Warbixinno wax ku ool ah

Ba’a Qaadka Balaayo naheysato




Qaadku waa aafo ay la nool yihiin dad badan oo soomali ah, waxa uu saameyn xoogan ku leeyahay qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaa ku kala tagay qoys iyo qaraabo, waxaa ku kala irdhobay labo isla dhalatay iyo labo isdhashay, waxuu ka saameeyay Soomaalida dhan waliba ha ahaato dhan bulsho, dhan caafimaad.
Qaadka meeshii ugu horeysay ee laga beero waxaa la sheegaa in ay ahayd bariga Africa gaar ahaan wadanka Ethiopia inkastoo ay jiraan dad aaminsan inay Yaman ku horeysay Beerista geedka Qaadka
Cilmi baaris ay sameysay Rugta Cilmi barista Amaanka Carabta waxaa lagu ogaaday geedka qaadka in uu ka baxo 4,000 ilaa 9,000 cag cabirka badaha
Waxaa la qiyaasaa in uu gaaro dhirarka geedka qaadka 1M ilaa 2M marka uu ka baxayo buuraha guntooda Sare, halka marka uu ka baxayo buuraha guntooda hoose uu gaaro ilaa iyo 6m, marka uu heysto biyo baaxad leh dhirarkiisu intaas wuu kasii koraa,  
Waxaa la wariyaa in markii ugu horreysay ee Soomaaliya uu soo galayay inay bilaabeen cunistiisa dad sheegaya inay doonayaan in ay cibaadeestaan Habeenkii si ay u soo jeedaan waxay cuni jireen qaadka. Markaas kadib wuxuu isticmaalkiisu u gudbay darawalada wada gawaarida, sid ay u dhafraan habeenkii, sidaasi ayuu ku soo galay Soomaaliya qaadka sida uu aaminsan yahay Pro Maxamed Cabdi oo qoray Buuga ‘Hadimoyinka Qaadka’
Soomaaliya dhowr mar ayaa laga mamnuucay Qaadka.
-Ingiriisku waxuu qaadka Ka mamnuucay Labo jeer horaantii Afartamaadkii iyo Kontomaadkii
 -Talyaanigu Waxuu ka mamnuucay Koofurta Sanadkii 1952-kii
-Dowladdii Dhexe ee soomaali ayaa sidoo kale dadka Ka mamnuucday cunista Qaadka sanadkii 1983-kii
Baaritaan ay sameysay hey’ada caafimaadka u qaabil-san Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa sanadkii 1975-kii waxaa la’ogaaday Qaadka inay ku jiraan in ka badan 40 Maado oo darooga ah waxaana ugu sareysa maadada (Katanoon) oo ah mida qofka gaarsiisa heer waali ah, Maadada katanoonka waxay gaarsiisan tahay daroogadeeda mida laga baaro ciyaartoyda ciyaara orodada oo ay ku muteystaan haddii lagu arko Jirkooda maadadaasi ganaax ciyaaraha looga mamnuuci karo



Qofka qaadka cuna waxaa lagu sifeeyaa in uu lamid yahay qof dagaal ku jira oo kale ‘Jirkiisuna waxuu soo daayaa dheecaanada lasoo daayo marka uu jirko dagaal ku jiro sidaasi owgeed qofka qaadka cuna mar-waliba waxaa laga filan karaa dagaal si uu ula fal galo dheecaanada qaldan uu ay soo deynayaan jirkiisa
Qaadku waxuu dhibaato xoogan ku keenaa dhaqaalaha qaranka iyo midka qoska isagoo bur-buriya dhaqanka iyo jiritaanka bulshada
Hadaba maxaa naga soo gala dhowladaha beera qaadka oo soomaaliya u soo dira oo malaayiin dooler Qoraxdii soo baxdaba Naga gur’ta? Masa isweyndiisay Mustaq balka Jiilka kuwaabariista waalidiintoo oo qaar ku hor cunaya? Su’aalahaasi Aqristow adiga ayay ku horyaalaan--

Qore Cali Hilowle 
Twitter @Calikaafi8
Calikaafi9@gmail.com


No comments