MUQDISHO waa caasimada dalka Soomaaliya waxey kutaalaa galbeedka badweynta Hindiya, sodon sano ka hor waxay ahaan jirtay magaalo ay u soo dalxiis tagaan dadyowga duniga, maadaama ay leedahay xadaarad iyo xeebo qurux badan dadka ajaanibta ah ee u soo dalxiistaga qaarkood si toos ah ayay u soo daggi jireen, taasi waxay suragalisay inay ku noolaadaan dad kala jinsiyad ah.
Waxaa magaalada Muqdisho
dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in
magaaladaas la aasaasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.
Muqdisho waxey ahaan
jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo yurub (inta aan la
qodin kanaalka suweys) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari.
Taariiq facweyn iyo
maalmo qurux badan oo ay magaaladu ku soo jirtay xilli dheer, waxaa marqura
isbadalay wijigii qurxanaa iyo astaantii dalka ay leheed magaalado kadib
burburkii dowladii dhexe ku yimid.
Inkastoo magaaladu ay iskacaabisay
dhibaatooyin badan oo ka dhashay dagaaladii sokeeye iyo burburkii xoogganaa ee
ka dhashay hubkii leysku ridaye, hadane waxaan ladafiri karin caqabadaha willi
horyaal magaalada sida wadooyin-ka burbursan, meelaha biyo fariisidka xilli
roobaadka iyo wasaqowga tirade badan ee ka dhashay balaastiga magaalada
dhooban, balse intaa oo idil waxaa ugu darsamay xoolaha nool ee magaalada
dhaxyaacaya afar iyo labaatanka saac.
Lo’da
iyo Laamiyada Muqdisho
Waxaa si maalinle ah u
arki kartaa hadii aad Muqdisho joogto xoolaha jaadadkooda kala duwan oo
dhaxyaaraha faris magaalaha iyo wadooyin-ka bartamaha u ah caasimada, xoolahaa
waxaa ugu badan lo’da oo dhaqanka magaalada laqabsatay, dagmooyin-ka Waabari,
Wadajir,
Warta-nabada, Darkenley
iyo Hodan waa goobaha ugu badan ee aad sii ogtahay in aad kula kulmeyso lo’ada
oo wadada fadhisa.
Sababta ugu weyn ee
keentay inay magaalo noqoto meel xoolaha lagu dhaqdo waxay dadbadan ku
sheegayaan abaarihii soo noqnoqday ee dalka ku dhuftay kuwaa oo keenay markii
lawaaye meel ay baadkahelaa xoolaha in magaalada lala soo maciin bidan.
Kasokow dhibaatooyin-ka
ay keeneen oo isugu jira kuwo muuqda iyo kowo aan muuqan, waxaa jira
dhibaatooyin ay iyago lakulmaan, waxaana ka mid ah gawaarida oo jiirta, wasaqda
iyo bacaha oo ay si xisaab la’aan ah u cunayaan iyo mida ugu daran oo ah inay
ka nabadgali waayaan caruuta oo marba dhinac u eryata.
Muqdisho dhibaatada ay
kala kulantay xoolahaa dhax yaacaya waxaa kamid ah in lagala quustay dhireentii
magaalada iyo dhirtii bilicda iyo nuurka u noqon laheyd wadooyin-ka magaalada,
tii wadooyin-ka mark laga soo gudbo waxaa haatan gabaabsi ah geedihii waaweynaa
ee guryaha ku yaalay oo xoolaha loogurayo.
Maxaa
xal u noqon kara caqabada ka dhalatay xoolaha magaalada lagu hayo.
Madaama Muqdisho oo ah
caasimada iyo wajiga ummadda Soomaaliyeed waxaa qasab ah inay noqoto magaalo
doog ah oo dhireysan, si hadafkaa loogaarana waa qasab in xal waara loohelo
xoolaha magaalada lagu hayo.
Maamulka gobolka banaadir
oo ah meesha ugu dambeyse iyo marjaca masuulka ka ah magaalada ayaana looga
fadhiyaa in uu keeno xal wanaagsan balse hadii aan talladeena raacino,
Waxaa lama huran ah in
lasameeyo laanta wacyigalinta, si dadka leh xoolaha loogu sheego muhiimada
bilicda magaaladu ay u leedahay iraga iyo caqabada ay keeneen xoolahoda.
In awaamiir lafulin kara
uu keeno maamulka taas oo lagula xisaabtamayo qoysaska xoolaha magaalada ku
dhax hayo.
Waxaa qoray: Cali Hilowle