Thursday, May 19, 2022

Lo’da iyo Laamiyada Muqdisho yaa u kala garqaada?

MUQDISHO waa caasimada dalka Soomaaliya waxey kutaalaa galbeedka badweynta Hindiya, sodon sano ka hor waxay ahaan jirtay magaalo ay u soo dalxiis tagaan dadyowga duniga, maadaama ay leedahay xadaarad iyo xeebo qurux badan dadka ajaanibta ah ee u soo dalxiistaga qaarkood si toos ah ayay u soo daggi jireen, taasi waxay suragalisay inay ku noolaadaan dad kala jinsiyad ah.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladaas la aasaasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo yurub (inta aan la qodin kanaalka suweys) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari.

Taariiq facweyn iyo maalmo qurux badan oo ay magaaladu ku soo jirtay xilli dheer, waxaa marqura isbadalay wijigii qurxanaa iyo astaantii dalka ay leheed magaalado kadib burburkii dowladii dhexe ku yimid.

Inkastoo magaaladu ay iskacaabisay dhibaatooyin badan oo ka dhashay dagaaladii sokeeye iyo burburkii xoogganaa ee ka dhashay hubkii leysku ridaye, hadane waxaan ladafiri karin caqabadaha willi horyaal magaalada sida wadooyin-ka burbursan, meelaha biyo fariisidka xilli roobaadka iyo wasaqowga tirade badan ee ka dhashay balaastiga magaalada dhooban, balse intaa oo idil waxaa ugu darsamay xoolaha nool ee magaalada dhaxyaacaya afar iyo labaatanka saac.

Lo’da iyo Laamiyada Muqdisho  

Waxaa si maalinle ah u arki kartaa hadii aad Muqdisho joogto xoolaha jaadadkooda kala duwan oo dhaxyaaraha faris magaalaha iyo wadooyin-ka bartamaha u ah caasimada, xoolahaa waxaa ugu badan lo’da oo dhaqanka magaalada laqabsatay, dagmooyin-ka Waabari, Wadajir,

Warta-nabada, Darkenley iyo Hodan waa goobaha ugu badan ee aad sii ogtahay in aad kula kulmeyso lo’ada oo wadada fadhisa.

Sababta ugu weyn ee keentay inay magaalo noqoto meel xoolaha lagu dhaqdo waxay dadbadan ku sheegayaan abaarihii soo noqnoqday ee dalka ku dhuftay kuwaa oo keenay markii lawaaye meel ay baadkahelaa xoolaha in magaalada lala soo maciin bidan.

Kasokow dhibaatooyin-ka ay keeneen oo isugu jira kuwo muuqda iyo kowo aan muuqan, waxaa jira dhibaatooyin ay iyago lakulmaan, waxaana ka mid ah gawaarida oo jiirta, wasaqda iyo bacaha oo ay si xisaab la’aan ah u cunayaan iyo mida ugu daran oo ah inay ka nabadgali waayaan caruuta oo marba dhinac u eryata.

Muqdisho dhibaatada ay kala kulantay xoolahaa dhax yaacaya waxaa kamid ah in lagala quustay dhireentii magaalada iyo dhirtii bilicda iyo nuurka u noqon laheyd wadooyin-ka magaalada, tii wadooyin-ka mark laga soo gudbo waxaa haatan gabaabsi ah geedihii waaweynaa ee guryaha ku yaalay oo xoolaha loogurayo.

Maxaa xal u noqon kara caqabada ka dhalatay xoolaha magaalada lagu hayo.

Madaama Muqdisho oo ah caasimada iyo wajiga ummadda Soomaaliyeed waxaa qasab ah inay noqoto magaalo doog ah oo dhireysan, si hadafkaa loogaarana waa qasab in xal waara loohelo xoolaha magaalada lagu hayo.

Maamulka gobolka banaadir oo ah meesha ugu dambeyse iyo marjaca masuulka ka ah magaalada ayaana looga fadhiyaa in uu keeno xal wanaagsan balse hadii aan talladeena raacino,

Waxaa lama huran ah in lasameeyo laanta wacyigalinta, si dadka leh xoolaha loogu sheego muhiimada bilicda magaaladu ay u leedahay iraga iyo caqabada ay keeneen xoolahoda.

In awaamiir lafulin kara uu keeno maamulka taas oo lagula xisaabtamayo qoysaska xoolaha magaalada ku dhax hayo.

 

Waxaa qoray: Cali Hilowle



 

No comments:

Post a Comment