ogolyahay goob kasta iyo dhaqan walba oo adduunka ka jira. Si dadku ugu wada shaqeeyaan si hagaagsan oo meelmar ah, waxaa lamahuraan ah in la ilaaliyo balanta. Ballanta la ilaaliyaa waxay keentaa in dadku isaaminaan, isku tiirsanaadaan oo ay kalsooni badan isku qabaan. Ilaalinta ballantu waxay kale oo ay kor u qaaddaa niyad samaanta, waxayna dhiirigelisaa isku tiirsanaanta iyo firfircoonida, Faa’iidooyinka iyo waxtarka  ballanta la oofiyaa waa wax aad u ballaaran, mudanna in la aqoonsado oo tixgalin weyn la siiyo. Oofinta iyo ilaalinta ballanta si weyn ayaa loogu xusay diinta Islaamka. Aayaad iyo axaadiis badan ayaa ku soo arooray arrintaa. Aayadda caanka ah ee ku bilaabata: Wa uufuu bil cahdi innal cahda kaana masuulaa iyo xadiiska sida weyn loo xigto ee isna ku bilaama: Kulukum raacin wa kulum mas’uul can raaciyatihi ayaan ka bid ah naska faraha badan ee ina faraya inoona  muujinaya sida lagamaarmaanka ay u tahay ilaalinta iyo oofinta ballantu.
Kolkaa waa caddahay wax mugti ahina kuma jiro in ilaalinta ballantu ay tahay masuuliyad muhiim ah oo xisaabtan iyo isweydiin ka imaan karaan haddii la dayaco ifka iyo aakhiro labadaba. Aayadda iyo xadiiska  kor lagu xusay waxay muujinayaan in ciqaab iyo caro Ilaahay ka dhalan karaan haddii la dayaco ballanta. Waayo waa gaf weyn oo la mid ah gafafka iyo dambiyada ka dhalan kara kolka la gudan waayo waajibaayada diinta Islaamka saldhigga u ah oo ay ugu horreeyaan salaadda iyo soonku. Waxaa haddaba  la isweydiin karaa  arrinta culayskaa iyo muhiimaddaa leh ma la fududaysan karaa ama ma  la dhayalsan karaa? Jawaabtu waa maya. Qofku markuu ballanta dayaco ama oofin waayo iyadoo aanu hayn cudurdaar la qaadan karo, waxaa la aamini karaa ama la fahmi karaa in qofkaasi yahay qof aan la isku hallayn karin. Waxaa loo fahmi karaa qof aan tixgelin iyo qadarin muujin.  Qof aan garwaaqsanayn dhibaalka uu geystey. Kalsoonidii ayaa meesha ka baxaysa. Aaminaadda, tixgelinta, wada shaqaynta iyo wanaag kale oo badan oo dadka isku soo dhaweeya ayaa wiiqmi kara. Isjecleysiiya ayaa yaraanaya ama la waayi karaa. Isnacayb, kala didid, kala dudid iyo waxyaabo kale oo taban ayaa kaalin weyn ka geli kara xiriirka dadka u dhaxeeya. Waxyaabahaasi ma aha kuwo la doono ama lagu dadaalo inay meesha yimaadaan.
kulan kasto oo ay dad Soomaaliyeed iskugu yimaadaan hadalka ugu horeyo ee lagu furo waa raali galin ah ‘waqtigii aan ugu tala galnay in aan bilowno waan ka dib dhacnay hanalaga raali ahaado ama aan si kale u dhehee ‘dadka waqtiga dheer inoo fadhiyey waxaan ka raalli galineynaa dib u dhaca naqabsaday’. waxaa astaan ama hal-qabsi noo noqotay waqtiga lagu ballamiyo saacad ayaa dib looga dhacaa, oo la macno ah saacaddii lagu ballamiyey midda ka dambeyso tag. waa dardaaranka inta badan ay dadku kuu sheegayaan marka aad wargeliso in aad ballan leedahay. waa dhaqan rogan oo ku faafay dhaxdeenna.
Tusaale ahaan xafladdii ugu dambeyse ee aan ka qeyb galay waxay aheyd xaflad aflixid arday, waxaa la i soo gaarsiiyay warqaddii casuumaadda ‘Invitation’ oo ay ku qoran tahay 8:00am inay bilaabaneyso howlsha meesha loo tagayo balse waxaa labilaabay 10:19am iyadoo weli dadkii la filayey inay meesha ka hadlaan qaarkood ay maqanyihiin.
Waxaan si cad ugu xad-gudubnay diinteenna oo meel weyn ka istaagtay illaalinta ballamaha. dabeecad ayaana ka dhiganey dhaqankan.

waxaa qoray Cali Hilowle, kala xariir
Calikaafi9@gmail.com
Twitter@Alihilowle8

Wednesday, February 12, 2020

Xaqiiqooyin ku saabsan dagaaladii 1aad iyo 2aad ee dunida


Dunida waxaa soo maray dagaallo kale duwan, kuwo u dhaxeeyay qoomiyado, kuwo u dhaxeeyay boqortooyooyin, iyo kuwo dowlado u dhaxeeyay. Kuwii ugu saameynta badnaa waxaa ka mid ah labadii dagaal ee dunida; kii 1-aad iyo kii labaad.
Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay maadaama dagaallo kala duwan ay dunida soo mareen maxay tahay sababta labaadaasi dagaal u qaateen magacyada dagaalkii 1aad iyo midkii 2aad?
Tan koowaad: dagaaladaasi waxaa la sheegaa inay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee bini’aadamku isku laayaan tiknoolajiyad ay iyagu sameysteen, hubka noocyadiisa kala duwan, sababtaasi ayay u qaateen magacyada dagaalkii koowaad iyo kii labaad.
Sababta labaad ee taariikhyahannadu sheegaan in magacyadaas lagu  siiyay waxay u cuskadeen inay dagaaladaasi ka gudbeen goobihii ay ka billowdeen oo ay ku faafeen deegaano fog fog. Tusaale dagaalka waxa uu ka billowday qaaradda Europe kaddib waxa uu ku faafay Asia iyo Afrika, waxaana ugu danbeyn uu gaaray qaarada Ameerika, taasina waa sababta labaad ee taariikhahannadu sheegaan in dagaaladaasi ay ku qaateen magacyada loo yaqaan.
Dagaalkii 1aad ee dunida oo dhacay 1914-kii waxaa lagu sheegaa sababtii ugu weyneyd ee uu ku billowday dil loo geystay Amiir katirsanaa boqortooyadii Austria, Franz Ferdinand oo lagu dilay magaalada Sarajevo caasimadda  Bosnia, 28 June 1914-kii. Dilkaasi waxaa lagu eedeeyay Serbia. Boqortooyadii Austria ayaana weerar aargoosi ah ku qaaday Serbia sidaa ayuuna ku billowday dagaalkii koowaad.
Dagaalka waxaa galay laba xulafo oo kala duwan, waxaana kala hoggaaminayay Jarmalka iyo Ingiriiska. Afar sanno oo uu socday waxuu dhaliyey khasaaro naf iyo hanti leh,  waxaa dheeraa siyaasadda oo lagu kala foggaaday. Tusaale ahaan, khasaarihii nafeed ee uu horseeday dagaalka waxaa la wariyaa dalka Belgium-ka in sedddex maalin oo qura lagu dilay 11kun oo ruux, sidoo kale, waxaa ka dhacay barakac aad u xooggan oo qaaradda Yurub oo dhan saameeyey. Dhanka siyaasadda dowladii weyneyd ee Jarmalka ayaa ku jabtay.
Markii uu soo idlaaday dagaalkii 1aad waxaa la sameeyay midow urur 1919-kii, ujeedada ugu weyn ee loo sameeyay ayaa ahayd in uu ka hortago  in uusan dhicin dagaal labaad balse nasiib darro mar labaad ayuu dagaal dhacay, waa dagaalkii labaad ee dunida oo socday intii u dhaxeysay 1937 illaa 1945-tii, dagaalkaasi labaad waxaa la sheegaa in uu faa’iido wayn u ahaa qaaradda Afrika oo xilligaa ku jirtay gumeysi, dadkii Afrika laga qaaday ee dagaalka ka qeyb galay markii ay ku soo laabteen dalalkooda waxay bilaabeen dagaallo ay uga soo horjeedaan gumeystaha heysta dalalkooda.
Afrika-da madow dalkii ugu horreeyey ee xurnimo qaata wuxuu ahaa Ghana sannadkii 1957-kii. wixii ka dambeeyay dalal badan oo Afrikaan ah ayaa madax-banaani helay. Dagaalkii labaad ee dunida dhibaatooyinka ka dhashay ee aan la hilmaami doonin waxaa kamid ah ‘Dhalashadii Israel ee bariga dhexe, soo ifbaxii dagaalkii qaboobaa, qeyb-sankii Jarmalka ee darbigii Berlin,  dowladihii dagaalka ku guuleystay oo yeeshay codka qayaxan iyo aas-aaskii Qaramada Midoobay sannadkii 1945-tii.
W/Q: Cali Cabdulle Hillowle

Saturday, February 8, 2020

Taariiq-da iyo heerarka lacagta



Lacag waxaa lagu qeexaa dhax-dhaxaadiyaha wax kala badalashadda, sidoo kale waxaa lagu qeexi karaa cabirka wax lagu qiimeeyo. Ahmed khawanky oo maadada Financiga ku taqasusay ayaa aaminsan Lacagtu inay tahay mid kamid ah waxyaabihii ugu muhiim sanaa ee daah-qaaday ilbaxnimada bini’aadam-ka.
Waayadii hore inta aan la aqoon lacagta, ayaa dadku waxay wax kula badalan jireen badeecada iyadoo qolo walbaa ay badeecad ay isla ogyihiin lagu jaangoynaye taasoo loo yaqaan (barter),
Sida ka muuqata magaceeda ‘Lacag’ waa waxa kaliya ee laqiimo ah wax waliba oo dunida yaal ‘lacag oo macneheedo yahay la’eg’
Sida uu qorayo buugga The History of Currency markii ugu horeysay ee lacagta la isticmaalo waxay aheyd 10,000 oo sano ka hore balse arintaa kama dhigna in lacagta warqada ah la isticmaalaye
Kahor inta aysan soo bixin lacagta warqada ah iyo midka kale ee shilinka ah dadku waxay isticmaalijireen hanaan ay isku af-garteen oo ah in alaabta lasyku badasho tusaale dadka beeraleydo waxay suuqa la’imaan jireen waxyaabaha beerahooda ka soo go’a si ay ugu badashaan sokorta, dharka ama waxyaabaha kale ay u baahan yihiin, xoolaleyduna sidaa oo kale ayaa waxa ay heystaan suuqa u keeni jireen si ay ugu badashaan waxa ay u baahanyihiin Isticmaalka lacagta in uu xilli dhowr soo gaari Africa gaar ahaa Somalia waxaa muujinayo abwaankii weynaa ee Ismaacil mire oo darwiish ahaa xilli oo burco xoollo u soo safriye ayay qoladii dalaaleyda aheyd dhaceyn markaasoo tiriye gabay tuducadiiso ka mid aheyd ‘
  • Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto
  • iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede
  • Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye
  • Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane
  • mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline
halkaa waxaa ka muuqda in uu Abwaan ismaaciil mire oo dhashay 1882-kii oo san aqoon isticmaalka lacagta xiligaana ay ku cusbeyd
Haatan waxaa inta badan caalamka laga isticmaalaa lacagta looyaqaano Mobia money taa oo fududeysay isdhaxgalka bulshuuyinka iyo ka adeegashada suuqyada. Lagacta mobia money-ka waxaa larumeysan yahay inay soo bilaabatay sanadkii 2000-


Calikaafi9@gmail.com
@Twitter Alihilowle8

Saturday, January 18, 2020

Taariiq nololeedka haweeneyda madaxda ka ah Taiwan Tsai ing-wen



Tsai ing-wen waxa ay dhalatay 31 August 1956-kii waxaa siyaasiyad iyo Profossor hogaamisa jaziirada Taiwan tan iyo 20 may 2016-ka waxa ay noqoneysaa haweeyendii ugu horeysay ee qabata xilka ugu sareysa Taiwan.
Tsi waxay noqoneysaa madaxweynihii todobaad ee Jaziirada Taiwan iyo hogaamiyihii labaad ee xisbiga DPP, waxay noqotay hogaamiyaha xisbiga 2008-illaa 2012-ka markaa oo ay ku guuleysatay xilka madaxweynah 2012- iyo 2016-kii  haatan ayay ku guuelystay markeedii labaad xilka madxweynah 11 January 2020-ka
Tsai waxay baratay sharciga iyo gacansiga caalamiga ha, waxayna noqotay professor sharciga ka dhiga jaamacada Soochow
Markii uu xilka madaxweynah qabtay Chen shui-bian sanadkii 2000 Tsai waxay noqotay wasiirka arimaga dibada
Tsai waxay u tartantay godoomiyaha magaalada Taipei bishii November 2010 balse xilkaa waxaa uga guulestay Eric chu 
2016-ka tsi waxay noqotay haweeneydii ugu horeysya oo u tartanta xilka madaxweyna jaziirada  iyadoo markale dib u heshay xilkaa

Macluumaad kooban oo ku saabsan Taiwan


Taiwan ma ahan dowlada caalaku uu si buuxda u aqoonsan yahay inkasta oo ay jiraan dowalado sidii dowlada buuxda oo kale ula falgala, waxayna hoos tagtaa China, bariga Asia ayuu ku yaal Taiwan dhanka waqooyi galbeed waxaa ka jira China, Japan ayaa ka xiga dhanka Waqooyi bari halka Philippe ay ka jirto dhanka Koofureed,
Jasiirada Taiwan cabirka ay ku fadhiso waa 35,808km2. Caasimada Taiwan waa Taipei  halka dadka ku nool Taiwan ay gaarayaan 23.7M
Jaziirada Taiwan kama tirsano dowlada xubinta ka ah QM. 193-dowladood ee QM xubnaha ka ah 14-kamid ah ayaa Taiwan u aqoonsan dowlada rasmi ah. Jaziiradan waxay xubin ka tahay ururo ganacsi oo ay ka midyihiin ‘World Trade organization, Asia Pacific Economic iyo Asian Development Bank. Xisbiga xariirka la leh chine ee ka dhisan Taiwan halkaa aad loogama celyo waana taa mid keentay inay doorashada kuraas yar ku yeeshaan. Jaziiradan waxaa gumeysan jiray Japan ilaa 1945-kii

Dhanka doorashooyinka  

Sida caadiga ah Taiwan waxaa ka qabsooma 11-doorasho oo kala duwan tan iyo 2012-kii. Waxaan looqeybiyaa doorashada guud iyo mid deegaanada, doorashooyinkaa waxay dhacaan afartii sanaba mar.
Doorashada guud waa mid lagu soo doorto madaxweynah, ku xigeenkiisa iyo golaha baarlamaan-ka oo gaaraya 113-xubnood halka doorashada godaha lagu soo xusho madaxda gobolada gudoomiyaasha magaalooyinka iyo Madaxda deegaabka
Doorashada sida sharciga Twania oo qorayo waxaa madax ka ah gudiga doorashooyinka oo magacooda loosoo gaabiyo ‘CEC’ da’da ugu yar ee qofku uu ku codeen karo waa 20-sanno. Codeeyaha ayaa looga baahan yahay in uu buuxiyo shuruudaha daganaashiyahay ka hor afar bilood doorashada si uu u helo warqada cod bixinta  
Doorashadii ugu horeyse ee lagu qabtay Taiwan waxaa qabtay gumeysigii Japan 22 November 1935-kii
Xiligaa shuruudo adag ayaa ku xirnaa doorashada, 25-sanno qof ka yar looma ongoleen in uu codeeyo iyo in uu bixiyo canshuurta shansanno, xiligaa codeynta waxaa ka qeyb qaatay 28,000 oo ruux halka dirada guud ee shacabta teywaan ay ahaayeen 4-Milliom-oo ruux
Doorashadii labaad waxay dhacaday 1939- balse 1943- ayaa la cancelled sabab laxariirto dagaalkii labaad ee duniga oo xiligaa looga guuleystay Japan oo Twain xiligaa gumeysanaye
si aad uga codeyso Taiwan waxaa qasab kugu ah in aad heysato dhalashada dalka China, da’daadana ay ka weyntahay 20-sanno
doorashada madaxweynah qofka ka qeyb qaadanayo waxaa waajib ku ah in uu Taiwan ku noolaa lix bil oo xariir ah ama in kabadan.
Doorashda deegaanka qofka ka qeyb qaadanayo isna waxaa qasab ku ah in uu deegaanka uu ka codeynayo uu ku noolaa 4-bilood oo xariir ah ama in kabadan

Thursday, January 9, 2020

Taariiq noloneedka madaxweynaha cusub ee Croatia



Zoran milanovic waxa uu dhay 30 october 1966-kii waa madaxweynaha ladoortay, xilka ayuu lawareegayaa 19-February 2020-ka, waxa uu sooqabtay xilka rasulwasaaraha intii u dhaxeysay bishii December 2011-ka ilaa January 2016-ka. Waa hogaamiyaha xisbiga ‘Social democratic party ‘oo ah xisbi bidix dhexe.
Zoran milanovic waxa uu noqonayaa madaxweynihii shanaad ee Croatia isagoo ka guuleystay Kolinda Grabar-kitarovic oo ah madaxweynaha xilka ka sii dageysa.
Markii uu ka qalin jabiye jaamacada Zagreb qeybta Law-ga Milanovic waxa uu noqday wasiirka arimada dibada, lataliyaha Croatia ee midowga Europea iyo NATO 1996-99-kii
Xisbiga uu haatan hogaamiyo ee bidix dhexe waxa uu ku biiray 1998.  2007-ayaa loodoortay hogaamiyaha xisbiga SDP kadib geeri ku timid hogaamiyihii waqtiga dheer horboodaye xisbigaa ahaane rasulwasaare Ivica Racan.
Doorashadii 2011-ka ayuu xisbigiisu ku guuleystay kuraasta ugu badan ee parlamaan-ka taa oo keentay Milanovic in uu noqdo Rasul-wasaaraha Croatia
17-June 2019-kii Milanoiv waxa uu shaaciye in uu u tartami doono xilka madaxweynaha Croatia isagoo matalaya xisbiga Social Democratic party. Ugu dambeyntiina doorashadii ayuu ku guuleystay isagoo helay wareega koobaad 29.55% wareegii koobaad ee doorashada halka wareegii labaad oo helay 52.67%.
Zoran milanovic ayaa taariiq ka dhigay dalkaa kadib markii uu noqday musharixii 2-baad ee ka guuleystay madaxweyne u tartamaya wareegii labaad ee doorashada
Aabihiis Stipe Milanovic waxa uu ahaa dhaqaali yahay halka hooyadii ay tahay macalimad dhigtay luqadaha ‘English-ka iyo Germal-ka Milanovic asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa Bosnia Herzegovina
Milanovic ayaa goorsaday Snaja Music 1994-kii waxayna leeyihiin labo wiil Ante Jokov iyo Marko