Maxaa ku waajib ah marka uu dal cusub ku soo biirayo Caalamka?
Maanta waxaa jira 197 dal caalamka oo dhan—193 waxay xubin ka
yihiin Qaramada Midoobay
2-QM ayaa
maamusha---2-sharciyad dhamees tiran maheystaan.
QM waa hey’ada ugu saameynta badan caalamka, waxaana lagu sheegaa
inay tahay meesha caalamku uu ka hanaqaado.
193-ka dal ee QM ay aqoonsantahay dhamaantoo waa kuwo madax banan.
Wadan in uu ku soo biro QM
oo uu noqdo dal la aqoonsanyahay ma ah wax fudud.
Maxaa looga baahan yahay wadan si caalamku u aqoonsaddo?
Waxaa jira shuruudo ay qasab tahay in uu marka hore soo buuxiye,
kuwaa oo gudihiisa ku hareereysan. waxaa kamid ah in uu leeyahay dhul, Lacag u
gaar ah iyo Calan lagu garto. Intaa markii uu soo buuxiyo ma ah macnaheedo in
uu helayo aqoonsiga dal buuxa.
Si uu uga mid noqdo dalalka caalamka ka jira marka hore waa inay u
codeeyaan golaha amaanka ee QM, kadib waa in uu ongolaasho ka helaa shanta
xubnood ee joogtada ah ‘All 5 permanent members’ USA, Britain, France, Russia iyo
China markaa kadib ayaa waxaa loo aqoonsanayaa musharax cusub oo ku soo biirayo
caalamka. Intaa dabadeed waxaa qasab ah inay ansaxiyaan golaha guud ee QM
(dalalka caalamka oo dhan) Sadax meelood labbo,
markaa kadib waxaa lagu dhawaaqayaa wadankaa in uu yahay dal caalamka ku
soo biire shahaada QM ayaana lasiiyaa.
Labada wadan ee layiraah ‘UN observer satus’
Labada dal ee QM Muraaqibka
ka ah waa Falastiin iyo Vitican-ka shahaada aqoonsiga dalnimo way heystaan
balse dowlad buuxda looba aqoonsana.
Labada sharciyada dhameystiran aan heysan waa Taiwan iyo Kosovao
Taiwan waxaa aqoonsan
22 dal oo kaliya. Shiinaha ayaan ku dhagan oo sheegta in uu dhulkiisa ka mid
yahay Taiwan.
Kosovo waxaa si
buuxda u aqoonsan 111 dal. Serbia ayaana sheegta Kosovo in uu yahay gobol
dhulkiisa ka mid ah.
Calikaafi9@gmail.com
Twitter/@Alihilowle8
No comments