Warbixinno wax ku ool ah

Maxaa ku waajib ah marka uu dal cusub ku soo biirayo Caalamka?



Maanta waxaa jira 197 dal caalamka oo dhan—193 waxay xubin ka yihiin Qaramada Midoobay   
 2-QM ayaa maamusha---2-sharciyad dhamees tiran maheystaan.

QM waa hey’ada ugu saameynta badan caalamka, waxaana lagu sheegaa inay tahay meesha caalamku uu ka hanaqaado.
193-ka dal ee QM ay aqoonsantahay dhamaantoo waa kuwo madax banan.
 Wadan in uu ku soo biro QM oo uu noqdo dal la aqoonsanyahay ma ah wax fudud.

Maxaa looga baahan yahay wadan si caalamku u aqoonsaddo?
Waxaa jira shuruudo ay qasab tahay in uu marka hore soo buuxiye, kuwaa oo gudihiisa ku hareereysan. waxaa kamid ah in uu leeyahay dhul, Lacag u gaar ah iyo Calan lagu garto. Intaa markii uu soo buuxiyo ma ah macnaheedo in uu helayo aqoonsiga dal buuxa.
Si uu uga mid noqdo dalalka caalamka ka jira marka hore waa inay u codeeyaan golaha amaanka ee QM, kadib waa in uu ongolaasho ka helaa shanta xubnood ee joogtada ah ‘All 5 permanent members’ USA, Britain, France, Russia iyo China markaa kadib ayaa waxaa loo aqoonsanayaa musharax cusub oo ku soo biirayo caalamka. Intaa dabadeed waxaa qasab ah inay ansaxiyaan golaha guud ee QM (dalalka caalamka oo dhan) Sadax meelood labbo,  markaa kadib waxaa lagu dhawaaqayaa wadankaa in uu yahay dal caalamka ku soo biire shahaada QM ayaana lasiiyaa.

Labada wadan ee layiraah ‘UN observer satus’  
 Labada dal ee QM Muraaqibka ka ah waa Falastiin iyo Vitican-ka shahaada aqoonsiga dalnimo way heystaan balse dowlad buuxda looba aqoonsana.

Labada sharciyada dhameystiran aan heysan waa Taiwan iyo Kosovao
Taiwan waxaa aqoonsan 22 dal oo kaliya. Shiinaha ayaan ku dhagan oo sheegta in uu dhulkiisa ka mid yahay Taiwan.
Kosovo waxaa si buuxda u aqoonsan 111 dal. Serbia ayaana sheegta Kosovo in uu yahay gobol dhulkiisa ka mid ah.
           
Waxaa diyaariye Cali Hilowle

Calikaafi9@gmail.com

Twitter/@Alihilowle8

No comments