Amiir Sucuudi ah oo xorriyaddiisa ku iibsaday in ka badan hal bilyan oo doolar
Qofka ugu
magaca weyn dadka hadda xabsiga laga sii daayay ayaa ah amiir lagu magacaabo
Miteb oo labo usbuuc ka hor markii la soo qabanayay laga xayuubiyay xilka
madaxa ilaalada qaranka.
Warka ku
saabsan sii deyntiisa ayaa lagu ogaaday qoraallo ay barta Twitterka soo dhigeen
qaar ka mid ah xubnaha qoyska reer boqor.
Xarigga Miteb
oo tan iyo afartii bishan lagu hayay hoteelka weyn ee Ritz Carlton ayaa ahaa
mid ka fajaciyay dad badan maadaama uu ahaa madaxa ilaalada qaranka, xilkaasi
oo ahaa xil aad muhiim ugu ah amniga boqortooyada.
Waxaa sidoo
kale loo arkayay in uu noqon doono boqorka mustaqbalka ee dalkaasi.
Sarkaal ka
tirsan dalka Sucuudiga ayaa sheegay in amiirkani uu ogolaaday in uu bixiyo
lacag ka badan hal bilyan oo doolar si uu xorriyaddiisa uu dib u helo.
Saddex qof oo
kale ayaa sidoo kale la sheegayaa in xabsiga laga sii daayay.
Dhammaan
shakhsiyaadkani ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq kala geddisan oo qaarkood la
sheegay in la geystay tobanaan sano ka hor.
No comments