Wax ka barro 10-ka Dal ee qaarada Africa ugu dhulka weyn
Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa 10-ka dal
ee Africa ugu dhulka weyn anigoo ka bilaabi doona midka tobanaad
10: Muritania, Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Muritaaniya
waxa ay dhacdaa waqoyi-galbeed Africa, Magaalo madaxdeeda waxaa layiraahdaa Nouakchott (Nuwaag-shoot), badkeedo waxa uu gaarayaa
(1,3700 km2) shacabka Muritaaniya waxay gaarayaan 4.182 million
oo qof
9:South Africa, Jamhuuriyadda Koofur
Africa waxuu dhacaa sida ka muuqata magaciisa koofurta qaarada Africa, 1,221,000
KM2, waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 55.91 million oo qof, caasimada
wadanka waxaa layiraahdaa Pretoria,
8: Mali, Jamhuuriyada Mali waa wadan
ku yaallo galbeedka Africa, waa dal xiran (malahan wax bad ah) badkiisu waxuu
gaarayaa 1,240,000 km2 caasimada wadanka
Mali waxaa lagu magacaabaa Bamako, dadka u dhashay Mali waxay
gaarayaan 15M oo ruux
7: Angola, waxay dhacdaa koofur
galbeed Africa, badkeedo waxuu gaarayaa 1,246,000 km2, caasimada wadanka Angola
waxaa layiraahdaa Luanda, dadka ku nool Angola waxay
gaarayaan 29M oo qof
6: Niger Jamhuuriyada Niger, waxay
dhacdaa galbeedka Africa waa dowlad xiran (malahan wax bad ah) badka Nigar waxa
uu gaarayaa 1,267,000 Km2 Niamey (Niyaami)
5:Chad, Jamhuuriyada Chad, waxay dhacdaa bartamaha Africa, badka dowlada Chad
waxuu gaarayaa 1,284,000 km2 caasimada Jamhuuriyada Chad waxa layiraahdaa N'Djamena (Nijamiina), waxaa dalkan ku nool 14M oo qof
4:Libiya waxay dhacdaa waqooyiga Africa, waa dal ka mid ah
dalalka ugu dhulka weyn caalamka, waxuu badkiiso gaarayaan 1,759,000 KM2,
caasimada wadanka Libiya waxaa layiraadkaa Tripoli, dadka ku nool waxay gaarayaan 6.293M oo qof
3: Sudan, Jamhuuriyada Sudan, dalkan waxuu ahaa wadanka ugu dulka
weyn Africa ka hor inta aysan ka ogin sudanka koofureed, badka Sudan waxuu
gaarayaa 1,861,000 km2, Caasimada wadanka Sudan waa magaalada Khartoum dadka sudan ku nool waxay gaarayaan 41,680,022 oo qof
2: Jamhuuriyada Demoqoradiga cong (Dr) waxuu dhacaa bartmada Africa, waa dalka
labaad ee Africa ugu dhulka weyn, badkiiso waxuu gaarayaa 2,344,000km2, dadka
ku nool DR waxay gaarayaan 82M oo qof,
caasimada wadanka waxaa layiraahdaa Kinshasa
1: Algeria, dalka Algeria waa dalka ugu dhulka weyn qaarada Africa
waxa uu dhacaa waqoyiga Africa, badka Algeria waxa uu gaarayaa 2,381,000
km2, Algeria waxay ka gooban tahay 48 gobol waxaana ugu weyn gobolka Tamanrasset,
gobolkan waxuu ka dhul weyn yahay wadamada Jarmalka iyo Syria, caasimada wadanka
Algeria waxaa layiraahdaa Algiers
dadka ku nool Algeria waxay gaarayaan 40.61 million oo qof
No comments