Taariiq nololeedka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo waayihiisa xil heynta dalkaa
Vladimir
Putin waa madaxweynaha Rushka , Wuxuu dhasahy 7 bishii tobnaad ee sannadkii 1952-kii. Hooyadii waxa la
odhan jiray Maria Ivanorna. Hooyadii waxay ahayd shaqaale warshadeed.
Awoowgii wuxuu Cunto kariye u ahaa hogaamihii soofiyadka Joseph Stalin,
ka dib wuxuu ka codsaday inuu inankiisa loogu daro ciidamada badda ee Ruushka,
sidaasina ayuu ku galay ciidanka. Wuxuu la dhashay laba inan (rag) oo ka
weynaa, balse waxay dhinteen markay dhasheen, waxa haleelay xanuunka
gowracatada badhtamihii sannadkii
1930-kii.
Sannadkii 2000 ayuu
ku guulaystay in uu noqdo M/weynaha
dalka Ruushka. Wuxuu soo bandhigay in uu jamhuuriyada Ruushka ka dhigo 89
qaybood oo fadaraal ah iyo 7 degmo oo hoos yimaada. Dhammaantoodna waxa
maamulaya jamhuuriyada Ruushka. Wuxuu xilkan hayey (2000 ilaa 2004).
Sannadkii 2004-kii ayaa
mar labaad loo doortay M/weynaha dalka Ruushka, Isagoo helay 71% cododkii la
dhiibtay. Wuxuu xilkan hayey (2004 ilaa 2008)
Sannadkii 2008-dii ayey mudadiisi dhamaatay, oo mar saddexaad isma soo
sharaxi karin. Marka la eego distoorka u yaalla dalkaasi. Ka dib wuxuu soo
sharaxay saaxiibkii oo ahaa Dmitry Medvedev oo ay xulfo weyn ahaayeen. Waanu ku
guulaystay M/weynihii ka dib wuxuu raysal-wasaare u magacaabay Putin.
Sannadkii 2012-kii ayuu
mar saddexaad isu-sharaxay M/weyne, waxaanu ku guulaystay codod ah 63%. Markii
lagu dhawaaqay guusha Putin waxa gilgilay Ruushka mudaharaadyo waaweyn ayaa ka
dhacay guud ahaan dalkaasi, kaasoo lagaga soo horjeeday Putin.
Sannadkii 2018-kii ayuu mar kale isku sharxay M/weyne , waxaanu ku guulaystay
codad gaaraya 77% 18 March 2018 ayaana dib
loo doortay
Qoray: Ali Abdulle Hilowle
Twitter/ @Alihilowle8
Calikaafi9@gmail.com
Waa taariiq loo baahan yahay
ReplyDelete