Friday, December 3, 2021

MACLUUMAAD KU SAABSAN BADAHA CAALAMKA



Bad waa dhul weyn oo ay biyo dhanaan ku jiraan. Badahu waxa ay ku fadhiyaan 70% oogada dhulka, waxaa ku nool inta og yahay 200,000 oo noole ah.

Magaca Bad waxa laga soo qaatay luqada giriiga. Waxaa caalamka ka jira shan Bad oo kala waaweyn, waxay kalayihiin:

  • Pacific Ocean
  • Atlantic Ocean
  • Indian Ocean
  • Southern Ocean
  • Arctic Ocean

Pacific Ocean

Waa badda ugu weyn caalamka waxay gaareysaa 168,723,000 km2. Pacific Ocean waxay kala qeybisaa qaaradaha Asia, Australia iyo koofurta America, baddan waxaa kuyaal dhulka ugu godsan dunida.

   Atlantic Ocean

Cabbirka  Badda Atlantic  waxa uu gaarayaa 85,133,000 km2. Waxay kala qeybisaa qaarada America, Europe iyo Africa.

The Indian Ocean

Badda weynta Indian cabbirkeedu waxa uu gaarayaa 70,560,000 km2. Waxay kala qeybisaa qaaradaha Africa, Asia iyo Australia. Waa badda ugu diiran badaha caalam-ka

The Southern Ocean

Badda koofurta marka la barbar dhigo badaha kale aad ayay u yartahay badda Southern Ocean cabbirkeedu waxa uu gaarayaa 21,960,000 km2.

The Arctic Ocean

Badda Arctic Ocean waa badda ugu yar badaha cabbirkeedu waxa uu gaarayaa 15,558,000 km2. Arctic Ocean waa halka ay ku noolyihiin nibiriyada ugu badan.

W.Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

No comments:

Post a Comment