‘Ilaalinta ballanta iyo muhiimadda ay bini-aadamka u leedahay’
Ilaalinta ballantu waa lagama maarmaan. Waa arrin la isku
raacsanyahay oo la wada ogolyahay goob kasta iyo dhaqan walba oo adduunka ka
jira. Si dadku ugu wada shaqeeyaan si hagaagsan oo meelmar ah, waxaa lamahuraan
ah in la ilaaliyo balanta. Ballanta la ilaaliyaa waxay keentaa in dadku
isaaminaan, isku tiirsanaadaan oo ay kalsooni badan isku qabaan. Ilaalinta
ballantu waxay kale oo ay kor u qaaddaa niyad samaanta, waxayna dhiirigelisaa
isku tiirsanaanta iyo firfircoonida, Faa’iidooyinka iyo waxtarka ballanta la oofiyaa waa wax aad u ballaaran,
mudanna in la aqoonsado oo tixgalin weyn la siiyo. Oofinta iyo ilaalinta
ballanta si weyn ayaa loogu xusay diinta Islaamka. Aayaad iyo axaadiis badan
ayaa ku soo arooray arrintaa. Aayadda caanka ah ee ku bilaabata: Wa uufuu bil
cahdi innal cahda kaana masuulaa iyo xadiiska sida weyn loo xigto ee isna ku
bilaama: Kulukum raacin wa kulum mas’uul can raaciyatihi ayaan ka bid ah naska
faraha badan ee ina faraya inoona
muujinaya sida lagamaarmaanka ay u tahay ilaalinta iyo oofinta ballantu.
Kolkaa waa caddahay wax mugti ahina kuma jiro in ilaalinta ballantu
ay tahay masuuliyad muhiim ah oo xisaabtan iyo isweydiin ka imaan karaan haddii
la dayaco ifka iyo aakhiro labadaba. Aayadda iyo xadiiska kor lagu xusay waxay muujinayaan in ciqaab
iyo caro Ilaahay ka dhalan karaan haddii la dayaco ballanta. Waayo waa gaf weyn
oo la mid ah gafafka iyo dambiyada ka dhalan kara kolka la gudan waayo
waajibaayada diinta Islaamka saldhigga u ah oo ay ugu horreeyaan salaadda iyo
soonku. Waxaa haddaba la isweydiin
karaa arrinta culayskaa iyo muhiimaddaa
leh ma la fududaysan karaa ama ma la
dhayalsan karaa? Jawaabtu waa maya. Qofku markuu ballanta dayaco ama oofin
waayo iyadoo aanu hayn cudurdaar la qaadan karo, waxaa la aamini karaa ama la
fahmi karaa in qofkaasi yahay qof aan la isku hallayn karin. Waxaa loo fahmi
karaa qof aan tixgelin iyo qadarin muujin.
Qof aan garwaaqsanayn dhibaalka uu geystey. Kalsoonidii ayaa meesha ka
baxaysa. Aaminaadda, tixgelinta, wada shaqaynta iyo wanaag kale oo badan oo
dadka isku soo dhaweeya ayaa wiiqmi kara. Isjecleysiiya ayaa yaraanaya ama la
waayi karaa. Isnacayb, kala didid, kala dudid iyo waxyaabo kale oo taban ayaa
kaalin weyn ka geli kara xiriirka dadka u dhaxeeya. Waxyaabahaasi ma aha kuwo
la doono ama lagu dadaalo inay meesha yimaadaan.
kulan kasto oo ay dad Soomaaliyeed iskugu yimaadaan hadalka ugu
horeyo ee lagu furo waa raali galin ah ‘waqtigii aan ugu tala galnay in aan
bilowno waan ka dib dhacnay hanalaga raali ahaado ama aan si kale u dhehee
‘dadka waqtiga dheer inoo fadhiyey waxaan ka raalli galineynaa dib u dhaca
naqabsaday’. waxaa astaan ama hal-qabsi noo noqotay waqtiga lagu ballamiyo
saacad ayaa dib looga dhacaa, oo la macno ah saacaddii lagu ballamiyey midda ka
dambeyso tag. waa dardaaranka inta badan ay dadku kuu sheegayaan marka aad
wargeliso in aad ballan leedahay. waa dhaqan rogan oo ku faafay dhaxdeenna.
Tusaale ahaan xafladdii ugu dambeyse ee aan ka qeyb galay waxay
aheyd xaflad aflixid arday, waxaa la i soo gaarsiiyay warqaddii casuumaadda
‘Invitation’ oo ay ku qoran tahay 8:00am inay bilaabaneyso howlsha meesha loo
tagayo balse waxaa labilaabay 10:19am iyadoo weli dadkii la filayey inay meesha
ka hadlaan qaarkood ay maqanyihiin.
Waxaan si cad ugu xad-gudubnay diinteenna oo meel weyn ka istaagtay
illaalinta ballamaha. dabeecad ayaana ka dhiganey dhaqankan.
Calikaafi9@gmail.com
Twitter@Alihilowle8
No comments