Warbixinno wax ku ool ah

Taariiqda Haweneydii ugu horeysay oo Hindiya oo ka mid noqotay Parlamaanka Pakistan'


 Haweyney ka mid ah dadka Hindiga ah ee ku nool wadanka Pakistan ayaa loo doortay mid kamid ah kuraasta Aqalka Sarre ee Pakistan taariiqda markii ugu horeysay, Doorashada Parlamaanka ee ka socoto dalka Pakistan.  
Krishna Kumari waxay xubin ka tahay xisbiga dadaka Pakistan, waxayna kasoo jeeddaa dadka aadka u tirada yar ee ku nool Pakistan balse assal ahaan Hindiga ah.
Xildhibaanada qaranka iyo Xubnaha Matalayo afar gobol ayaa ladoortay Sabtigii waxayna xilka heynayaan lixda sanno ee soo socota. 
Xisbiga Rasul wasaare Nawaz Sharif ayaa ku guuleystay tirrada ugu badan ee kuraasta Aqalka Sarre isagoo helay 33-Kursi.
Booska labbaad waxaa helay Xisbiga Madaxweynihii hore ee wadanka Asif Zardari
Inta badan dadka Hindiga ah ee ku nool Pakistan ayaa isaga cararay wadanka xilli ay dad isweydaarsi sameynayeen labada wadan waa Pakistan iyo Hindiya.
Dadka yarre ee ku harray halkaasi waxay meel hoose kaga jiraan siyaasada iyo Dhaqaalah wadanka, dalka dadkuuso ay muslimka u badan yihiin ee Pakistan waa wadanka Kaliya ee Muslim ha ee heysta Hubka Nuclier-ka waxayna is hayaan wadanka Hindiya.
‘Waxaan dareymayaa Farxad, tani ma aheyn mid aan ku fakaraye Sanadkan’ Kumari ayaa sidaasi tiri warkii ay u gaatay inay guuleysatay

Tur-jumay Cali Hilowle----- 
Calikaafi9@gmail.com


No comments