Ocboter- Bar kulmisay dhacdooyin badan oo Soomaaliya Xasuus ku leh
Markii aad dhageysaneyso heesta Qarni waliba Sebenkii, qorraxiba dharaarteed, waxaa daremeysaa in
maalmuhu isku si aysan gabbalku ugu dhicin, waaguna ugu baryin. Seben walbana
uu xanbaarsan yahay dhaxalkii gaarka ah.
Hayeeshe, maalin walba waxay lasoo
baxdaa wajigeeda qaas ah, waxayna la hoyataa taariikh u goonni ah. Haddana
dhammaan maalmuhu ma wada ahan kuwa si la tilmaami karo xusuusteenna ugu wada
jira.
Waxaa jira maalmo qofka ku weyn
sida goortuu dhashay, Ilmo u dhasheen, maalin uu lumiyay qof ku weynaa
qalbigiisa iyo geesta kale maalmo farxad ugu idlaatay sida inuu guursaday. Isla
sheekada ku saabsan nolosha hal qof ama qoys, mararka qaar waxay noqon kartaa
mid kulmisa masiir qaran iyo mujtamac dhan noloshooda.
Balse marka laga yimaado dunta
hoose ee bulshada – qof iyo qoys labadaba – sheekooyinka taariikhda gala waxay
aalaaba ku dhismaan heerka ay maqaam ahaan ka joogaan qaranka. Halka aan la
isku diidayn in qof ka baxa qoyskiisa aysan wada tiiraanyeyn karin qaranka oo
idil, haddana waa tirada geerida waxa gilgili kara quluubta shacabka markay
maqlaan iyo dhinaca marka arrin weyn oo umadda oo dhan wada raadeysa ay dalka
ka dhacdo.
Sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya
marka aan dib-u-milicsanno waxaan arkeynaa maalmo murugu iyo mahadho reeba iyo
maalmo baraare iyo wanaag nagu fura, balse arrinta la yaabka leh ee aan doonayo
in aan ka hadlo waxay tahay inta badan dhacdooyinka ina soo maray inay kusoo
beegmaan bisha October, Tusaale markii ugu horreysay oo Calan
Soomaaliyeed la taago waxay ku beegneyd bisha Oktober, Qaraxii ugu weynaa ee
goob qura ku dhibaateeya in ku dhaw kun qof wuxuu dhacay bisha October.
Haddaba waxaa kuu soo gudbinayaa dhacdooyinka
Soomaaliya ka dhacay bisha October kuwii ugu waaweynaa:
a)
5
October 1949-kii waxaa muqdisho
ka dhcay dagaal caan baxay oo looga soo
horjeeday gumeysiga, dagaalkaa oo ku caanbaxay magaca ‘Dagax tuur’
b)
12
October 1954 - Waxay
ahayd markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago kaddib markii
uu naqshadeeye (hindisay) halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan.
c)
15
October 1969
- Toogasho ka dhacday magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay Madaxweyne
Cabdirashid Cali Sharma’arke.
d)
21
October 1969 -
Ciidamadii Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa
qabsaday xukunkii dalka lix maalmood kaddib dilkii madaxweyne ina Sharma’arke.
e)
21
October 1972 - Waxaa
si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaa ka horreeyey aan
dhigaal rasmi ah helin.
f)
3
October 1993 - Sideed
iyo toban katirsan ciidanka Mareykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa lagu
dilay magaalada Muqdisho kaddib markii dagaal adag ay kala horyimaadeen
maleeshiyaad uu hoggaaminayo Jaranaal Maxamed Faarax Ceydiid.
g)
15
October 2002 - Shirkii 14aad
ee Nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
h)
10
October 2004 -
Baarlamaanka FKMG waxay Madaxweyne u doorteen AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf
Axmed oo taageero weyn ay u ahayd dowladda Ethiopia.
i)
29
October 2007 - Waxaa
xilkii iska casilay RW dowladdii ku-meel-gaarka, Cali Maxamed Geeddi kaddib
markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo ina Yusuf.
j)
8
October 2000
- Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa RW u doortay Cali Khaliif
Galeyr.
k)
28
October 2001 - Kaddib
markii uu xilka hayey muddo hal sanno ah, waxaa xilkii laga qaaday
ra’iisulwasaare Cali khaliif Galeyr.
l)
28
October 2002 – Wuxuu
MD Cabdiqaasim ku-sime RW u doortay Cusmaan Jaamac Cali.
m)
29
October 2007 - Saalim
Caliyow Ibrow ayaa loo dortay ku-sime ra’iislwasaare.
n)
14
October 2010 - Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo biiray dowladdii uu hoggaaminayey Sharif Sheikh
Axmed kaddib markii ra’iisulwasaare loo doortay.
o)
04
October 2011 - Waxaa
qarax lagu hoobtay uu ka dhacay Xarunta Harkaha iyo Saamaha oo ay ku
geeriyoodeen dad u badan arday Soomaaliyeed oo wax-barasho lacag la’aan ah ka
helay dalka Turkiga.
p)
08
October 2011- Barlamaankii
8aad ayaa kahor yimid heshiis badda ku saabsan oo dhex maray dowladaha Somaliya
iyo Kenya.
q)
17
October 2011- Ciidanka
Kenya oo markaa aan ka mid aheyn kuwa Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa xoog kusoo
galay dhulka Soomaaliya.
r)
6
October 2012 - MD
Xassan Sheikh Maxamud waxuu RW u doortay Cabdi Faarax shirdoon ‘Saacid’ oo
markii danbe khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Xasan xilka looga
qaaday.
s)
05
October 2014 -
Dowladda Soomaaliya waxay la wareegtay magaalada taariikhiga ah ee Baraawe oo
muddo sannado ah ay ka talinayeen maleeshiyaadka al-Shabaab.
t)
25
October 2014 - Isku
shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirrada Soomaaliya ayuu khilaaf weyn ka
dhashay markii Wasiirka Cadaaladda, Faarax Sheikh Cabdiqaadir iyo Wasiirka
Xanaannada Xoolaha, Saalim Caliyow Ibrow xilalka loo kala wareejiyey taas oo
ugu danbeyntii qadka ka saartay dowladdii RW Yuulka.
u)
26
October 2015 -
Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Muungaab ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu
beddelay Yuusuf Jimcaale.
v)
17
October 2016 - Cali
Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madax-weynaha Dowlad-goboleedka
Hir-shabelle.
w)
14
October 2017 - Maalin
aan la hilmaami karin, waxaa mar qura lawaayey dad ku dhow 500 oo ruux oo Soomaali
ah markii qarax gaari lagu soo raray uu ka dhacay Isgoyska Zoobe, musiibadan
ayaa Soomaaliya ka dhigtay meesha kaliya ee Qaarada Afrikaa oo daqiiqad lagu
dilay dad intaa tiradoodu la’eg tahay.
Ku dar wixii aan ka tagay oo ka
dhiman dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October.
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: farriin-danabeedka; Calikaafi9@gmail.com ama Twitter/@Alihilowle8
No comments