Warbixinno wax ku ool ah

Ololaha doorashada madaxinimada Turkiga oo soo gaba-gabowday iyo Ninka ugu loolanka adag kala kulmayo #Erdugan


Ololaha Musharaxiinta doorashada madaxtinimada iyo Paarlamaanka Turkiga ayaa soo gabagabowlday iyadoo wax kayar 24-saac ay ka dhimantay xiliga ay furmayaan goobaha cod-bixinta oo ku beegay Axada birita ah  
Doorashadan ayaa noqoneysa mida ugu saameynta badan taariiqda Turkiga, iyadoo madaxweynihii ladoorto uu dhaxli doono awood aan horay loo arag ee wadanka
Madaxweynaha haatan talada haya Recep Dhayip ordugan ayaa larajeynayaa in dib loodoorto inkasta oo loolan adag kala kulmayo tiro kamid ah Mucaaradaka, waxaana loo baahnaan doonaa wareeg labaad oo qof iyo qof ah si loo kala baxo
Mr Erdogan ayaa ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormarinayo sided bil ka hor xiliga doorashada loo balansanaa, kadib markii uu guulweyn ka gaaray dhanka Amniga iyo mucaaradka ka soo horjeedo inkasta oo ay colesyo ka heystaan dhanka dhaqaalaha
Erdogan Caqabada ugu weyn waxa uu kala kulmayaa macalin hore oo maadada Physicis-ka Caan ku ah #Muharrem_Ince.
Ince ayaa balan qaaday in uu maalgalin weyn ku sameyn doono wax-barashada iyo in uu xariir wanaagsan lasameynayo wadamada Reer galbeedka, oo bilihii dambe Erdogan uu xariir kooda gaabiye
Turkigu waxuu wajahaayaa caqabado gudaha iyo dibada ah:
1-lacagta Turkiga ee Liiraha oo 5 boqolkiiba hoos u dhacday marka labar-bar dhigo doller-ka
2-Ciidanka Turkiga oo holw-gal militari ka wada gudaha wadamada Syria iyo Iraq iyo
3-caqabada ugu weyn oo ah mida ka imaaneysa shacabka Kurdiga oo u arka in si gaar ah loo beegsanayo
4-Caqabada kale ayaa ah Erdogan oo aan jecleen in xisbi mucaarad ah uu baarlamaanka kula midoobo 
Xisbiga AKP ee uu hogaamiyo Erdogan ayaa lafilaa inay kuraasta ugu badan ka helaan Parlamaan-ka inkasto ay jirto caqabada uga imaaneysa dadka Kurdiga ah


Turgume Cali Hilowle

@Calikaafi8
--Calikaafi9@gmail

No comments