Warbixinno wax ku ool ah

---- ku dhiiro caawinta walaalkaa hiilada kaaga baahan--------



Waxay ahayd xaflada Balse ka duwan xafladihii aan ka qeyb gali jiray, waa madal arday iskuul oo is xil qaamay ay gaari ay ku gudoon siineyeen saaxiibkood oo laxaad la’.
Ma ahan wax ugub ah in aan aragno dad soomaaliyeed oo iscaawinaya balse tani waxay ahayd arrin igu cusub in aan arko Arday iskuul isla dhigta oo dadaal intaas la eg sameeya iyagoo lacag ay iska aruuriyeen ugu gar-gaaraya Mid kamid ah ardada oo ay ku adkaatay in uu soo gaaro iskuulka,.
Aragtiday waxay mareen da’yartan kuna dhiiradeen  waddo wanaagsan oo ay  diinteeno nafartay Maadaama Nabigeena Muxamed (NNH) wuxuu  sheegay in alle uu ugu jecel yahay dadka kuwa ugu wax tarka badan, Acmaasha uu eebbe  uu  Jecel-yahayna ay tahay ka farxinta  qof muslim ah, qof Muslim ahna waxaad uga Farxin kartaa wax wanaagsan in aad u sameyno ama aad ka dul qaado Kurbo haysa.
Ardada go’aankan kaalmeynta qaatay waa Ardada iskuulka Hanti-wadaag oo sida ka muuqata Magacooda la wadaagay hantidoodii Mid kamid ah Ardada Iskuulka, oo gurguurasho ku imaan jiray kuna laaban jiray.
Xaflada waxaa ka soo qeyb galay dad ka badan 2,000 ruux oo isugu jiray Ardayda Iskuulka Macalimiinta, waalidka dhalay Ardayga lagu doonsiinaye Gaariga iyo waalidka Dariska la ah Schoolka.
Dadaalka mira dhalay ee ardayda wxuu farxadda iyo garabta siiyey dhammaanta ardayga iskuulka oo deemay damacoodii gacan siinta uu dhaboobay.
Maxamed Axmed Cabdulle waa Ardayga lasiiyey gaariga nooca dadka laxaadka la’, waxuu ii sheegay waxa ugu weyn ee uu ka fikiri jiray inay aheyd sidii uu ku gaari lahaa iskuula Marka uu goojo guriga halka Marka uu imaado iskuula uu hadana ka firiki jiray sidii uu ugu laaban lahaa guriga
Waxuu gur-guurasho ku soo jaraa sadax Xaafad is uu u soo gaaro iskuulkiisa oo ku yaalo dagmada Warta nabadda, iasoon ka waaban kuleylka qoraxda, busta, dabeylaha xooggan, roobka waxaa u sii dheer jidad oo aan sineyn, balse intaa oo culeys ah inkastoo uu dareensan yahay haddana kama oodin inuu maalinle u xaadiro iskuulka.


Qore; Cali Hilowle
Twitter @Calikaafi8
Calikaafi9@gmail.com

1 comment: