Warbixinno wax ku ool ah

Taariiq-da iyo heerarka lacagta



Lacag waxaa lagu qeexaa dhax-dhaxaadiyaha wax kala badalashadda, sidoo kale waxaa lagu qeexi karaa cabirka wax lagu qiimeeyo. Ahmed khawanky oo maadada Financiga ku taqasusay ayaa aaminsan Lacagtu inay tahay mid kamid ah waxyaabihii ugu muhiim sanaa ee daah-qaaday ilbaxnimada bini’aadam-ka.
Waayadii hore inta aan la aqoon lacagta, ayaa dadku waxay wax kula badalan jireen badeecada iyadoo qolo walbaa ay badeecad ay isla ogyihiin lagu jaangoynaye taasoo loo yaqaan (barter),
Sida ka muuqata magaceeda ‘Lacag’ waa waxa kaliya ee laqiimo ah wax waliba oo dunida yaal ‘lacag oo macneheedo yahay la’eg’
Sida uu qorayo buugga The History of Currency markii ugu horeysay ee lacagta la isticmaalo waxay aheyd 10,000 oo sano ka hore balse arintaa kama dhigna in lacagta warqada ah la isticmaalaye
Kahor inta aysan soo bixin lacagta warqada ah iyo midka kale ee shilinka ah dadku waxay isticmaalijireen hanaan ay isku af-garteen oo ah in alaabta lasyku badasho tusaale dadka beeraleydo waxay suuqa la’imaan jireen waxyaabaha beerahooda ka soo go’a si ay ugu badashaan sokorta, dharka ama waxyaabaha kale ay u baahan yihiin, xoolaleyduna sidaa oo kale ayaa waxa ay heystaan suuqa u keeni jireen si ay ugu badashaan waxa ay u baahanyihiin Isticmaalka lacagta in uu xilli dhowr soo gaari Africa gaar ahaa Somalia waxaa muujinayo abwaankii weynaa ee Ismaacil mire oo darwiish ahaa xilli oo burco xoollo u soo safriye ayay qoladii dalaaleyda aheyd dhaceyn markaasoo tiriye gabay tuducadiiso ka mid aheyd ‘
  • Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto
  • iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede
  • Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye
  • Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane
  • mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline
halkaa waxaa ka muuqda in uu Abwaan ismaaciil mire oo dhashay 1882-kii oo san aqoon isticmaalka lacagta xiligaana ay ku cusbeyd
Haatan waxaa inta badan caalamka laga isticmaalaa lacagta looyaqaano Mobia money taa oo fududeysay isdhaxgalka bulshuuyinka iyo ka adeegashada suuqyada. Lagacta mobia money-ka waxaa larumeysan yahay inay soo bilaabatay sanadkii 2000-


Calikaafi9@gmail.com
@Twitter Alihilowle8

1 comment:


  1. Waan kusalaamay wll waxaan kacodsanaayaa in aad qorto macluumaat kusaabsan dalka natherland mahad sanid

    ReplyDelete