Saturday, December 18, 2021

Macluumaad / Labo dal oo African ah oo weligood aan la gumeysan



Waxaa jira labo dal oo Africa ah oo loo diiwaan galiyay in aan weligood la gumeysan, Ethiopia iyo Liberia. Inkastoo waqti kooban dalal ajnabi ah isku dayeen inay saameyn ku yeeshaan, haddana dalal waxay noqdeen labada keliya ee Africa ku yaal ee ka badbaaday gumeystaha.

Intii u dhaxeyse 1890 illaa 1914 waxaa jirtay qaacido caan ah oo loo yaqaanay boobkii Africa taas oo sababtay in si dhaqso ah dalalka Africa dowladaha Europe ay u qabsadaan. 1914-kii 90% Africa waxay ku jirtay gacanta gumeystaha Europe. Inkastoo dalalka Ethiopia iyo Liberia ay ka badbaadeen gumeystahaa.

Intii uu socday dagaalkii labaad ee duniga Talyaaniga ayaa isku dayay in uu Ethiopia qabsado balse arrintaa waxaa si weyn uga hortagay boqor Haile Selassie oo guul muhiim ah ka gaaray ciidankii talyaaniga taas waxay suuragalisay in Ethiopia ay kabadbaado gumeystaha.

Dhanka kale Liberia waxaa lagu sheegaa in Mareykanka uu aasaasay lana keeni jiray dadka madow ee mareykanka laga soo musaafuriyo si ay halkaa ugu noolaadaan, sanadkii 1847-kii ayaa loo aqoonsaday dowlad rasmi ah. Sidaas ayay Ethiopia iyo Liberia ku noqdeen labo dal ee aan Africa la gumeysan.

Ethiopia waa dal dhaca geeska Africa, dadkiisu waxa uu gaarayaa 111 milyan oo qof  tirakoob lasameeyey ‘ 2021’. Caasimada dalka waa Addis Ababa, waxaana ku nool 5 milyan oo qof, magacii hore ee Ethiopia loogaranayey waxa uu ahaa Abyssinia.

Ethiopia waa dal xiran oo dhinacyada ay ka xiraan lix dal Eritrea, Djibouti, Somalia, Kenya, koofurta Sudan iyo Sudan. Liberia waa dal dhaca galbeedka Africa, waxay xad laleedahay Sierra Leone, Guinea, Cote d’Ivoire iyo badweynta Atlantic. Caasimada Liberia waa Monrovia, guud ahaa dadka ku nool waxay gaarayaan 5.058 milyan.

W.Q: Cali Hilowle

Macluumaad / Xaqiiqooyin ku saabsan dhismaha ugu dheer caalamka



Burj khalifa waa dhismaha ugu dheer caalamka, waxa uu ku yaal magaalada Dubai, dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu ka kooban yahay degaanno, xafiisyo iyo goobo nasiino.

Burj khalifa waxaa leh shirkada hormarinta guryaha ee Emaar. Dhismaha oo ku yaal waddada sheikh Mohamed bin Rashid waxaa naqshadeynta iyo dhismahaba ka qeyb qaatay injineero Mareykan ah oo uu ka midyahay ‘Adrian smith’.

Dhismaha Burj khalifa waxaa ka qeyb qaatay dhismihiisii 12,000 oo shaqaale joogto ahaa iyo 22 milyan oo ah xoogsato saacado lagula heshiiyey, waxaana ku baxay $1.5 bilyan oo dollar.

Ingineeradii hawsha wadaya dhammeynta dhismaha Burji Khalifa wuxuu ku qaatay 5 sano, 8 bilood iyo 25 maalin. Dhismaha Burj khalifa waxa uu bilowday lixdii bishii January  sanadki 2004 waxa uuna soo gabagaboobey bishii October 2009.

Burj khalifa waxaa si rasmi ah loo furay bishii afartii bishii January sanadkii 2010, xafladdii furitaanka waxaa ka qeyb qaatay 10,000 oo qof.

Dhismaha Burj khalifa waxa uu dhulka ka fog yahay 2,722 cag. Taas oo ka dhigeysta dhismaha ugu dheer dunida. Fiidda ugu sarreysa dhismaha Burj khalifa waxaa laga arki karaa fogaan dhan 59 miles.

Dhismaha Burj khalifa waxa uu leeyahay 163 biyaano iyo 57 wiish. Wiishashka Burj khalifa waxay il-biriqsi kasta awoodaan inay  ku gudbiyaan 32 cagood. Dhismaha Burji Khalifa waxa uu leeyahay 24,348 daaqadood.

W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

Friday, December 3, 2021

MACLUUMAAD KU SAABSAN BADAHA CAALAMKA



Bad waa dhul weyn oo ay biyo dhanaan ku jiraan. Badahu waxa ay ku fadhiyaan 70% oogada dhulka, waxaa ku nool inta og yahay 200,000 oo noole ah.

Magaca Bad waxa laga soo qaatay luqada giriiga. Waxaa caalamka ka jira shan Bad oo kala waaweyn, waxay kalayihiin:

  • Pacific Ocean
  • Atlantic Ocean
  • Indian Ocean
  • Southern Ocean
  • Arctic Ocean

Pacific Ocean

Waa badda ugu weyn caalamka waxay gaareysaa 168,723,000 km2. Pacific Ocean waxay kala qeybisaa qaaradaha Asia, Australia iyo koofurta America, baddan waxaa kuyaal dhulka ugu godsan dunida.

   Atlantic Ocean

Cabbirka  Badda Atlantic  waxa uu gaarayaa 85,133,000 km2. Waxay kala qeybisaa qaarada America, Europe iyo Africa.

The Indian Ocean

Badda weynta Indian cabbirkeedu waxa uu gaarayaa 70,560,000 km2. Waxay kala qeybisaa qaaradaha Africa, Asia iyo Australia. Waa badda ugu diiran badaha caalam-ka

The Southern Ocean

Badda koofurta marka la barbar dhigo badaha kale aad ayay u yartahay badda Southern Ocean cabbirkeedu waxa uu gaarayaa 21,960,000 km2.

The Arctic Ocean

Badda Arctic Ocean waa badda ugu yar badaha cabbirkeedu waxa uu gaarayaa 15,558,000 km2. Arctic Ocean waa halka ay ku noolyihiin nibiriyada ugu badan.

W.Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

Tuesday, November 30, 2021

Macluumaad / Macluumaad ku saabsan dalka Africa ugu dhulka weyn Algeria

 


Dalka Algeria oo dhaca waqooyiga Africa waa dalka ugu  dhulka weyn Africa waxa ku dherersan badda Mediterranean-ka iyo Saxaraha Africa.

Algeria waxa uu leeyahay xaduud 2 million km2 ah oo ku dherersan dalalka Mali, Niger, Libya, Tunisia, Morocco iyo Mauritania, Algeria waxa uu shanjeer ka dhulwayn yahay dalka Spain.

Dalka Algeria waxa uu leeyahay saharaha ugu kulul caalam-ka, 80% dalka Algeria waa saxaro dherer ahaan gaaraya 1,905,392 km2.

Xayawaanada uu caanka ku yahay dalkan waxaa ka mid ah Dawacada cad, dawacada nuucan ah waxaa laga helaa saxaraha Algeria iyo gacan-ka Sinai ee Masar. Culeyskeedu wuxuu u dhaxeeyaa 1.5 Ilaa 2 kg.

Algeria waxaa ku yaal masjidka Djamaa El Djazair, Masjidka oo ku yaal gobolka Mascara waa masjidka sadaxaad ee dunida ugu weyn iyo mid kamid ah masaajida ugu minaarada dheer caalamka. 

Dadka Algerian-ka waxay caan ku yihiin soo dhaweynta iyo marti soorka, waxyaabaha ugu horreeya ee qofka martida ah lagu soo dhaweeyo dalka Algeria waa shaaha oo cabbidiisu ay caan katahay.

Saxaraha Algeria xayawaanada uu caanka ku yahay waxaa kamid ah shabeelka. Sanadkii 2015 cilmibaaris la sameeyay ayaa muujineysa 250 kamid ah shabeelka saxaraha ku nool in uu ku suganyahay saharah Algeria.

W.Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

Sunday, November 28, 2021

Taariiqda Haweeneydii ugu horreysay ee dal african ah madaxweyne loogu doortay

 


Ellen Johnson sirleaf waa madaxweynihii 24aad ee dalka Liberia iyo haweeneydii ugu horreysay ee dal African ah madaxweyne loogu doorto, bishii May ee sanadkii 2012-ka.

Sirleaf lix sanno ay ku bixisay sidii dalkeeda uu uga bixi lahaa dagaalkii sakeeye una heli lahaa maal-galin dibada ah arintaa oo ay siweyn ugu soo caanbaxday.

Taariiq nololiidka Ellen Johnson sirleaf,

Waxay dhalatay 29 bishii October sanadkii1938, waxay ku dhalatay magaalada Monrovia ee dalka Leberia. Waxay soo noqotay madaxweynaha Liberia intii u dhaxeyse ‘2006 illaa 2018’. Waa haweeneydii ugu horreysey ee dal African ah doorasho ku qabsata.

Sirleaf sanadkii 2011 waxay ku guuleysatay billadda nabadda adduunka oo ay ku heshay dadaalkii ay ku bixisay dalka Liberia

Waxbarashadeedii

Johnson sirleaf goobtii ugu horreysay ee ay wax ka barato waxay aheyd machadka west Africa ee ku yaal magaaladii ay ku dhalatay ee Monrovia, sanadkii1961 waxay waxbarasho u aaday dalka Mareykanka oo ay ku soo baratay maamulka dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Kadib markii ay soo qaadatay darajada labaad ee waxbarashada sanadkii 1971 waxay ku biirtay xafiisyada dowlada Liberia

Qaabkii ay doorashada ugu guuleysatay

12 sanno oo dalka Liberia ay dagaalo ka socdeen Johnson waxay ku nooleyd dalka Kenya halkaa ooay  hey’ado caalami ah ugu shaqeysay sida Bankiga Adduunka.

Ugu dambeytii waxay madaxweyne ka noqotay dalka Liberia intii u dhaxeysey 16 bishii  sanadki 2006 illaa 22 bishii January sanadkii 2018.

 

W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

 

Monday, November 15, 2021

Bisha Oktoober – Bar-kulanka Dhacdooyinka Soomaaliya.



Markii aad dhageysaneyso heesta Qarni waliba Sebenkii,  qorraxiba dharaarteed, waxaa daremeysaa in maalmuhu isku si aysan gabbalku ugu dhicin, waaguna ugu baryin. Seben walbana uu xanbaarsan yahay dhaxalkii gaarka ah.

Hayeeshe, maalin walba waxay lasoo baxdaa wajigeeda qaas ah, waxayna la hoyataa taariikh u goonni ah. Haddana dhammaan maalmuhu ma wada ahan kuwa si la tilmaami karo xusuusteenna ugu wada jira.
Waxaa jira maalmo qofka ku weyn sida goortuu dhashay, Ilmo u dhasheen, maalin uu lumiyay qof ku weynaa qalbigiisa iyo geesta kale maalmo farxad ugu idlaatay sida inuu guursaday. Isla sheekada ku saabsan nolosha hal qof ama qoys, mararka qaar waxay noqon kartaa mid kulmisa masiir qaran iyo mujtamac dhan noloshooda.
Balse marka laga yimaado dunta hoose ee bulshada – qof iyo qoys labadaba – sheekooyinka taariikhda gala waxay aalaaba ku dhismaan heerka ay maqaam ahaan ka joogaan qaranka. Halka aan la isku diidayn in qof ka baxa qoyskiisa aysan wada tiiraanyeyn karin qaranka oo idil, haddana waa tirada geerida waxa gilgili kara quluubta shacabka markay maqlaan iyo dhinaca marka arrin weyn oo umadda oo dhan wada raadeysa ay dalka ka dhacdo.
Sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya marka aan dib-u-milicsanno waxaan arkeynaa maalmo murugu iyo mahadho reeba iyo maalmo baraare iyo wanaag nagu fura, balse arrinta la yaabka leh ee aan doonayo in aan ka hadlo waxay tahay inta badan dhacdooyinka ina soo maray inay kusoo beegmaan bisha October,  Tusaale markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago waxay ku beegneyd bisha Oktober, Qaraxii ugu weynaa ee goob qura ku dhibaateeya in ku dhaw kun qof wuxuu dhacay bisha October.
Haddaba waxaa kuu soo gudbinayaa dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October kuwii ugu waaweynaa:
  1. 5 October 1949-kii waxaa muqdisho ka dhcay dagaal caan baxay oo looga soo horjeeday gumeysiga, dagaalkaa oo ku caanbaxay magaca  ‘Dagax tuur’
  2. 12 October 1954 – Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago kaddib markii uu  naqshadeeye (hindisay) halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan.
  3. 15 October 1969 – Toogasho ka dhacday magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharma’arke.
  4. 21 October 1969– Ciidamadii Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa qabsaday xukunkii dalka lix maalmood kaddib dilkii madaxweyne ina Sharma’arke.
  5. 21 October 1972 – Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaa ka horreeyey aan dhigaal rasmi ah helin.
  6. 3 October 1993– Sideed iyo toban katirsan ciidanka Mareykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib markii dagaal adag ay kala horyimaadeen maleeshiyaad uu hoggaaminayo Jaranaal Maxamed Faarax Ceydiid.
  7. 15 October 2002 – Shirkii 14aad ee Nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
  8. 10 October 2004– Baarlamaanka FKMG waxay Madaxweyne u doorteen AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo taageero weyn ay u ahayd dowladda Ethiopia.
  9. 29 October 2007– Waxaa xilkii iska casilay RW dowladdii ku-meel-gaarka, Cali Maxamed Geeddi kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo ina Yusuf.
  10. 8 October 2000 – Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa RW u doortay Cali Khaliif Galeyr.
  11. 28 October 2001– Kaddib markii uu xilka hayey muddo hal sanno ah, waxaa xilkii laga qaaday ra’iisulwasaare Cali khaliif Galeyr.
  12. 28 October 2002 – Wuxuu MD Cabdiqaasim ku-sime RW u doortay Cusmaan Jaamac Cali.
  13. 29 October 2007 – Saalim Caliyow Ibrow ayaa loo dortay ku-sime ra’iislwasaare.
  14. 14 October 2010– Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo biiray dowladdii uu hoggaaminayey Sharif Sheikh Axmed kaddib markii ra’iisulwasaare loo doortay.
  15. 04 October 2011– Waxaa qarax lagu hoobtay uu ka dhacay Xarunta Harkaha iyo Saamaha oo ay ku geeriyoodeen dad u badan arday Soomaaliyeed oo wax-barasho lacag la’aan ah ka helay dalka Turkiga.
  16. 08 October 2011– Barlamaankii 8aad ayaa kahor yimid heshiis badda ku saabsan oo dhex maray dowladaha Somaliya iyo Kenya.
  17. 17 October 2011– Ciidanka Kenya oo markaa aan ka mid aheyn kuwa Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa xoog kusoo galay dhulka Soomaaliya.
  18. 6 October 2012– MD Xassan Sheikh Maxamud waxuu RW u doortay Cabdi Faarax shirdoon ‘Saacid’ oo markii danbe khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Xasan xilka looga qaaday.
  19. 05 October 2014– Dowladda Soomaaliya waxay la wareegtay magaalada taariikhiga ah ee Baraawe oo muddo sannado ah ay ka talinayeen maleeshiyaadka al-Shabaab.
  20. 25 October 2014 – Isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirrada Soomaaliya ayuu khilaaf weyn ka dhashay markii Wasiirka Cadaaladda, Faarax Sheikh Cabdiqaadir iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha, Saalim Caliyow Ibrow xilalka loo kala wareejiyey taas oo ugu danbeyntii qadka ka saartay dowladdii RW Yuulka.
  21. 26 October 2015– Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Muungaab ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu beddelay Yuusuf Jimcaale.
  22. 17 October 2016– Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madax-weynaha Dowlad-goboleedka Hir-shabelle.
  23. 14 October 2017– Maalin aan la hilmaami karin, waxaa mar qura lawaayey dad ku dhow 500 oo ruux oo Soomaali ah markii qarax gaari lagu soo raray uu ka dhacay Isgoyska Zoobe, musiibadan ayaa Soomaaliya ka dhigtay meesha kaliya ee Qaarada Afrikaa oo daqiiqad lagu dilay dad intaa tiradoodu la’eg tahay.
Ku dar wixii aan ka tagay oo ka dhiman dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October.
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: farriin-danabeedka; Calikaafi9@gmail.com ama Twitter/@Alihilowle8.

Macluumaad / Madaxweynayaasha Africa ugu da’da weyn

  


Da’da madaxda qaarada Africa qaarkood waxay ka weyn tahay da’da howlgab-ka ‘Retirement’ ee shaqooyinka looga fariisto.

Da’da howgabka inta badan dalalka Africa waa 60 sanno, si kastaba qaar kamid ah madaxda Africa waxay hoggaamiyaan dalalkooda iyagoo ka weyn 60 sanno.

Halkan waxaan kuugu soo gudbinaynaa 6 madaxweyne ee Africa ugu da’da weyn Afrikada madow

  1. Paul Biya – madaxweynaha Cameroon, wuxuu dhashay  13 bishii February, sanadkii 1933. Wuxuu xukunka yahay taniyo November 1982. Paul Biya waxa uu ku jiraa 10-ka madaxweyne ee caalam-ka ugu da’da weyn. Wuxuu imika jiraa  88 sano.
  2. Alpha Condé –  madaxweynaha Guinea, wuxuu ifka yimid afartii March 1938. Wuxuu hadda jiraa 83 sano. Alpha Condé Madaxweynaha Guinea waxaa loo doortay 2010, Kadib labo iskuday oo guurdaro ah intii u dhaxeysay 1993 iyo 1998. imaatinkiisii xafiiska waxay aheyd guulweyn oo u soo hoyatay shacabka Guinea maadaama uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee si xor ah loo doortay, haatan af-gambi ayaa dalkiisa ka dhacay balse dowladdiisa ayuu caalam-ku aqoonsanyahay.
  3. Alassane Ouattara – madaxweynaha Ivory Coast,  wuxuu dhashay kowdii bishii January sanadkii 1942. Wuxuu jiraa 79 sano. Alassane Dramane Ouattara waxa uu madaxweyne yahay taniyo 2011-kii, ka hor xilligaa waxa uu ahaa Ra’iisul-wasaare. Ouattara wuxuu heystaa fursad kale oo uu ku tartami karo in uu sii ahaado hoggaamiyaha Ivory Coast.
  4. Muhammadu Buhari – madaxweynaha Nigeria, wuxuu dhashay 17 bishii December sannadkii 1942. Iminka wuxuu jiraa 78 ssano. Madaxweyne Buhari wuxuu hoggaanka Nigeria soo qabtay 1983 kadib af-gambi ay sameeyeen ciidan uu hogaaminayey. Mar kale waxaa la doortay 2015-kii kadib saddax iskuday oo uu ku guuldareystay
  5. Nana Akufo-Addo – Madaxweynaha Ghana, wuxuu ifka ku soo biiray 29 bishii  March sanadkii 1944.Hadda waa  77 jir. Madaxweyne Nana waxa ku guuldareystay labo doorasho oo Ghana ka dhacday 2008 iyo 2012, balse doorashadii 2016 ayuu soo fuulay masraxa kadib markii uu guuleystay. Horay waxa uu u soo noqday wasiirkii arrimaha dibada 2003 illaa 2007.
  6. Yoweri Museveni – madaxweynaha Uganda, wuxuu dhashay 15 bishii August sanadkii 1944. Waa 77 jir weli shaqada ku sii taamaya sii joogideeda. Yoweri Museveni waxa uu qeyb ka ahaa maleeshiyadii awooda ka tuurtay madaxweyne Idi Amin ‘1979, iyo Madaxweyne Milton Obote (1980–85). Taas waxay u suuragalisay in uu awooda dalka gacanta ku dhigo isagoo illaa iyo hadda hoggaanka u haya Uganda.

W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

Saturday, January 30, 2021

93-jir mudo 40 sanno ah shaah uusan lacag ku dooneyn ‘bilaash ah’ ku qeybinaye Masaajidka nabiga ee madiina

 


Ninkan waxaa la yiraahdaa camo ismaaciil waxa uu ku noolyahay dalka sacuudiga, gaar ahaa magaalada barakeysan ee Madina, Camo ismaaciil waxa uu leeyahay sifo ka duwan sifooyin-ka dadka kale, asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Syria, da’diiso waa 93- sanno, meel u dhow masjidka nabiga ee Madina ayuu afartan sanno shaah lacag la’aan ah ku qeybiyaa iyo timir uu siiyo dadka safarka dhaadheer u soo galo shaahiisa, shaah sangabiil leh ama qaxwo mida uu rabo ayuu dalbanayaa isagoo aan lacag bixineyn.

Xaajigan xilli oo hadlaye ayuu yiri ‘waligey kama caajisin shaqadan, dankasta oo soo wajahdo waxa uu ka dooranaye shaahaa uu bilaash-ka ku qeybinayo.

Shaaha uu qeybinayo inkabadan sadax boqol oo qof ayaa cabta, galabkasto salaada casar kadib ayuu howsha bilaabaa, waxa uu yiri ‘inkabadan 50 tarmuus- ama falaasadood in uu shaaha ku diyaariyo’ shaaha isaga ayaa karinaya, diyaarinaya, kadibna qeybinaya.

Mar ayuu xanuusaday sheikh Camo Ismaaciil, oo isha uu dhaawac ka soo gaaray, waxa uu diiday in uu aado dhaqtar, sababta uu u diiday waxa ay aheyd inaysan ka dayacmin howsha qeyrka ah.

Waxa uu sheegay in uu howshaan ka helo, raaxo iyo qalbi qabowsi, si wanaagsan ayaan u hordaa marka aan howsha soo dhameeyo.

Dadka qaar ayaa ku qasba in uu lacag ka qaato balse isla markaa ayuu ku wareejiyaa lacagta qof miskiin ah oo u baahan.


Calikaafi9@gmail.com

Twitter/ @Alihilowle8

Friday, January 15, 2021

Shan qodob oo shaqaaluhu ay ku nicikaraan maamulahooda"







Hadii aad maamule tahay waxaa qasab ah in aad iska illaalisid shantan qodob, si aanay kuu dhibsan kuuna nicin shaqaalahaadu.


·         Maamulaha oo sheegta howsha ay qabtaan shaqaaluhu:  qofkii shaqalaha ahaa ayaa qabanaya howl wanaagsan, ama waxa uu qorayaa report qurxoon, markii howshii la soo bandhigayo halkii uu amaani lahaa qofka shaqada qabtay, isaga ayaa isku amaanayo, sheeganayana howshii. Taasi waxay keeneysaa in shaqaalihii ay nacaan maamulaha, maadaama howl ay igu qabteen uu sheeganayo.

·          Maamulaha oo kalsooni ku qabi waaya shaqaalah: qofkii shaqaalaha u ahaa waxuu dareemayaa qofka maamulaha u ah in uusan ku qanacsaneyn  howsha uu hayo.  Waxa uu dareemayaa in kalsooni lagu qabin, kartina aanu u laheyn  howsha loo dhiibay, waxa uu isku arkayaa qof la liidayo,  taasina waxay keeneysaa in shaqaaluhu uu ku qanacsanaan waayo maamulihiisa.

·         Maamulaha oo arki waaya howsha ay shaqaaluhu  qabtaan: iyadoo shaqaalihii ay howl adag ku jiraan ayaa hadane maamulihii waxa uu leeyahay, waxba meesha kuma heysaa mashaqeysaan, maalaayacni ayaad ku jirtaan, hadaladaa waxay shaqaalaha ku qasbi kartaa inay maamulaha nacaan.

·         Marka uu maamuluhu la xalin waayo mashaakilaadka shaqaalahiisa: waxaa dhalaneysa shaqaaluhu inay u arkaan maamulahaa, mid ku daneysanayo oo marka ay xooga leeyihiin kaliya u baahan

·         Marka uu maamuluhu shaqaalaha fiiriyo qaladaad kooda oo kaliya: wax yar oo qalad ah marka uu ka dhaco qof in maamuluhuu uu shaqaalaha dhan ku ceebeeyo arintiina oo ka dhigo wax weyn.