Musiibadii 14-ka Oktobar – Wixii dhacay waa laga soo kabanayaa!
Waxaa laga joogaa
sannad markii tiro ka badan 500 oo Soomaali ah ay ku dhinteen qarax lagu
tilmaamay inuu ahaa midkii ugu weynaa ee qarniga 21aad ka dhaca dunida
saddexaad.
Balse gu’ kaddib
goobtani ma ahan sideedii hore muuqaal ahaan. Waxaa ka muuqdaa is-beddel xaga
bilicda iyo degaan quruxsanaanta la saaxiibaya. Indhuhuna in badan kama
naxayaan inay deymada ku xasiliyaan daawashada dhismayaasha quruxda badan. Jeedaalinta
afarta jiho ee is-goyska Zoobe, waxaa kaaga baxaya labo sawir oo ugu yaraan
isku soo dhawaanaya.
Mid u taagan hour-socod
iyo dhiirranaan nololeed oo shacbiga caasimadda Muqdisho ku nool ay uga
fal-celinayaan musiibooyinka ku dhaca iyo sawir maskaxeed aan tirmin oo u taagan
xusuusta nolosha dadkii qiimaha lahaa oo maanta oo kale ifka nagu dhaafay –
kaas oo mar kasta oo aad isasoo taagto halkan ku gelinaya gocasho qaraar.
Barta is-goyska Zoobe
oo ah halka ay musiibadani ka dhacday waxaa laga taagay taallo loogu magac-daray
14 Oktoobar si loo muujiyo baaxadda wixii goobta ka dhacay sannad kahor. Hayeeshe,
dhismaha Taalladani waxay hal dhinac ka istaagaysaa xusuusta xanuunkii ay
laheyd tiiraanyada mashaqadii maalintaas dhacday oo kaliya, sida dad badan ay
la tahay.
Gu’ kaddib farxadda, rajada
iyo riyooyinka ay ku nool yihiin qaraabada dadkii ku baxay musiibada wali waxay
ku jirtaa soo kabsasho. 12 bilood oo waagu ugu soo baxay arooryo aysan la
waabariisan dadkii ka baxay, maanta waxay ku wada qanceen qaddarta. Waxayna ku jiraan halgan hor leh iyo
qorsheynta mustaqbal bilaa walaal, waalid iyo widaay ah. Kuwa iilka ku hubsaday meydadkii loo helay iyo
kuwa aan helin raqda dadkii qaraxa uga dhintay, waxay ugu danbeyn maanta oo
kale isku mid u dareemayaan xanuunka.
Wixii dhacay sannad
kahor ma aheyn dhacdo oo kaliya. Waa musiibo qaran oo bedeshay nolosha qoysas
badan oo innaga mida. Tirada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay waxaa ka
danbeysa sheekooyin mahadho ku reebay ehelladii laga baxay. Gebigoodna waxay
nolosha uga jireen kaalmo muhiim ah. Qaar waxay ahaayeen shumaca qura oo ifiya
nolosha reerahooda; qaarna waxay ahaayeen ileys soo baxaya oo himilooyin qurux
badan la nool.
Balse dhammaantood
daqiiqad maanta oo kale kamid ah ayuu ku ekaaday safarka noloshooda. Waxa ayna
taasi ay liifadda u gaabisay kuwii ay ka dhasheen.
Hayeeshe, qoysaskii
laga dhintay waxay kusii socdaan inay u noolaadaan sidii shalay. Mana ahan soo
kabsashadu midda laga dareemayo is-goyska Zoobe oo kaliya. Haddii dhismayaasha
cusub ee lagu beddelay kuwii burburay ay qaban karaan muuqaallada caalamka,
gudaha qoysaskeenna la nool tiiraanyada, waxay iyaguna tusaale u noqon karaan
heerka u-adkeysiga musiibooyinka oo umadda Soomaaliyeed lagu yaqaan. Waana
cashar cusub oo ay muhiim tahay in dunidu naga barato.
In kasta oo aan la
saadaalin Karin haddii mid lamida ama ka daran musiibadii 14-ka Oktoobar ay
dhici doonto iyo in kale, waxaa iska cad in bulshadeennu ay nolosha ku qaabili
karaan weji walba oo ay ula timaado. Waxayna taasi ugu bareerayaan dhiirranaan
iyo dulqaad si ay u xaqiijiyaan.
Waase dowladda dhexe
midda mustaqbal hubaal leh u abuuri karta nolosha carruurta iyo ehellada dadkii
dhintay. RW Kheyre wuxuu munaasabadda maanta ka balan-qaaday in wax-barasho
lacag la’aan ah la siinayo agoonta waalidiintoodu ku dhinteen qaraxa, waxaase
taasi barbar socota halka lagu ogaanayo waalidiintii waayay ilmahoodii u ahaa xoog
qura oo ay ku dheefsadaan.
Si la iskugu
dheelli-tiro nolosha dhibanayaasha maanta oo kale la weyneeyo dadkii uga
dhintay qaraxa, waxaa lama huraan in qoys walba qofkii ka baxay beddelkiisa
loogu shaqaaleysiiyo qofka kale oo la dhashay ama maal-gelin maaliyadeed loo
fidiyo si ay usoo kabsadaan nolol ahaan.
Haddiise wax-barasho oo
kaliya la siiyo agoomada – iyada oo aan aabayaashii waayay ilmahooda loo
sameynin nolol isku filnaansho leh – dowladeennu waxay diiradda saaraysa
dhisidda mustaqbal ku dhisan jiilka soo socda; iyada oo aan daryeelkii loo
baahnaa u fidin jiilka maanta nool.
Qore: Zakariya Xasan
Maxamed.
Kala xiriir: farriin-dababeed; hiraal86@gmail.com
No comments