Warbixinno wax ku ool ah

Seynis-yahan-ka ugu da’da weyn Australia oo u duulay Switzerland si uu isku dilo




Davdi Goodall oo ah Seynis yahan-ka ugu da’da weyn Australia oo da’diisu ay tahay 104-sanno ayaa u duulay wadanka Switzerland si uu u soo gaba-gabeyo Noloshiisa bisha soo socota, isagoo aan qabin wax xanuun ah
David oo ku jiray safarkiisa Switzerland ayaa sheegay in tayadiisa nolosha ay sii xumaanayso isla markaana uu ku guulaysay balan-qaadkiisii  heys’ada dhimashada dadka ka caawiso ee Basel
‘aad baan uga qoomameynayaa in aan gaaro da’daasi’ ‘Ecologis tahan ayaa u sheegay  Muuqaal baahiyaha ABC-  horaantii bishan xili uu u dabaal dagaye da’da 104-sanno
‘Ma farax-sane. Waxaan doonayaa in aan dhinto, mana ahan wax-murugo ah. Murugto waa hadii ay kugu dhacdo wax aad ka hortagi karto, balse arinta I haysato ma ahan mid laga hortagi karo’ Davdi Goodall ayaa sidaasi yiri
Mr Goodall ayaa shaashadaha Caalamka Qabsaday sanadkii 2016-ka kadib markii uu qilaaf soo kala dhax-galay isaga iyo caamadasiisa isagoo markaasi da’diiso ay aheed 102-sanno
Is-dilka ayaa ka ah sharci daro wadamo badan ee Caalamka ah iyadoo wadanka Australia laga mamnuucay sanadkii hore kadib markii gobol kamid ah wadanka uu sharci ka dhigay is dilka
Wadamada uu sharci ka yahay is-dilka waxaa ka mid ah Switzerland, Germany, South Korea, Japan, iyo qaar ka mid ah gobolada Mareykan-ka oo ay ka mid yihiin gobolka Washington, Colorado, Hawaii, Vermont, Montana, Washington DC, and California.
Wadamada Qaar dadka Xanusan ama da’da ah ee go’aan sada inay is-dilaan ayaa laga qaadaa kumanaan doller si loogu fududeyo Dhimashada

Tor-jume Cali Hilowle 
Calikaafi9@gmail.com
Twitter @Calikaafi8


No comments