Macluumaad kooban oo ku saabsan Taiwan
Taiwan ma ahan
dowlada caalaku uu si buuxda u aqoonsan yahay inkasta oo ay jiraan dowalado
sidii dowlada buuxda oo kale ula falgala, waxayna hoos tagtaa China, bariga
Asia ayuu ku yaal Taiwan dhanka waqooyi galbeed waxaa ka jira China, Japan ayaa
ka xiga dhanka Waqooyi bari halka Philippe ay ka jirto dhanka Koofureed,
Jasiirada Taiwan cabirka ay ku fadhiso waa
35,808km2. Caasimada Taiwan waa Taipei halka
dadka ku nool Taiwan ay gaarayaan 23.7M
Jaziirada Taiwan kama tirsano dowlada xubinta
ka ah QM. 193-dowladood ee QM xubnaha ka ah 14-kamid ah ayaa Taiwan u aqoonsan
dowlada rasmi ah. Jaziiradan waxay xubin ka tahay ururo ganacsi oo ay ka
midyihiin ‘World Trade organization, Asia Pacific Economic iyo Asian
Development Bank. Xisbiga xariirka la leh chine ee ka dhisan Taiwan halkaa aad
loogama celyo waana taa mid keentay inay doorashada kuraas yar ku yeeshaan. Jaziiradan waxaa gumeysan jiray Japan ilaa 1945-kii
Dhanka doorashooyinka
Sida caadiga ah Taiwan waxaa ka
qabsooma 11-doorasho oo kala duwan tan iyo 2012-kii. Waxaan looqeybiyaa
doorashada guud iyo mid deegaanada, doorashooyinkaa waxay dhacaan afartii
sanaba mar.
Doorashada guud waa mid lagu soo
doorto madaxweynah, ku xigeenkiisa iyo golaha baarlamaan-ka oo gaaraya
113-xubnood halka doorashada godaha lagu soo xusho madaxda gobolada
gudoomiyaasha magaalooyinka iyo Madaxda deegaabka
Doorashada sida sharciga Twania oo
qorayo waxaa madax ka ah gudiga doorashooyinka oo magacooda loosoo gaabiyo
‘CEC’ da’da ugu yar ee qofku uu ku codeen karo waa 20-sanno. Codeeyaha ayaa
looga baahan yahay in uu buuxiyo shuruudaha daganaashiyahay ka hor afar bilood
doorashada si uu u helo warqada cod bixinta
Doorashadii ugu horeyse ee lagu
qabtay Taiwan waxaa qabtay gumeysigii Japan 22 November 1935-kii
Xiligaa shuruudo adag ayaa ku
xirnaa doorashada, 25-sanno qof ka yar looma ongoleen in uu codeeyo iyo in uu
bixiyo canshuurta shansanno, xiligaa codeynta waxaa ka qeyb qaatay 28,000 oo
ruux halka dirada guud ee shacabta teywaan ay ahaayeen 4-Milliom-oo ruux
Doorashadii labaad waxay dhacaday
1939- balse 1943- ayaa la cancelled sabab laxariirto dagaalkii labaad ee duniga
oo xiligaa looga guuleystay Japan oo Twain xiligaa gumeysanaye
si aad uga codeyso Taiwan waxaa
qasab kugu ah in aad heysato dhalashada dalka China, da’daadana ay ka weyntahay
20-sanno
doorashada madaxweynah qofka ka
qeyb qaadanayo waxaa waajib ku ah in uu Taiwan ku noolaa lix bil oo xariir ah
ama in kabadan.
Doorashda deegaanka qofka ka qeyb
qaadanayo isna waxaa qasab ku ah in uu deegaanka uu ka codeynayo uu ku noolaa
4-bilood oo xariir ah ama in kabadan
No comments