Taariiqda Haweeneydii ugu horreysay ee dal african ah madaxweyne loogu doortay
Ellen Johnson sirleaf waa madaxweynihii 24aad ee dalka Liberia iyo haweeneydii ugu horreysay ee dal African ah madaxweyne loogu doorto, bishii May ee sanadkii 2012-ka.
Sirleaf lix
sanno ay ku bixisay sidii dalkeeda uu uga bixi lahaa dagaalkii sakeeye una heli
lahaa maal-galin dibada ah arintaa oo ay siweyn ugu soo caanbaxday.
Taariiq nololiidka Ellen Johnson sirleaf,
Waxay dhalatay
29 bishii October sanadkii1938, waxay ku dhalatay magaalada Monrovia ee dalka
Leberia. Waxay soo noqotay madaxweynaha Liberia intii u dhaxeyse ‘2006 illaa
2018’. Waa haweeneydii ugu horreysey ee dal African ah doorasho ku qabsata.
Sirleaf sanadkii
2011 waxay ku guuleysatay billadda nabadda adduunka oo ay ku heshay dadaalkii
ay ku bixisay dalka Liberia
Waxbarashadeedii
Johnson sirleaf
goobtii ugu horreysay ee ay wax ka barato waxay aheyd machadka west Africa ee
ku yaal magaaladii ay ku dhalatay ee Monrovia, sanadkii1961 waxay waxbarasho u
aaday dalka Mareykanka oo ay ku soo baratay maamulka dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Kadib markii ay
soo qaadatay darajada labaad ee waxbarashada sanadkii 1971 waxay ku biirtay
xafiisyada dowlada Liberia
Qaabkii ay doorashada ugu guuleysatay
12 sanno oo
dalka Liberia ay dagaalo ka socdeen Johnson waxay ku nooleyd dalka Kenya halkaa
ooay hey’ado caalami ah ugu shaqeysay sida Bankiga Adduunka.
Ugu dambeytii
waxay madaxweyne ka noqotay dalka Liberia intii u dhaxeysey 16 bishii
sanadki 2006 illaa 22 bishii January sanadkii 2018.
W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle
No comments