Maxkamada sarre ee Spain oo amartay in lasoo xiro Rasul wasaaraha Israel
Rasul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo todobo xubnool oo
qaarkood ay horay xil u soo qateen qaarkalana ay hada xilka hayaan ayaa qatar ugu
jira in lasoo xiro hadii ay cagaha soo dhigan dalka Spain, kadib makii maxkamadda sarre ee dalkaa ay soo saartay warqad xalaaleyneysa xeritaan kooda.
Sida uu qoray wargeysa Latin america ee layiraah Latin American Herald
Tribune, gudoomiyaha maxkamada sarre spine Jose La Mata ayaa amray police-ka inay sooxiraan hadii Netanyahu iyo lixda
xubnood ee kale ay soo galaan dalkaa, waxaa lagu eedeynayaa ficiladii foosha
xumaa oo ay ka geesteen magaalada Gaza sanadkii 2010. Eedeymaha kale ee
looheysto waxaa kamida werarkii logu dajiye markab Turkigu leeyahay oo gar’gaar
u waday Gaza.
Xubnaha kale ee la amray in lasoo
xiro waxaa kamid ah wasiirkii hore ee difaaca Israel Ehud Barak, wasiirkii hore ee
arimaha dibada Avigdor Leiberman, wasiirkii hore ee stratigiyada Moshe Yaalon
iyo wasiiro kale oo xilka haye xiligii ay dhageyse dhibaatadaa.
No comments