Taariiq noloneedka madaxweynaha cusub ee Croatia
Zoran milanovic waxa uu
dhay 30 october 1966-kii waa madaxweynaha ladoortay, xilka ayuu lawareegayaa
19-February 2020-ka, waxa uu sooqabtay xilka rasulwasaaraha intii u dhaxeysay
bishii December 2011-ka ilaa January 2016-ka. Waa hogaamiyaha xisbiga ‘Social
democratic party ‘oo ah xisbi bidix dhexe.
Zoran milanovic waxa uu
noqonayaa madaxweynihii shanaad ee Croatia isagoo ka guuleystay Kolinda
Grabar-kitarovic oo ah madaxweynaha xilka ka sii dageysa.
Markii uu ka qalin
jabiye jaamacada Zagreb qeybta Law-ga Milanovic waxa uu noqday wasiirka arimada
dibada, lataliyaha Croatia ee midowga Europea iyo NATO 1996-99-kii
Xisbiga uu haatan
hogaamiyo ee bidix dhexe waxa uu ku biiray 1998. 2007-ayaa loodoortay hogaamiyaha xisbiga SDP
kadib geeri ku timid hogaamiyihii waqtiga dheer horboodaye xisbigaa ahaane
rasulwasaare Ivica Racan.
Doorashadii 2011-ka
ayuu xisbigiisu ku guuleystay kuraasta ugu badan ee parlamaan-ka taa oo keentay
Milanovic in uu noqdo Rasul-wasaaraha Croatia
17-June 2019-kii
Milanoiv waxa uu shaaciye in uu u tartami doono xilka madaxweynaha Croatia
isagoo matalaya xisbiga Social Democratic party. Ugu dambeyntiina doorashadii
ayuu ku guuleystay isagoo helay wareega koobaad 29.55% wareegii koobaad ee doorashada
halka wareegii labaad oo helay 52.67%.
Zoran milanovic ayaa
taariiq ka dhigay dalkaa kadib markii uu noqday musharixii 2-baad ee ka
guuleystay madaxweyne u tartamaya wareegii labaad ee doorashada
Aabihiis Stipe
Milanovic waxa uu ahaa dhaqaali yahay halka hooyadii ay tahay macalimad dhigtay
luqadaha ‘English-ka iyo Germal-ka Milanovic asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa
Bosnia Herzegovina
Milanovic ayaa
goorsaday Snaja Music 1994-kii waxayna leeyihiin labo wiil Ante Jokov iyo Marko
No comments