Fadeexaddii Sirdoonka CIA-DA Mareykan-ka ka qabsatay dalka Singapore
Waxaa jira fadeexad caan baxday oo CIA-da Mareykan-ka ka qabsatay dalka yar ee Singapore markii mid kamid ah sirdoonkeedda oo howlo basaasnimo ah ka waday gudaha dalkaas lagu qabtay si kadis ah kadibna lagu xukumay 12-sanno oo xabsi ah.
Washington ayaa markaa iska diiday inay sinnaba ugu lug laheyd Falkaas. Si loogu caddeeyo fadeexada, ayaa Ra'iisul wasaarihii xilligaa ee Singapore Lee Kuan Yew waxaa uu xafiiskiisa isugu yeeray saxaafadda madaxa banaan isaga oo haya dukumentiyo sir ah oo laga helay basaaska CIA-da ee lagu qabtay Singapore, waxa uuna ku goodiyay inuu feylasha saxaafadda horteedda kusoo bandhigi doono hadii Mareykan-ku uusan ka laaban hadalka dafiraadda ah.
Kolkii ay xaaladdu adkaatay, CIA-da ayaa weydiisatay Mr. Lee inuu kusoo wareejiyo maxbuuskooda u xiran- taas badalkeedanna uu qaato lacag dhan 3.3 milyan oo doolar oo si qarsoodi ah loo siin doono. Mr Lee ayaa iska diiday lacagtaas, waxuuna ku tilmaamay ‘Aflagaado iyo bahdil’.
Washington ayaa ku qasbanaatay inay qirato basaaska inuu ka tirsan yahay sirdoonkooda iyo weliba dukumintiyada la hayo, waxaana arintaa qirtay xoghayihii arimaha dibada Mareykanka ee xilligaas Dean Rusk oo warqad raali-galin ah usoo diray Mr Lee isagoo yiri ‘Way adagtahay in lagato damiirka bulsho dhan oo isku xiran’.
Ra'iisul wasaare Lee waxa uu maalintaa jeediyey khudbad weyn oo illaa maanta dhagaha CIA-da ka sii qeylineysa waxa uuna yiri 'Mareykanku waa inuu fahmaa nuuca dadka uu la macaamilayo ee jooga Singapre, dalkan madaxdiisu ma ahan sida 'Ngo Dinh Diem-Fiitnaam ama 'Syngman Rhee'-koonfur kuuriya. Dalkanina ma ahan iib'. intaa wixii ka dambeeyey dunidu waxay Lee u aqoonsatay Aabaha Singapore.
Singapore waxay tirsiga dalalka ugu dhulalka waaweyn dunida kaga jirtaa booska 177-aad. Sannadkii 1960-kii Singapore waxay aheyd magaalada qaska iyo fowdada, bulshada ku noolna waxay badigood ku sugnaayeen jahli, faqri iyo musuq. balse sannadkii 1965-kii ayaa wax walba waxay isku baddeleen geesta kale. sannadkaa ayaana loo aqoonsaday bilowga taariikhda casriga ee Singapore.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii Cali Hilowle
@Alihilowle8
No comments